SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Khubadihii Ugu Xiisaha Badana  Ee Soo Jiidatay Dadkii Ka Soo Qayb Galay Xafladii Gobolka HAWD

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (Balaygubadle 29/06/08) Xaflad si weyn loo soo Agaasimay oo loogu wanqalayay gobolka cusub ee HAWD ayaa shalay  lagu qabtay xarunta gobolkaasi ee magaalada Baligubadle. 

 

 

Munaasibadan oo ahayd mid aan hore loo arag Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay wafuud aad u fara badan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE ahna ku simaha gudoomiyaha Xisbiga KULMIE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo kudhawaad 50 meeyoo xubnood oo isugu jira madax dhaqameedyo, salaadiin, boqorro iyo cuqaal ka kala socotay dhamaan beelaha gobollada Somaliland iyo killilka 5aad ee soomaalida Itoobiya. Xafladdan oo qabanqaabadeeda laga dareemayay guud ahaanba Somaliland gaar ahaana Caasimada dalka ee Hargeysa.

 

 

Hadalkii Madaxweyne Ku-xigeenka

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta kala qayb galay Shacbiga ku dhaqan Gobolka Hawd iyo Kumanaan Qof oo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka.

 

 

Waxa kale oo ka mid ahaa dadka xafladda ka soo qayb galay madax dhaqameedyada Somaliland intooda badan, marti sharaf ka kala yimiday Goboladda Somaliland iyo Dalalka Jaarka ah. xaflad balaadhan oo loogu wanqalayay Gobolka Hawd ee dhawaan xukuumadu magacawday.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu halkaa ka jeediyay hadalo dhinacyo badan taabanay kaas oo ahaa sidan:

 

"Marka hore waxaan leeyahay Illaahay baa mahad leh marka labaad waxaynu maanta halkan isugu nimidnay maaha xaflad kaliya, waxaan filayaa mujaahidiintii faraha badnayd ee halkan ka hadlaysay inaanay fahmin sirta ama nuxurka aynu maanta halkan isugu nimid, taa lafteedana waxaan u qaadayaa laba qaybood mid waxa weeyi qaybta ugu horaysa waxa aynu halkan isugu nimid maanta, waxaan leeyahay Hambalyo iyo guul iyo barwaaqo iyo bash bash ayaan idiin rajaynayaa Hadii Illaahay yidhaahdo, taasi waa Hambalyadii Gobolka Hawd, oo aan idiin soo gaadhsiiyay Aniga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin." Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

 

 

"Hadaba hadaan u dhaadhaco nuxurka hadalkayga Dabcan, Gobol waa la bixiyaa laakiin muxuu Gobol u baahan yahay ayaa meesha taal, halkaa waxaan u kala qaadayaa laba qodob waa qodobkaa iyo qodob aanay fahmin Mujaahidiintii halkan ka hadlay oo aan doonayo inaan halkan ka sheego.

 

Gobol waxa weeyi degaankiisa, baaxadiisa iyo dhaqaalihiisa, waad ogtihiin maanta dunida waxa ka taagan cunto la'aan waa gobol looga baahan yahay inuu wax beero, waa gobol looga baahan yahay inuu xoolaha dhaqo, waa gobol looga baahan yahay inuu dawladda dhexe dhaqaalo ku soo kordhiyo, taana ku biyo caba. Waxaana taa lagu gaadhayaa waa idiinkoo isku duubnaada, oo wada jir ka shaqeeya oo inaga fogeeya Qabyaaladd, Qabyaalad iyo meel la ururiyo ama la yaryareeyo faa'iido malaha, meesha laysugu tago ee wax laga qabto ayaa horumar iyo barwaaqo lagu gaadha dadku ha dago Gobolka Hawd, yaanu kala lahaanin sumad gooniya, yaanu kala lahaanin calaamad gooniya, waa in la yidhaahdo Gobolka Hawd ayaan ka imiday, Gobolka Hawd ayaan dhisanayaa, Gobolkii Hawd ayaan horumarinayaa." Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

 

 

Mujaahid Muuse Bixi Cabdi

 

Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Gudoomiye ku-xigeenka Xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa madaxdii kala duwanayd ee maanta ka qayb galay Xafladii balaadhnayd ee loogu wanqalayay Gobolka Cusub ee Hawd.

 

 

khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyay kaga waramay taariikhda iyo qiimaha ay Degmadda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd u leedahay Somaliland iyo Taariikhdii cajaayibka badnayd ee ay ku lahayd xorayntii Somaliland.

