SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

              Somaliland Democracy Watch Organisation Baaq Taageero iyo Hanbalyo ah  

 Email to: Xafiiska arimaha dibada ee Somaliland iyo Dhamaan Saxaafadaha Wararka  ee                      Somaliland gude iyo dibadaba

(Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO) – UK – 8th June 2001) Marka horaba Ururkayagani  wuxuu si buuxda u taageersan yahay una ayidsanyahay go,aanka ka soo baxay  codbixintii aftida dastuurka Somaliland ee dhacday 31kii May 2001.   Waxaanu u aragnaa in codbixintaasi u dhacday si xalaala, dimoqraadiyad ah,  waafaqsana xeerarka caalamiga ah.

 Waxanuna bulsho weeynta caalamka u soo jeedinaynaa, in aay tixgeliyaan rabitaanka shacbiga Somaliland oo rabitaankooda ku muujiyay si dimoqraadiyad ah isla markaana xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan.

 Hadaba maalintii 31kii May 2001 ee ay aftidu dhacaysay ummada Somaliland guda iyo dibadba meelkaste oo aay joogaan waxay u ahayd maalin ciid ah waxayna noqondoontaa maalin qiimo ku leh Somaliland,  baal dahab ahna ka geli doonta taariiikhda Somaliland.

 Aftidan oo si guul iyo nabad gelyo ah ku dhamaatay waxa mahada weeyn leh Illaahay oo inoo suurto geliyay in aay sidan ku dhamaato, waana mid illaahay loogu mahad naqo.

 Waxa aanu hablyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin halkan uga soo gudbinaynaa dhamaan gudidii u xilsaarnayd qabanqaabada iyo isku duba ridka Aftida Dastuurka oo aad iyo aad isugu taxalujiyey in aay hawshu sidan quruxda badan leh ku dhamaato iyagoo muujiyey dadaal  iyo adkaysi dheeraad ah.

 Waxa kale oo iyana aan halkan ka hanbalyaynaynaa Madaxweynaha iyo Xukuumada oo dhan,  Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo dhamaan shacbi weeynaha Somaliland meel kaste oo aay joogaanba.

 Haddaba Shacbiga Somalilandna waxaan leenahay sidii Madaxweyne Cigaal xusay, imika waxaan noqonay qaran jira oo Dastuur loo codeeyey leh, lagana gudbay xeer beelaadkii iyo qabyaaladiiba, waxaynuna ku dhaqmaynaa dimoqraadiyad, Waxana imika inugu soo fool leh hanaanka xisbiyo badan oo siyaasi ah.  Ka dibna aay dhici doonaan doorashooyinkii daawladaha hoose oo dadku si toos ah u soo dooran doonaan, tani oo ayna ka suurtoobi Karin meelo badan oo Africa ah, waa Illaahay mahadii,

 Shacbiga Somalilandna waxa la gudboon isku duubni iyo wada shaqyaan wadanka loo shaqeeyo, xukuumadana waxa la gudboon adkaynta iyo illaalinta dastuurka dalka.

www.Somaliland-democracy-watch.co.uk

ALLAA WEYN NINKII AAMINAA AWOOD LEH,  UMMAD WALIBA AAYAHEEDA INAY GARATO IYADAA LEH.

Guuleed Cabdi Sheekhaash.         Mukhtar Axmed Sh. Adan.        Axmed Maxamed Yusuf

Gudoomiyah Ururka                   Gudoomiye ku xigeen                Afhayeenka  Ururka

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE