Hargeysa (SDWO 13/04/09)- Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa maanta isu-soo-bax ballaadhan ku sameeyey barxadda hore ee xarunta xisbiga magaalada Hargeysa.
Isu-soo-baxaas oo ahaa mid xisbigu ku muujinayey mowqifkiisa muddo-kordhinta Guurtida, adkaynta nabadgelyada iyo isxogwaraysi masuuliyiinta iyo taageerayaashiisa ee xaalada dalka.

Guddoomiyaha xisbiga Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa meesha ka saaray in aannu KULMIYE doorasho diyaar u ahayn, waxaannu tilmaamay in dacaayado been ah xisbigiisa laga faafiyo oo la leeyahay KULMIYE doorasho diyaar uma aha.

“Dacaayado badan yaa intaa laga fidinayaa xisbiga KULMIYE oo la leeyahay KULMIYE doorasho doonimaayo, walaalayaal KULMIYE doorasho ayuu doonayaa waanu isku kalsoon yahay, doorasho degdeg ah oo xor iyo xalaal ah baanu rabnaa, meel aannu doorasho ku diidnayna ma jirto. Taa macnaheedu maaha si aanu doorashada u galno in aanu xaq darrada qaadano, annagu waxaan leenahay oo taaganahay haddii waqtigii Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin dhammaadeen ma ictiraafsanin, waxa kale oo aannu leenahay in aannu bannaanbaxyo sidan oo kale ah iyo qaar ka ballaadhanba isugu soo baxno xaq iyo sharci baanu u leenahay oo distoorka qaranka ayaa noo siinaya, taana iyada cid aannu uga haybadaysanaysaa ma jirto, isla markaa shacabigu waa dadkayagii, askartu waa kuwayagii annaga ayaa uga tudhayna wixii dhibaato u keenaya, annagu xabbad qaadanmayno shalay xabbad baa nalagala horyimi oo waydinkii ogaa ul maynu sidan, dhagax maynu tuurin wax allaale iyo waxaynu samaynayna ma jirto, waynuse ka guulaysanay oo xaqa ayeynu kaga guulaysanay,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si kulul u naqdiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ku sheegay in aan madaxda xisbiyadu booqan karin xeryaha ciidammada, kaas oo uu Maxamed Xaashi ku tilmaami mid raqiis ah oo aannu Wasiir-ku-xigeenku garanayn meesha ciidammadu ka yimaadeen.

“Ciidanka uu sheegayo iyo shaqaalaha dawladdu waa kuwa ugu daranyada badan ee la siiyo lacag yar oo suququl ah oo weliba aan bilaha mushaharka saaniga u qaadan, kuwaa maanta (shalay halkaa jooga (ciidammadii xarunta KULMIYE la agdhigay) iyaga oo aan koob shah ah loo shubin ayaa laga dareerayaa, subixii horena waa la soo dhigay,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Maxamed Xaashi waxa kale oo uu eedayn dusha ka saaray labada suldaan ee Somaliland saldanadoodu ugu facaweyn tahay oo uu ku tilmaamay rag aan marin dariiqii aabayaashood.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan inyar ka odhanayaa wixii aan ka soo gaadhay labada Suldaan ee ugu isirka badan ee ku abtirsada suldaan hebel, suldaan hebel, suldaan hebel, anigu labadii Suldaan ee Sul. Cabdillaahi iyo Sul. Cabdiraxmaan labadaba Alle ha u naxariistee waan soo gaadhay. Sul. Cabdillaahi waxay is hayeen dawladdii Ingiriiska oo ilaa heer wuxuu gaadhay uu yidhaa cashuur bixinmayno, Sul. Cabdiraxmaan makhaayad muu horfadhiisan jirin oo sharaftiisa ayuu ilaalin jiray, haddaba maanta dhaxalkoodii maxay noqdeen? Waxay noqdeen halkee shaadali lagu karinayaa rag leh. Waxaan leeyahay sharafta labada reer way ka wayn tahay siday u hadlayaan iyo dadka maanta hayaba, sicir-bararka salaadiinta maxaa keenay? Iyagaa keenay oo hanan waayey wixii aabayaashood uga dhinteen.”
“Xaajiga (Cabdi-waraabe) iyo Ina Sulub waxaan leeyahay isku Maryo-alool ayeynu ahayne iminka waxay cid kale u sheeganayaan garanmaayo, kolkaa Maryo-aloolkii dee inuu isku soo noqdo maaha.”