 

Mr. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisii sarsare ee dhaqdhaqaaqii SNM ayaa markii uu xafladaa maanta ka kacay laguna soo dhaweeyay Micraphone ka jeediyay hadalo qiiro leh oo si wayn u dhaqaajiyay dadkii xafladda ku sugnaa isla markaana kasbaday sacab iyo mashxaradii ugu badnaa ee xafladda Muj. Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisu u badnaa tariikhda balaadhan iyo qiimaha dadka reer Hawd leeyihiin waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Hadmaa inoogu danbaysay, Baligubadlaa inoogu danbaysay.

 

 

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE ahna kusimaha Gudoomiyaha Xisbigaas ee Xiligan waxa uu ganafka ku dhuftay codsi ka yimiday Wariye Khadar Maxamed Cakule oo Xafladda hagayay kaas oo uu dhamaan dadka hadlaya kaga codsanayay inay wakhti kooban hadlaan soona gaabiyaan hadalka, balse Muuse Biixi waxa uu ku dheeraaday taariikhdii kala duwanayn iyo amaanta reer Baligubadle "Maanta waxa la yidhi taariikh halaga hadlo, taariikhda waa layga badiyaa, laakiin intii aan maqlay iyo intii aan arkay ayaan aad u soo koobayaa, mana wada mari karo, marka ugu horaysa dadka degan Gobolkan lagu magacaabo Hawd ee maanta loo bixiyay dadka degan taariikhda halgankoodu halkay ka soo bilaabantay in lays waydiiyo ayaa xusid mudan 1800 iyo dhawr iyo sideetankii markii Afrika la qaybsanayay ee Ingiriisku yimid Somaliland ee bada lagaga saxeexayay saanta cidii ku lahayd ee diiday inay Isticmaarkaa la saxeexato beeshan goobtan bay ahayd marageedu yuu ahaa hadii la yidhaahdo marag ma loo hayaa? Haa Faarax Nuur Muxuu yidhi … Waa Aduun la kala iibsaday oon lana ogaysiin, haduu awrka heeryadda ku furay eel kala xigi. Dhamayn kari maayo, waa maalintii Afrika bari ilaa galbeed la qaybsanayay dadka yar ee wax arkay ee arintaa ka gilgishay waxa kow ka ahaa Abwaan Faarax Nuur halkan buu ka dhashay." Ayuu yidhi Muusa Biixi Cabdi.

 

 

Hadaladda iyo marba halka uu ka abaarayo Muusa Biixi oo muuqaalkiisu u ekaa sidii qof kala hagaya saxmad gaadiid ah oo in laga mashquuliyo diidan ayaa waxa kale oo uu soo qaatay Abwaan Cabdi Iidaan oo ka mid ahaa hal abuuradda Somalida ugu magaca iyo maansooyinka wayn isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka Baligubadle Mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi Muusa Biixi "80-sanadood Isticmaar ka dib markii loo ololaystay in Isticmaarkii Ingiriiska la kiciyo Cabdi Iidaan muxuu kula baxay? Hanqadh buu kula baxay, laba sano ka dib markii la dareemay inay luntay ee Xamar la aaday ee waxba la garan waayay Cabdi Iidaan maanu ahayn kii ka gilgishay, waa taariikh kale."

 

 

Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray "Cabdi Iidaan 20-sanadood oo halgana waxa uu ku god galay isaga oo Shiinlaydii wadda. Wakhtigii dhaqdhaqaaqii SNM iyo taariikhdii Baligubadle waxa uu Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Ka yidhi "Hadii 1981-kii loo hub qaaday halgan dalka lagu xoreeyo, hadii loo haloosiyay oo dibadda looga haloosiyay sadexdii meelood ee SNM laga abaabulayay aan ku horeeyo meeli London bay ahayd, inaankii ugu yaraa ee shaqadda ka hayay BBC-da Xasan Ciisuu ahaa miyaanu shaqadda kaga tagin, hadii halgankii la go'aansaday oo loo hub qaatay, hadii la yidhi hala dagaalamo hadii dabadda la meer meeriyay, markii la yidhi hala dagaalamo ee la gudoonsaday Suldaankii guud ee ugu horeeyay ee hub qaaday kumuu ahaa? Suldaan Maxamed Faarax Allaha u naxariistee faataxadda u mara."

 

Baligubadle waa degmadda kaliya ee Suldaankii, Wiilkii iyo Sheekhii is raacisay Sheekh Sancaani miyaanu la socon? Miyay u kala hadhay Halgankii Degmadani? Miyay waxba dabada meermeerisay taariikhdaa la xusaaye? Anagaa u soo joognay oo ogayn ilaa maalintii." Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga KULMIYE ahna kusimaha GudoomiyahBaligubadle waa degmadda kaliya ee Suldaankii, Wiilkii iyo Sheekhii is raacisay Sheekh Sancaani miyaanu la socon? Miyay u kala hadhay Halgankii Degmadani? Miyay waxba dabada meermeerisay taariikhdaa la xusaaye? Anagaa u soo joognay oo ogayn ilaa maalintii." Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga KULMIYE ahna kusimaha Gudoomiyaha.

