Anigoo kamid ah dadweynaha qurba jooga
somaliland ee aad u daneeya una jecel dalkooda meteleyana dhalinyaro ku dhaqan
dalalka fog dalkoodii hooyo una dadaala muujiyana daltabyada iyo jacaylka
dalkooda waxaanu aad ugu hambalyeynaaa dadweynaha reer somaliland ee sharafta
leh una gutay waajibaadkoodii doorashada somaliland sida wanaagsan ee
nabadgelyadu ku dheehantahay.
Waxaanu aad uga werwersanahay masiirkii
ay dadweynaha reer somaliland ku muujinayeen doonitaankooda dimuqraadiyadeed,
oo ay dhac u gaysteen dad aan dantooda iyo rabitaankooda ka talinayn oo ugu
soo dhuumanaya weji siyaasadeed oo ku qotoma hadimo loogu talo galay in lagu
afduubo jiritaanka iyo halgankii iyo taariikhdii loo soo galay maandeeq, waxaa
taas lagu cadayn karaa arimo badan oo somaliland maragka tahay kana degi la,
inta damiirkoodu ku sifoobey somalilandnimada, waxaa kamid ah arimahaas sida
xusbiga dowlada sheegta maanta ka talisa somaliland ee udub uu afduubay
kalsoonidii ay ku dhiibteen reer somaliland aftidooda uguna codeeyeen
aqlibayad xisbiga kulmiye.
Taas oo ay kuu cadayneyso inay qirteen
golayaasha guurtida iyo baarlamaankuba inay ka odeyeeyeen arintaas iyagu si
kastaba ha u dhigeene, iyo sida uu ugu qancay markii ay soo bandhigeen kulmiye
cadaymihii khaladka jirey gudoomiyihii kumishanka iyo hadaladiisii oo ay kamid
ahaayeen waanu saxaynaa khaladka laakiin markii danbe ay u gudbiyeen maxkamada
sare iyagoon waxba kabedelin, uuna si xagjirta ugu dhawaaqay ninka kamid ah
komishan ku sheega mr.jawaan oo looga bartay hadana inuu had iyo jeer is xejo
xisbiga udub oo marmarka qaarna difaacoba intuu ilaabo howshii loo soo xushay.
Arimahaas oo dhami waxay tusayaan in ay
meesha ku jirto khaainimo lagu duudsiyayo dadka nabada jecel ee codkoodii la
boobay, haddii aan inyar ka taabto udub iminka lama baranaayo waxa uu wadanka
gacanta ku hayey mudo badan waxaa qudha oo lagu bartay musuqmaasuq iyo
lunsasho hantida dadweynaha, wasiir aqalo waaweyn dhista iyo wasiirbarar, iyo
cadaalad xumo, baaba,dantii guud ee wadanka kuwa neceb somalialnd ama federaal
iyo carta ku sheega oo uu noqday gabood ay ugu soo gabadaan somaliland iyadoo
lagu soo dhoweeyo wadanka ayna u ololeeyaan udub, iyagoon u sheegin
dadweynihii ay denbiga ka galeen inay cafiyaan oo ay mabdaii ka soo noqdeen,
iyo hambalyooyinka uga imanaaya cadowgii somaliland ee meelkasta iyo
albaabkasta isku deyey inuu ka xidho somaliland waa jabuuti iyo kooxda cartae.
Waxa udub ku afgobaadsadaa nabadgelyo ayaanu ka shaqaynay waa suaale
nabadgelyada yaa ka shaqeeyey waxaa ka shaqeeyey waxgaradka Somaliland
oo ay u horeeyaan odaydhaqameedyada iyo mujtamaca Somaliland ee nabada
jecel. oo ka madaxbanaan dowlad.
Waxaa kaloo wax la taaban karo ah bahda
ku bahowdey udub oo ah dadkii ku mamay Qarankii soomaaliya laysku odhanjirey
iyo Somalilandba hadaan ka taabto shaqsiyaad waxaa kamid ah riyaale oo
ahaa sarkaal sare oo ah hay,adahii rajiimkii afweyne usamaystay cabudhinta
ilaa xilligii laga xoreeyey wadanka laguna eedeeyey inuu ka qaybqaatay xasuuq
lagu gumaadey muwaadiniin reer somaliland ah ilaa iminkana aan ka hadlin,
gudoomiyaha golaha baarlamaanka waa qeybe oo ahaa ragii ugu xagjirsanaa
dagaalkii ka dhanka ahaa somaliland iminkana lagu soo doortay hab beeleed oo
aanu metelin somalilandna hagardaamo uun utara waayo meeday beeshii uu
meteleyey waa beeshii reer sool, waxa kamid nin qaxooti ku ahaa wadanka
ingiriiska iminkana ah wasiirka arimaha gudaha ninkaas oo aad looga raadinayo
wadamada waqooyiga yurub ka dib markii uu galay denbiyo kala gedisan oo ah
kootarabaan maandooriyayaal ah in badana ku soo baxay saxaafada somaliland
gaar ahaan waxaa raadinaya booliiska sweden.
Waa nasiib daro in danbiilayaashii reer
somaliland ay maanta afduubaan qadiyadii iyo rabitaankii dadka oo aan ahayn
keliya aqlibiyadii codka ee ay isku deyeyaan inay dhacaan ee u jeedada ka
danbaysaa tahay in lagu hubsado rabitaankii gooni isu taaga somaliland
boholdheer oo laga soo shaqeeyey maantana cadowgii maandeeq isugu hanbalyeeyo
guul aan shaqayndoonin, hadaba su,aashu waxay tahay maxay dadka muwaadiniinta
somaliland uga dhiidhiyeen rajiimkii afweyne dhacii iyo baabi,ii uu u gaystey
haddii ay u dulqaadanayaan mid kaxun oo u dhashay somaliland . (madoraato raad
kaan dhigay baan dib ugu soo laabtay sidii aan dayeysnahay miyaan dowgii
ka habaabay) taasi kama suurtoobi doonto dadka reer Somaliland oo ku
adag midnimadooda iyo gooni isutaagooda. Badbaadada maandeeq waxay ku
xidhantahay in ay dhexka noqdaan waxgaradka iyo inta nabada jecel iyo
maxkamada sare oo la sugayo halkay biyo dhigto in ay noqoto mid taariilkhda
gasha iyo in ay noqoto mid saaxiibadeed raacda.
Allahayow badbaadi Somaliland
Adan A/salaan
Denmark.