SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Madaxweyne Rayaale  oo isku Isbedel ku Sameeyay Agaasimayaal Guud

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (Hargeisa 18/12/08) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu magacaabay Agaasimayaal guud oo uu isbedel ku sameeyay xilalkii ay hore uga hayeen Wasaaradaha qaarkood.

Madaxweynuhu isaga oo tix gelinaya in la dar dar geliyo hawlaha Qaranka , xilalkana loo guto si hufan oo ummada wax loogu qabto , waxa uu isbedel ku sameeyay Agaasimayaasha soo socda:

Mudane Axmed Xasan Yuusuf oo ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Qoyska waxa loo bedelay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta

Mudane Jaamac Maxamed Cabdi oo ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta waxa loo bedelay inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga

Mudane C/raxmaan Maxamed Maal waxa isna loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

Sidaa daraadeed, waxa wareegtooyinkaasi maanta soo saaray ku amray in ay xilalka la kala wareegaan Agaasimayaasha guud ee la magacaabay sida ugu dhakhsaha badan.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE