www.somaliland-democracy-watch.co.uk
To Promote Democracy
in Somaliland
Xukuumadda
iyo Xisbiyada Somaliland ba waa in aay dhaawraan nidaamka Dimoqraadiyada
(SDWO 13/04/01 - London)Waxa mid aad loogu farxo ah
in maanta Somaliland ay ka gudubtay habkii qabaa,ilka ee maamulka dalka lagu
dheeli tiri jiray ama wax lagu qaybsan jiray loona gudbay nidaamka
dimoqraadiyada iyo hanaanka xisbiyo badan oo siyaasi ah, waana mid illaahay
loogu mahad naqo horumarkaas aynu gaadhnay.
Hadaba waxa loo baahanyahay in la ogaado lagana feejignaado maadaama oo
aynu xaalad qabiil ka gudbayno una gudbayno waa cusub, dimoqraadiyad iyo
hanaanka xibiyada badan si aanay inooga lumin horumarka aynu gaadhnay iyo ka aan
higsanaynaba.
Marka
horaba ururkayagani wuxuu soo dhowaynaynaa dhamaan xisbiyada siyaasiga ah ee
lagaga dhawaaqay gudaha Somaliland iyo Dibadiisaba,
Sida Xisbiga Illeyska Somaliland oo lagaga dhawaaqay London, Xisbiga
Badbaadinta Somaliland, Xisbiga Islaamiga Somaliland iyo Xisbiga dadka
Somaliland oo lagaga dhawaaqay Somaliland iyo Xisbigii SNM ee horey u jirayba.
Hadaba
xisibiyadaas aan kor ku soo sheegnay sida aynu wada ogsoonahay ma jiro mid si
sharci ah uga diiwaan gashan maxkamada
sare ee dalka ama soo maray habkii iyo nidaamkii loo dhigay in lagu aqoonsado
urur siyaasi ah. Haddaba waxaanu
kula talinaynaa in ay isa soo diiwaan geliyaan soona maraan nidaamka Dastuuriga
ah ee qaranka u yaal si loogu
aqonsado urur siyaasi ah haawlahooda si rasmi ah ugu guda geli karaan.
Haddii aay inaga dhabtahay dhamaanteen horumarinta, wanaajinta iyo
hirgelinta qaranimada Somaliland markaas waxa inugu waajib ah haddii ay tahay
xukuumada ama ururada siyaasiga ah in la iska daayo isku muuqashada, isla
ficiltanka iyo ku jiq siida oo shacbigeena soo daashatay kana koray maanta loona
soo wadda jeesto sidii iyo habkii aynu dalkeena iyo dadkeena ugu dejin
lahayn siyaasad caafimaad qabta oo ina dhiqi karta, taasoo aynu ku gaadhi karno
hurmar dhan walba leh.
Xukuumaddana
waxaan u soo jeedinaynaa in aay biloowdo diiwaan gelinta ururada cusub una
fududayso soona dhoweyso cidii buuuxisa shuruudaha dastuuriga ah ee qaranku
leeyahay maadama oo mudo 10 bilood oo qudha ahi inaga xigto xiligii
kala guurka iyo doorashooyinka guud., xaquuqdoodana la siiyo ururada
siyaasiga ah lagana daayo cabudhinta iyo cago juglaynta loona ogalaado in ay
bilaabaan baahinta ku wajahan nidaamkooda siyaasadeed ee waxqabadka dalka.
Xisbiyada
siyaasiyiinta ahna waxaanu marka hore kula talinaynaa in dhismaha ururadooda ku
saleeyaan fikir, mabda iyo siyaasad ka fayoow ficiltan, qabyaalad, ku jiq sii,
ku xumee iyo siyaasadahii ina soo daashadey shacbiguna ka koray, iyo in aay ka
fiirsadaan talaabooyink ay qaadayaan iyo warsaxaafadeedyada
ay bixinayaan, ogsoonaataana inta aad is leedahiin la ficiltama xukuumada
hada jirta ama ku xumeeya in aad wiiqaysaan horumarka, xasiloonida iyo
qarinimadda Somaliland ba,
Sida ku cad warmurityeedkii u danbeeyay ee uu soo
saaray ururka Islaamiga Somaliland ee uu ku
dhaleeceeynyey xukuumaddu in
ay cutubyo ciidnka qaranka ka tirsan ay
eriday, tani mid waa loo baahan yahay in laga hadlo sidase looga hadlayo waa in la eegaa waxay keeni karto iyo
wadada loo marayaba, waxaanu qabaa
qoraalkaasi iyo kuwa la midka ahba ee xisibiyadan cusub qaarkood caadeeysteen in
dhibaato mooyee aanay wanaag soo
kordhin karayn, sababtoo ah waxa aay keeni karaan kacdoono qaranka dhexdiisa
xaslooni laa,ana ka abuuri kara.
Hadaba
marka loolan siyaasadeed la gelayo waxa loo baahan yahay in aad dadka tustaan
waxa aad kaga duwan tahiin nidaamka hada jira iyo waxa aad qaban kartaan iyo
habkii aad u qaban lahaydeen, laakiin dhaleecayn loo soo jeediyo qofkale ama
koox kale ma filayno in aay tahay nidaam siyaasadeed oo la isku soo sharxi karo
bulshadana lagu hanan karo.
Markaas
dhamaan xisbiyada hadda jira iyo kuwa soo bixi doonaba iyo Xukuumaddaba waxa
haboon in nidaamka dimoqraadiyada la dhaawro oo aan lugu xadgudibin lanana
yimaado dhaawrsanaaan iyo weji cad oo siyaasadeed kana turumaya horumarka
qaranimada Somaliland.
Guuleed
Cabdi Sheekhaash
Mukhtar Axmed Sh. Adan (Teysa)
Axmed Maxamed Yusuf
Gudoomiye
Gudoomiye ku xigeen
Afhayeenka ururka