Hargeysa (SDWO 26/04/09) Tababar lagu baranayo saddex arrimood oo kala ah kordhinta wacyigelinta xuquuqda aadamaha, mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga, ayaa shalay 40 xubnood uga furmay huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxa soo qabanqaabiyey Ururka Horumarinta Dhallinyarada Somaliland (SOYDA), isla markaana waxa maalgeliyey urur taageera arrimaha xuquuqda aadamaha oo ka shaqeeya dalalka carabta, kaas oo magaciisa la yidhaa Arab Human Right Fund (AHRF). Waxaanay ka qaybgalayaashu ka kala yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ururrada bulshada rayidka ah, naafada, ardayda jaamacadaha, dhallinyarada iyo qaybo kale.

Muddada tababarkani socdo si weyn loogu lafoguri doonaa saddexda qodob ee uu ku saabsan yahay ee kala ah in la badiyo wacyigelinta bulshada ee ilaalinta xuquuqda aadamaha, mabaadi’da nidaamka dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga iyo waxa uu yahay.

Tababarkaas waxa furay Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Cali Xasan (Casoowe) oo hadal dheer oo uu halkaas ka jeediyey kaga waramay saddexdan arrimood oo uu ku tilmaamay qaar sal u ah bulshada iyo horumarkeeda, isaga oo faahfaahin ka bixiyey sida Somaliland loogu hurmarin karo arrimahan.

“Haddii la helo maamul wanaagsan oo toosan oo bulshadu u siman tahay oo hantida si siman loo qaybsanayo oo aan la boobayn bulshadaasi isma nacdo mana kala tagto,” ayuu yidhi Md. Casoowe.
Wasiirka Caddaaladdu waxa uu xusay in dhaqanka bulshada Somaliland leeyahay waxyaabo caqabad ku noqon kara hirgelinta saddexdan qodob, kuwaas oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, waxaannu ka digay in qabyaaladda la dhex keeno miidaanka siyaasadeed ee Somaliland.

“Somaliland way ka ladnayd qabyaaladda, laakiin maalintii doorashadii Wakiillada wax weyn baa inaga khaldamay, maalintaa qof waliba qabiil buu ku coddeeyey oo waxa la lahaa reer hebel yey inaga badan, taasina maaha wax loo baahan yahay ee waa dadka karti iyo aqoon lagu doortaa. Maantana doorasho ayaa inagu soo socota ee haddii axsaabta ama siyaasiyiintu idiinla yimaadaan qabiil waxaad ogaataan in Somaliland burbur u horseedayaan oo ku damayn doonto sida Koonfurta,” ayuu intaa raaciyey Wasiirka Caddaaladdu.

Guddoomiyaha Ururka SOYDA Marwo Faysa Aw Cali Yuusuf oo halkaa ka hadashay, ayaa sharrax kooban ka bixisay ururkooda iyo waxa uu ka shaqeeyo, waxaanay tilmaantay inuu yahay urur dhallinyaro oo ka hawlgala arrimaha bulshada, isla markaana ka shaqeeya dhammaan gobollada dalka.

Guddoomiyuhu waxa kale oo sheegtay in ujeedada tababarkan ka leeyihiin tahay si bulshada looga dhaadhiciyo saddexdaas qodob oo ah qaar aad u muhiim ah.
“Ujeedada aannu dadkan kala duwan ugu martiqaadnay waxa weeye in saddexda qodob ee kordhinta wacyigelinta xuquuqda aadamaha, mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaaga dadka lagu baraarujiyo, kolay maaha wax saddex maalmood lagu dhammayn karo laakiin in fikir guud laga qaato weeye,” ayey tidhi Faysal Aw Cali Yuusuf.
Sidoo kale, Agaasimaha SOYDA Mr. Xaashi Cabdillaahi Xasan oo isna furintaankii shirkaas hadal ka jeediyey, ayaa si kooban uga hadlay tababarkan iyo muhiimadda uu leeyahay iyo ujeedada urur ahaan ay ka leeyihiin. Waxaannu ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay muddada uu socda ka faa’iidaystaan casharada loo dhigi doono.
“Tababarkani waxa uu inoo socon doonaa saddex maalmood, waxaan idinkula dardaarmayaa in muddada uu socdo aad si fiican uga faa’iidaysataan, isla markaana aad ilaalisaan waqtigan oo aan la maqnaanin,” ayuu yidhi Agaasime Xaashi.
SDWO News Desk- Hargeysa