Hargeysa
(SDWO 10/12/08)- Guddoomiyaha xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID Eng.
Faysal Cali-waraabe, ayaa maalintii iida booqasho ku tagay xarunta
carruurta agoomaha ah ee magaalada Hargeysa, isaga oo isla markaana u
qaybiyey, halkaas oo uu ugu qaybiyey qalabka ay ciyaalku ku ciyaaraan
maalmaha ciida, nacnac iyo sharaab, iyada oo ay qalabkaas kala duwan si
wanaagsan ugu farxeen carruurtaas agoomaha ahi
Booqashadan
waxa ku wehelinayey Guddoomiyaha, Gudoomiye-ku-xigeenka iyo Af-hayeenka
xisbiga UCID, Maxamed Aadan Mirre (Waqaf) iyo Xasan Xuseen [Codyare],
waxana uu guddoomiyuhu uu halkaas ka sheegay in waajibaad wayni inaga
saaran yahay carruurta yar yar ee agoomaha ee ku xaraysan dugsiga lagu
xanaaneeyo.

Waxa
kale oo uu sheegay Md Faysal Cali waraabe in diiwan-gelintii gobolka
Hargeysa ka socotay ay ku dhamaatay guul, isaga oo arintaasna waxaa uu
hambalyo u diray dhammaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku
dhaqan gobalkan Marood- jeex.

Dhan
kale waxa uu Guddoomiyaha iyo xubnaha sarsare ee ka tirsan xisbiga UCID
soo kormeeren qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay cisbitaalka guud ee
caasimada hargeysa, waxayna waadh-waadh u booqdeen dadkii bukaanka ahaa ee
halkaas yaalay waxayna masuuliyiintu Ilaahay uga rajeeyeen in uu caafimaad
sareecan ah siiyo.

Waxayna
masuuliyiintaas dadwaynaha Somaliland ugu baaqeen adkaynta nabadgalyada
iyo taabo galinta hawsha diiwangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka soo
socda..
Shiine
Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com