 

Muuse Biixi oo si wayn u gilgilay isla markaana hantiyay maanka iyo dhegaha dadkii xafladda ku sugnaa waxa uu halkaa ka sii waday amaanta iyo qiimaha ay magaaladda Baligubadle iyo dadka degaa leeyihiin, isaga oo mid mid dabadda isugu galiyay hawl galadii, weeraradii iyo qorshayaashii lagu diyaariyay Degaanka hoos yimaada caasimadda Gobolka Hawd kuwaas oo sida loogu guulaysay iyo wixii laga faa'iiday uu mid walba markhaatigeeda uga dhigay bulshadii goobta ku sugnayd oo uu mid mid u waydiinayay inay ka marag furaan, sida hadalkiisa hore ka muqata, sidoo kale waxa uu Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu hadalkiisa raacinayay magacyadda qaar ka mid ah dagaal yahaniintii SNM ee hawl galadda ku jiray oo mararka qaarkood uu ku tiraabayay mee hebal, Hebel istaag war miyaanay ahayn, Illaaha baan idiinku dhaariyee ma midh beena baan ku darayaa, waa taariikh aan cidina qarin

 

 

 

Eng: Faysal Cali Waraabe

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isna dadka reer Baligubadle maanta kala qayb galay xafladii loogu wanqalayay Gobolkaas ayaa halkaa ka jeediyay khudbad kooban gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe

 

 

Khudbaddaas oo isugu jirtay taariikhda degaankaasi ku lahaa dhismihii Somaliland iyo guulaha ay gaadhay Baligubadle gaar ahaan dhinaca horumarka "Waxaan garanayaa Baligubadle oo wada buul ah oo berkadahaa laga qodayo, maantana waxa uu Illaahay I tusay iyada oo caasimad ah oo Gobol noqotay" Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in waxyaabaha horumarka ah ee ay reer Baligubadle ku talaabsadeen u horseeday inay Gobol ku helaan isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Horta waxaad gobol ku hesheen waxa weeyi dadaal, dadaal baad ku hesheen, idiinku sida beelaha kale oo ee meelaha kale oo aan arkay, oo jilib kastaaba meel dagay oo is ogolaan waayay idinku waad is ogolaateen oo Magaalaad samaysateen oo hal magaalaad iskugu timaadeen, halkaas oo aad ka samayseen wixii loo baahnaa aad ka samayseen meeshii agoonta lagu xanaanaynayay, oo meeshii booliska ka samayseen oo dantii guud ka samayseen, waxaa intaa idiin dheer waa tacab aad gashateen oo maalintii lagu dhici kari waayay inay cidna xarun SNM-ta ka dhigto waydinkii u badheedhay ee Xaruntii SNM ka dhigay.

 

 

Sidoo kale gebagebadii munaasibaddan waxaa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey masuuliyiin la sheegay inay qayb weyn ka soo qaateen magacaabista gobolka iyo guud ahaan taariikhda Balligubadle, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, Xasan Ciise Jaamac iyo Eng Cabdi -Casiis Axmed Muuse xubno kale.

 

Munaasibaddaa kadib, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku dhagax-dhigay xaruntii ururka SNM ee magaalada Balligubadle

 

Kor: Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Kor: Boqor Cismaan Buur Madoow

Balligubadle - (SDWO 29/06/08) - Xafladii iyo dabaaldeggii ee lagu wanqalay Gobolka Cusub ee Howd ee Xaruntiisu tahay Baligubadle ee dhowaan Madaxweyne Riyaale magacaabay ayaa ilaa saaka ka soconaysay magaalo madaxda gobolka Hawd ee Balli gubadle.

Xaflad loogu wanqalay Gobolka Hawd ayaa Saaka lagu qabtay Magaalo-madaxda Gobolkaas ee Balli gubadle, taasoo ay ka qayb-galeen, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiye ku xigeenada Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah Muuse Bixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha Xisbiga Udub Maxamed Ismaaciil Bullaale, Wasiiro Xukuumadda Somaliland, Xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, Maamulka Gobolka iyo degmooyinkiisa Saraakiil ka socotay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Salaadiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Munaasibaddan oo ay dadweynaha reer Balligubadle aad u soo qaban qaabiyeen oo ku soo bandhigeen waxyaabo aad u faro badan oo ka turjumaya muhiimadda gobolka hadday tahay xagga dhaqaalaha, beeraha iyo xoolaha nool ba oo gobolkani hodan ku yahay ayaa halka lagu soo bandhigay.

 

 

 

Kala soco wararka iyo Sawirada xafladda oo faah-faahsan SDWO.COM

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk – Hargeisa.

 

sirshiine@yahoo.com

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE