|
|
“Waxaan leeyahay Gobta Somaliland Waa Ciise Muuse”. Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa shalay socdaal howleed oo aan mudadiisu xadidnayn ku tegay magaalo xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil. Madaxweyne Cigaal oo socdaalkiisu ku maray dhinaca dhulka intii uu ku sii jeeday Berbera waxa uu ku sii hakaday tuulada Dacar-budhuq oo ilaa 60km bari ka xigta magaalada Hargeysa, tuulada Dacar-budhuq oo ka mid ah degmada Beesha uu ka soo jeedo Md. Cigaal, waxa uu ka jeediyey khudbad kooban oo ay si aad ah ugu sacabo tumeen reer Dacar-budhuq. Mudane Cigaal isaga oo boqolaal qof oo dadweynaha reer Dacar-budhuq isu sheegaya shaqsi ahaan ninka uu yahay waxa uu khudbadiisa ku bilaabay; “I garan maysaan waxaan ahay Maxamed Ibraahim Cigaal, marka xigana waxaan ahay nin Ciise Muuse ah”. Waxana uu intaas raaciyey Md. Cigaal “Waxa dalka laysla dhex wareegayaa oo ay idiinla imanayaan rag baas oo belaayo wadaa Ciise Muuse xaqiisii Cigaal baa u qaaday, markaa xaq kale dalka kuma leh”. Mudane Cigaal isaga oo arrintaas uu tilmaamay jawaab ka bixinaya waxa uu yidhi, “Been weeye, waxay Ciise Muuse dalka ku leeyihiin xaqa beelaha kale ee Somaliland ku leeyihiin dalka, haddii aad tihiin Ciise Muuse, ina Cigaal baa Somaliland ka madax ah xaq idin kaga lumayaa ma jiro, laakiin waxaad kaloo ogaataan in aydun wax siyaado ku helayn nin Ciise Muuse ah baan ahay oo dalka ka madax ah”. Madaxweyne Cigaal oo arrintaa sii faahfaahinaya waxa uu yidhi, “Ina Siyaad [Maxamed Siyaad Barre] baa yidhi dalka iyo Soomaali oo dhan waxa u madax ah reer Diini [Mareexaan-raaskii uu ka dhashay Siyaad Barre] maanta waxaad ogtihiin waxa reer Diini ku sugan yihiin, waa kuwaa maanta habdhaqankoodii dewersanaya caalamka oo dhan”, waxa uu intaas raaciyey, “Anigu idinka dhigi maayo in madaxtinimadaydu ay idinka [Ciise Muuse] idin dhaxalsiiso berito markaan dhaco inaad caalamka dawersataan oo Soomaali inteeda kale idinla colowdo oo ay yidhaahdaan waa kuwii, waa kuwii, waxaanse idin dhaxalsiinayaa qaran la yidhaahdo Somaliland oo aad ka mid tihiin oo weliba abaal weyn weyn, idiin haya. Inaad qayb weyn oo aan cid kale ka qaadan aad ka qaadateen dhismihii qarankan, waxaana leeyahay Hambalyo Hambalyo, Ciise Muuse Hambalyo”. Madaxweyne Cigaal waxa uu ku soo gebogebeeyey khudbadiisaa koobnayd, “Konton sanadood ayaan siyaasad ku soo jiray, waxaan ogaaday gobonimadu waxay tahay gobonimadu maaha anigaa faro badan, gobonimadu maaha anigaa cid kale ka adag, gobonimadu waxa cidii lala noolaan karo ee lagu dhex noolaan karo ee nabad iyo wanaag iyo walaaltinimo lagula wada joogi karo weeye, waxaan leeyahay gobta Somaliland waa Ciise Muuse”. Madaxweyne Cigaal oo 2:00 duhurnimo gaadhay Berbera waxa la dejiyey guriga martida dawladda oo si weyn loogu sii diyaariyey halkaas oo la sheegay inaanu cid ku qaabilin ilaa xalay oo uu nasasho shaqsi ah ku jiray. Dhawr Taandho (taanbuugyo) ayaa shalay barqadii laga qotomiyey xeebta Batalaale oo ku taala bariga magaalada Berbera, kuwaas oo la sheegay in loogu talo galay inuu Madaxweynuhu ku nasto maalmaha uu joogo Berbera. Madaxweynaha oo aan socdaalkiisa Berbera cidi ku wehelin marka laga reebo xoghayihiisa gaarka ah. Shaaca lagama qaadin ujeeddada socdaalka Madaxweynaha iyo muddada uu joogi doono magaalada Berbera, balse warar xogo-gaal ah oo aanu ka helnay Berbera waxa ay tibaaxeen in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah oo isugu jira nasasho iyo arrimo la xidhiidha dhinaca siyaasada gudaha ee degaanka gobolka Saaxil ee uu ka soo jeedo Mudane Cigaal iyo weliba olole ku saabsan taageerada ururka UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay. War kooban oo afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale uu soo saaray intaan mudane Cigaal ka ambabixin Hargeysa waxa uu ku sheegay inaan safarka Madaxweynuhu ku ekaan doonin Berbera oo keli ah, balse shaaca kama qaadin meelaha kale ee uu safarkiisa ku kala bixin doono.
|