“Wixii ka dambeeyey 6-dii April madaxweyne maaha ee Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waayo waqtigoodii uu dhammaaday, iyaga ayaa dhammeeyey oo waxba qabanwaayey, markaa wax dambe oo la yidhaa dawladi ma jirto, markii waqtigii doorashadu dib u dhacay ee dib u dhacay ayey maanta ina baday in aynu dawlad la’aan ku dhacno,” ayuu intaa ku daray Eng. Maxamed Xaashi.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgalay isu-soo-baxaas ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay nin aan waxba ka xishoonayn.
“SNM wixii ay soo martay waa la ogaa, ragga maanta ka hadhay wixii ka qaybsaday raggii ay ka qabsadeen waa la ogyahay waxaana ugu wacnaa raggii soo galay dalka aannu ka midka ahayn oo la ambaday arrinkii, waxa ka gaadhay wax aan tii hore ka gaadhin oo ka xun, haddana waxa Ilaahay Mahadii ah haddii uu shacbigii ogaaday inay tani tahay ta kharibtay dalka. Dadweynaha waxaan kula talinayaa waa la idin arbushayaa oo la idinka xumaynayaa xukunkii baa ka wareegay UDUB, annaga ayaa ka mid ahayn raggii dhisay waxaannu moodaynay meel miyirqabta oo dawlad noqota ee waxaannu u galnay meel bahal ah, waxaannu u galnay waxaan xishoonayn oo waxaan madaxi xunin xunaya, waxaannu u galnay madaxweyne siduu u sii roorayey adhigii isku qaaday, waa waxaan madaxi cuni jirin maanta ayey u horreysaa ninka dunida oo dhan haysta ee xayntii adhiga odaygii iyo adhigii ka qaaday ee u soo kiraystay niman carbeed oo badda uga iibiya iyo niman soomaaliyeed oo saylada uga iibiya. Waxyeelada dalka loo geystay la idiinka warami maayo waxase Ilaahay mahadii ah haddii dadweynihii ogaaday in wuxuu meesha ku hayey bahalo ahaayeen,” ayuu yidhi Md. Dhugad
Sul. Saleebaan Boqor Cismaan Xasan oo isna taageerayaasha KULMIYE fagaarahaasi kala hadlay ayaa eedo culus u soo jeediyey xubno wasiiro ah oo ka mid ah beeshiisa, kuwaas oo uu sheegay inay hurinayaan dagaalo sokeeye oo mar kale dalka ka dhaca.
“Waxa jirta in ragga xukuumadda ku jira ee ka soo jeeda beelaha Garxajis waxay caadaysteen waxyaabo xun xun, waxay had iyo jeer xoqayaan nabaradii iyo boogihii ee dagaaladii sokeeye ee aynu soo marnay ee aannu nin mahadiyey jirin, weliba kuwa qoxaya waxa ka mid ah nin Wasiirka Hawlaha Guud la odhan jiray oo iminka la yidhaa Wasiirka Cayda Guud iyo Cambaaraynta dadka. Waddadii aynu marnay 1994-kii waddo khaldan oo aan la mahadin ayey ahayd oo go’doon laga galay Somaliland, maantana waxaad doonaysaan in aad go’doon kale oo siyaasi ah dalka gelisaane Cawil iyo Ina Sulub iyo kuwa noocaas ahi ee galinmaysaan maanta. Siciid Sulubow waxaad ahayd maalintii Hargeysa xaggaa looga baxay ee aannu annagu (beelaha Garxajis) ka dagaalamaynay xaggaa adigu inan Nuux Ismaaciil ah (Sacad Muuse) ayaad qabtay magan baad halkan ku joogtaye, waxaan leeyahay reerihii aad maganta ku joogtay ee aad lahayd anigu dagaalka kuma jiro haddaad maantana tidhaahdo waa la idilay oo aad laabta garaacdo, annagu aannu laabta garaacnee adigu nalamaad joojine ha garaacin baan ku leeyahay, ciil iyo cadhana kuma qabno reer Somaliland maanta nabarkaas way ka bogsadeen,” ayuu yidhi Sul. Saleebaan Boqor Cismaan.
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay dad ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Xi. Ikraan Xaaji Daa’uud oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiilada, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE Muj. Axmed Cumar Xamarje, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Hargeysa Layla Cismaan iyo Mr. Cali Guuleed (Cali-marshaal), kuwaas oo dhammaantood hadalo kuwaa hore u dhawdhaw halkaasi ka jeediyey.
Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeysa