|
|
Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland oo lagu qiimeeyay darajooyin u dhexeeya A - D Xeerka
Gobolada iyo Degmooyinka jamhuuriyada
Somaliland ayaa lagu kala xadeeyay
darajooyinka ay degmooyinka gobolada jamhuuriyada Somaliland ka koobantahay,
darajooyikaas lagu kala qiimeeyay degmooyinka ayaa waxa ay ka kooban yahiin A,
B, C iyo D. Qodobka
7aad ee soohdimaha gobolada iyo xuduudaha degmooyinka, farqadiisa (d) ayaa
odhanaysa degmooyinka cusub ee darajada “D” sita sidooda ayay ahaanayaan,
loomana dhisayo golayaal degaan doorashadan u horaysa ee Dawladaha Hoose,
maadaama aanay sugnayna xuduudahoodu. Farqada (e) iyana waxay muujinaysaa in
dadwaynaha degmooyinka cusubi ay doorashada u horaysa u codaynayaan golayaasha
degaanka ee degmooyinkii ay ka go,een.
Xeerkan oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay SDWO ayaa halkan waxaan idiinku
soo gudbinaynaa qaybtan darajooyinka degmooyinka. Gobolka Hargeysa Magaca Darajada Degmada Hargeysa A Degmada Gabiley A Degmada B/Gubadle C Degmada Sabawanag D Degmada Faraweyne D Degmada Sallaxley D Degmada Cadaadley D Degmada D/Sallaam D Degmada Allaybaday
D Gobolka Togdheer Magaca Darajada Degmada Burco A Degmada Oodweyne B Degmada Buhoodle B Degmada Duruqsi D Degmada Sh. Xasan Geele D Degmada Qoryaalle
D Gobolka Sanaag Magaca
Darajada Degmada Ceeri gaabo A Degmada C/Afweyn B Degmada Badhan B Degmada L/Qoray C Degmada Dhahar C Degmada Maydh D Degmada Gar adag D Degmada Dararweyne D Degmada Fiqi Fuliye D Degmada Xiis D Gobolka
Awadal Magaca
Darajada Degmada Boorama A Degmada Saylac B Degmada Baki C Degmada Lughaya C Degmada Dilla D Gobolka Sool Magaca
Darajada Degmada L/Caanood A Degmada Caynabo C Degmada Taleex C Degmada Xuddun C Degmada Boocane D Degmada Yagoori D Gobolka Saaxil Magaca Darajada Degmada Berbera A Degmada Sheekh C Degmada Mandheera D Degmada B/Xaar D Degmada Xagal
D
|