|
|
MAANSO: Halgankii Dalkeena
Maansadani waxay soo baxday shalay oo ahay 11-02-2003
magaceeduna waa
Halgankii dalkeenee laga guuray degelkee loo baxay dulleedkiyo dirirtii xaqa aheyd lagu daadshay dhiigee inta hanad lagaa dilay halyey dabinka loo dhigay doogtii ku taal weli inta umul la dooxiyo wiilashaadi dabar go'ay madfac diririgleeyiyo dabka iyo rasaastii dadka lagu dalbanayee lagu dumiyey daaraha dukum daakum laga dhigay durdurada hayaankii dugsigaad istaagtaba lagu hagay dayuurado duunyadaada lagu gaday duuliyuu ku deydeyey diiradiina kula helay iyo danabka laba dhaca daaduunki loo qaxay dibad yaalki maatida ruuxii damqanayaa degdeg kuma illaawee daltabyada darteeduun nafta dagagarkeedii danaheeda kala lumay durba hoygi wada nimi waxaad daawateenoo isa soo dul-taagteen lafii daadku soo qubay misna doodi kama dhicin duulaanka lagu miray dakanooyinkaas hore midho daray siddoodii ama malabka doocaan duuduub haloo liqo hadal dabarki weeyee duqeydeeni kumay talin dulmigii xaq lagu falay iyo dala'sigii baas danyar waxii lasoo baday dibindaabyo joogtiyo daldalaadi laga simay dawo doorisaa timi dawlad gaara weeyee dammaashaadka muujoo haloo tummo durbaanada diinkii dab loo diray dooxaa qarkiisiyo deyrkuu ka muuqdaa daantaaba muu teggin darfac laa dameerii dadku saartay xaabada soo daaqa yaa yidhi doogiyo dareemada saw kuwaa dul tubanee daadshay heeryadeenii dabci waxay waddaagaan dinnadii la koriyee duubi geel cadkiisii dhulka loogu daadshee degdeg ugu dug tidhiyee miciyaha daf siisee indhahana dabooshee dafireysay quudkee Rabbi darajadiisaa marka uu dallool xidho daaqad kuu banneeyoo diiftiyo dhibaatada aadmiga u doorshoo sammahawgu deeqoo nuukow dillaacshoo ku haggaaya dawgoo darxumada ka dhawree dadkan daarad wada yaal deris iyo wallaalnimo danta guud u wada siman maxaa loogu dawgalay hadba duul derderanoo dafdafiyo xasarad badan isku dira dadweynaha dallow geliya nabaddoo dillaalaya dhiigoo aan deymo garan karin wixii loo dibjirayee degta loogu siday qori ninka ceel ku daadegey gunta dawliskaw riday dirri madhan herdiyayee warka aan ku deeqsiin malemale ku darayaa inuu dubuq yidhaahdoo ku dummaa u door-roon noloshuba ha deysee dirqi waxaad ku qabateen dookhii dadkeeniyo dareenkoodu siduu rabay daanshoodka beledkiyo xisbiyada la door-bidday doorashooyinkaas dhacay oo dabbada heysaan duunyana ku boobteen dib u fiirso taariikhda maxaad dooriseeneed daabacaad ku sheegteen dufankii macaanaa duxdii aad u barateen dacarbaa la mariyee haysku daarin xeedhada ninka laaska dihinee biyuu ay durdurayaan darsanaaya weelkee ku dejiyey sabiibkoow aggoon daadsan baa badan dumar ooman baa jira danyartiyo saboolkuna daranyey u liitaan way dibin jabbeenoo dakhar kale ma sugayaan bursi daan la barayoow dulmigii ka diiraye ninka kuu diggaan ahay kuu dardaar-wershaan ahay dayaxii dibboodaa daafta kale ka eegteen xiddigtii dagaariyo dirirkaa is daba yaal darruurtaas ku hoos jiray daalacan u soo baxay nina talada kuma darin rag dadaalayaa imin madashana ku soo deggi dubaakhiinu muu garran wase dala'saneyseen docda gudinta kuu taal ninka daab u waayoow anigoo aan kugu digan dareygaa adays dhigay digo hoos ka nooloo dusha dhibicu kaga da'ay muu dammin dabkeeduye daadkoo dhirbaaxoo ka dalloosha dhinacoo docda kale ka biyo-roga ayey hurid ku deysaa ninka damacu qaadee dadka aan arkeynee doqoniimo faanaa dib buu uga shallaayaa markuu waayo deeqdii daalacii la siin jiray dabar geliyo waayuhu ha dullaanto buurtani derbigani ha kala dhaco hala furro dariiqyada dhismahana ka wada sima daamurkana ku wada dhoob duligana halaga baxo ha iftiinto daacadi deegaan la boobiyo malafsiga dar-jeexa ah danyar xoolaheed qaba hala doorsho hawlaha dibu-socod falkuu dhiggay keligii daneystiyo daaya-qaad ku noolaa dorraad ha dambeysee daaniyuu ha wada go'o damashii hargeysana duqan maanta uun yimi doorashada ku soo baxay deelqaaf kumuu iman durjibuu u yeeshoo lagu daadshay ubaxoo daladaha la guud sudhay isagan dadaal faran dabcina wuu u leeyahay dersi buu inoo dhiggi iyo kala dambeyntoo dawgiyo xaqaad baran dalxiiskaa ku soo geli kaa duubi sawiroo kugu indha daraandari.
Waxa maansadan Curiyay
Abdihukun Ali Handulle. C O L U M B U S, U.S.A
|