|
|
DIMOQRAADIYADII XAGAY MARTAY? (Press Release-Somaliland Democracy
Watch Organisation UK(SDWO) -26th October 2001).
Wuxuu wakhtigu soo gurguurtaba soo gebi dhacleeyaba waxa hadda la guda
galay wakhtigii tartanka hanaanka xisbiyada badan ee lagu tartami lahaa hogaanka
dalka shanta sanadood ee soo socda haddii eebe yidhaahdo. Ilaa hadda sida la wada ogsoonyahay waxa si sharci ah isku diiwaan geliyay 7 xisbi. Xisbiyadan oo dhamaantood bilaabay u ololaynta iyo kasbashada shacbiweynaha Somaliland. Hadaba dhamaan waxa aan u soo jeedinaynaa si loo helo doorasho xalaal ah oo qof waliba ku qanacsan yahay in la dhaawro hananka dimoqraadiyada iyo dastuurka dalka. Waxa iyana meel ka dhacweyn ahayd markii dhowaan gudoomiyaha degmada salaxley waraysi uu siiyey Jahmuuriya uu ku sheegay in isaga iyo ururka UDUB ay isla af garteen in uu UDUB noqdo ururka qudha ee xafiis ka furan kara degmada Salaxley, tani oo noqotay mid aad looga yaabay kana soo horjeeda hanaanka dimoqraadiyada ee aan rabno in aan wax ku doorano, arintan oo kalana waxa ay sababi kartaa khatarteedna leedahay in nin waliba degmadiisa xidho oo uu yidhaah ururkaan u ogalaado oo qudha ayaa iman kara tanina ay dib inoogu celinayso habkii qabiilka ee aan rabnay in aan ka guurno. Waxa aan marlabaad u soo jeedinaynaa
xukuumadda in ay ururada u ogalaato in ay u hawl galaan sida uu UDUB u
hawlgelayo oo kale oo kolba meel aan laga soo celin ama loo diidin in ay idinla
tartamaan oo ay ka qudbadeeyaan meelaha aad ka qudbadaynaysaan dadkana u soo
bandhigaan balan qaadayadooda
doorashada, deedna dadku kala doortaan cida ay taageerayaan iyo cida kale, se
sida ka dhacday Daarasalaam aan dadka lagu qasbin in urur qudha uun ay
dhegaystaan ka kalana loo diido in ay hadalkooda maqlaan, tani oo meel ka dhac
iyo cabudhin ku ah xaquuqaha
muwaadiniinta ee cabirida figradahooda iyo taageerida cidii ay tuhmaan in ay
Somaliland wax ku soo kordhin karaan.
Haddii kale oo dimoqraadiyada iyo hanaanka tartanka xisbiyada la dhaawri
waayo ma filayno in wax doorasho ah oo dadku ku kalsoon yahay ka dhici doonto
dalka guud ahaantiiba. Waxaan ku soo gebogebeeynaynaa ha la ilaasho dastuurka
dalka. qodobkiisa 10aad ee sinaanta muwaadiniinta, xubintiisa 1 aad oo
odhanaysa (Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn, midabka, qabiilka,
dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay
sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman). Guled Cabdi sheekhaash - GudoomiyeMukhtar Axmed Sh. Adan
– Gudoomiye ku xigeen Axmed Maxamed Yusuf - Afhayeenwww.somaliland-democracy-watch.co.uk
|