Hargeysa(SDWO)-Fanaaniinta reer Jabuuti ee mudada bilaha ku siman booqashada ku jooga Somaliland iyo Jaaliyada Reer Jabuuti ee degan dalka Somaliland ,ayaa xaley Xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan Madxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ku qabtey Huteel Crown ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan ay Soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Reer Jabuuti ee degan Somaliland iyo Fanaaniinta reer Jabuuti oo kala ah Xasan Bile Dhimbiil(Xasan-Wado),iyo C/raxmaan Axmed C/laahi (C/raxmaan-Biifto) ayaa waxa kasoo qeyb galey dhamaanba Jaaliyada reer Jabuuti ee ku nool dalkan Somaliland, fanaaniin fara badan oo isugu jira Somaliland iyo Jabuuti, iyo marti sharaf kale oo badan.
Xafladan oo ahayd mid ay ujeedadiisu la xidhiidhey baaq taageero ah oo ay u sameynayeen Madexweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele Isu Soo taagista talada dalka Jabuuti ee Madexweynuhu Markii sadexaad keenada kusoo dhigtey taas oo ay guud ahaanba Shacbiga Reer Jabuuti kuwada taageereen rag iyo dumarba,Caruur iyo Ciroolaba iyo gudo iyo dibadba.
Xafladaasi lagu taageerayey Madexweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele oo aheyd mid siheer sare ah loo soo agaasimey,waxa ugu horeyn Heeso guubaabo iyo wadani kahadlaya
Dalka Jabuuti halkaa ka qaadey Fanaanka caanka ah ee Reer Jabuuti Xasan Bile Dhimbiil (Xasan Wado),oo ay siweyn uga raali noqdeen dhamaanba kasoo qeyb galayaashii.
C/raxmaan Axmed C/laahi (biifto) oo ah Fanaan caan ka ah dalka Jabuuti Abwaana ah mu,alifa jilaa weyna ah oo inta badan Ruwaayadaha dalkaasi jabuuti ku matela Odeyga kana tirsan Kooxda Fanka Jabuuti ee Deegaan oo isagu hadal dheer oo uu kaga waramayo waxqabadka iyo lexejeclada Madexweynaha Jabuuti ee dalkiisa iyo dadkiisa ka jeediyey Xafladaasi ,waxanu C/raxmaan Biifto kawaramey mudadii uu Madexweyne Ismaaciil Cumar Geele talada dalka Jabuuti hogaaminayey ee Tobanka sano aheyd iyo waxyaabihii u qabsoomay ee Hurumarka dalkaasi iyo sida ay raalida uga wada yihiin dadka reer Jabuuti hogaamintiisa oo ilahey cimrigiisa ha dheereeyee hadey suurtoobeyso mar afraad,mar shanaad iyo mar lixaadba reer Jabuuti ugu hanweyn yihiin oo ay u hamuun qabaan Hogaamintiisa ,waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in ay Madexweynahooda ugu Hambalyeynayaan uguna duceynayaan in ilaahey u fududeeyo kuna asturo,kuna barwaaqeeyo lixdaa sano ee Hogaaminta talada dalka mar sadexaad loogu igmadey anagoo u arkeyna Guul iyo barwaaqo iyo Mustaqbal cusub oo mar sadexaad reer Jabuuti waageedu usoo baryey ayuu Yidhi Fanaanka Jilaaga ah ee C/raxmaan Biifto. Ugu danbeyntiina wuxu fanaanku kusoo gabagabeeyey hadalkiisa dardaaran uu usoo jeediyey dhamaanba dhinacyada kala duduwan ee Bulshada reer Jabuuti oo uu kula dardaarmey iney gacmo wadjir bey wax ku gooyaane ay dhinacooda ka adkeeyaan oo ay cidhifka la qabtaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele “Anagu cidhifkayaga waanu laheynaa hadaanu bahdii fanka Jabuuti nahaye”Ayuu hadlkiisa kusoo xidhey C/raxmaan Biifto.
Gudoomiyaha Jaaliyada Reer Jabuuti ee Somaliland Siciid Maxamuud Muxumed (Siciid doobiro) oo isaguna Xafladaasi kahadley ayaa Madexweynaha Jabuuti ku Hambelyeeyey rabitaanka umadiisu mar sadexaad ugu garatey in uu sii hogaamiyo dalkiisa iyo dadkiisa Jabuuti islamarkaana ay iyaguna aad ugu faraxsan yihiin una soo dhaweynayaan talaabadaasi taas oo mustaqbalka dalka wax weyn ka tareysa ,waxanu ku dardaarey Madexweyne Ismaaciil Cumar Geele in uu adkeeyo oo xoojiyo xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Jabuuti fiiro gaar ah oo ka duwan ta dalalka kale ee Afrika iyo caalamkaba u yeesho walaalaheena Somaliland oo iyagu ka duwan Soomaaliya waxanu uguduceeyey cimri dherer caafimaad waxanu yidhi “carabku waa belaayee il iyo cowri la,ow”.
Waxa kale oo iyaguna Xafladaasi kasoo qeyb galey Haween badan oo kamid ah jaaliyada reer Jabuuti ee kunool Somaliland oo iyaguna wadajir u Hambalyeeyey Madexweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd ,iyagoo haweenkaasi Xafladaa kusoo bandhigey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ,buraanburo iyo hadalo isugu jira taageero iyo dardaaranba.
Xafladaasi oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaan waxa ka muuqanin Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland inkastoo ay goob jog ka ahaayeen Maamulaha Shirkada Total Sacad Cilmi oo isaguna reer ah muwaadin reer Jabuuti ah.
SDWO News Desk – Hargeysa