SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

To Promote Democracy in Somaliland 

Warqad furan oo ku socota Madaxwenha, Maxkamada Sare iyo Golaha Baarlamaanka.

(Somaliland Democracy Watch Organisation UK (SDWO) – 09/10/01). Waxa in mudo ahba na soo gaadhayey warar sheegaya in muwaadin dhalinyaro ah oo ku caanbaxay in uu soo bandhigo figradahiisa oo la yidhaah Cali Qoryaaley uu xidhan yahay imika mudo laba biloodba ka badan, laguna xidhay aragtidiisa iyo figradahiisa ku wajahan xukuumadda Somaliland, isla markaasana aanu xidhigani ahayn kiisiii u horeeyay ee marar horana la xidhay.

Ugu horeeynba ilaa hadda lama cadayn karo sababta uu u xidhan yahay Cali Qoryaaley sababtoo ah iyadoon wax maxkamada aan la horkeenin ama wax denbi ah aan lagu soo oogin.

Hadaba xukuumadda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in Dastuurka Dalka la dhawro oo aan lagu xad gudbin oo xataa haddii uu ninkan muwaadinka ahi denbi dastuuriya uu galay la mariyo sharciga dalka u yaala ee aan xukun la,aan mudadaas leeg aanu jeelka ugu jirin, tani oo dastuurkeenu  aanu marnaba ogoleeyn qodobkiisa 43 aad ee xuquuqda qofka xoriyada laga qaaday, xubintiisa 2 aad oo odhanaysa (Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood; laga bilaabo marka la qabtay). Mar haddii dastuurka aynu u codeeynay sidan odhanayo maxaa keenay in muwaadiniinta xabsiga lagu ilaabo iyagoon sharciga la horkeenin, mise dastuurkiiba wuxuu noqday magac u yaal ah buug qoran oo meel iska yaala cidna aanay ku dhaqmayn. 

Dastuurku wuxuu muwaadiniinta siinayaa xuquuq gaara oo uu ku soo bandhigi karo fikradiisa noocay doontaba ha ahaatee, in lagu daba galo maaha in lagu cabudhiyo mahaa, in lagu xidhana maba banana.

Ugu danbayntii Xukuumada Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ninkan muwaadinka ah arintiisa si degdeg ah loo eego oo haddii uu jiro  wax denbi ah oo uu galay la soo hortaago maxkamada dastuuriga ah ee dalka ka jirta denbigiisana halkaas lagaga cadeeyo, se haddii fikgaradiisa uu u xidhan yahay  si degdeg ah loo sii daayo, isla markaasana la dhawro Dastuurka dalka u yaala iyo dimoqraadiyada aynu jecelnahay in dalka aan ku dhaqno kuna baahino.

Waxaanu ku soo gebogebaynaynaa haddii aanay xukuumadu dhawrin ilaalinta dastuurka dalka oo aanay ku dhaqankiisa iyadu  iska bilaabin in aan shacbigan laga filan karin ku dhaqankiisa.  Allaa Mahad Leh  (Long Live Somaliland)

Guled Cabdi Sheekhaash - Gudoomiyaha Ururka Somaliland Democracy Watch.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE