SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Caddaalad darro waa cadaab (Doorashada S/land)

Waxa qorey:  Saeed Suleiman Mire   -   USA  

 

Waxaan halkan uga soo gudbinayaa saxaafada xorta ah Salaanta qiimaha badan ee ay ina farayso diinteena xaniifka ah , waxaan mar labaadka u soo gudbinayaa mahad balaadhan oo ka turjumaysa shucuurta iyo dareenka qalbiga oo ku yididiisha wararka darayga ah ee boqolaalka kun ee mayl ay nagu soo gaadhsiiso saxaafadayadu waxaanan leeyahay waad ku mahadsantihiin dadaalka iyo kartida aad u muujiseen waxaanan idiin sheegayaa inaad quluubta qurba jooga meel halis ah kaga qorantihiin taariikhda S/landna aad ka geli doontaan baal dahab ah , Waxaan mar sadexaadka idinka codsanayaa inaad maqaalkan iga gaadhsiisaan dhamaan mujtamaca reer S/land, maqaalkani wuxuu si gaar ah ugu socda Golayaasha Guuritda , Hay'adda Maxkamadda sare ee dalka iyo Garsoorka iyo Caddaalada , Axsaabta mucaaradka ah , xukumadda S/land iyo khusuusan Gudida Komishanka doorashooyinka.
 
Qormada maqaalkaygan waxaan ku tilmaamayaa waxay tahay caddaaladu , qiimaha cadaaladu leedahay , siday S/land ugu baahanay , cidda fulin karta , waxa ragaadin kara iyo cawaaqibka ka iman kara hadii cadaalad la waayo.
 
Golayaasha guurtida iyo Wakiilada , Gudida komishanka doorashada ,Axsaabta mucaaradka ah , Hay'adda Garsoorka iyo caddaalada , Dawladda S/land iyo golayaasheeda wasiirada , wakiilada , maareeyashaasha , Agaasimayaasha , Taliyayaasha ciidamada militeriga, boliska iyo sirdoonka qaranka waxaanu u sheegaynaa hadaanu nahay qurba joogga reer S/land inay dhawraan , ilaaliyaan , xafidaan oo ay indho soo jeeda ku hayaan jiritaanka Caddaaladda kana digtoonaadaan , Dulmiga , duudsiga , eexda , qaraabakiilka , laaluushka iyo lunsiga hantida dadweynaha iyo qaranka.
 
Caddaaladu waa wax aan la'aanteed la heli karin nolol wanaagsan oo aan werwer lahayn waana muraayadda laga daawado qaab nololeedka ay beel , deegaan , dal ama mujtamac u nool yihiin ee ka turjunta deganaanshaha , xasiloonida iyo niyad samida ay mujtamacaasi u nool yihiin , Caddaaladu waa aasaaska iyo tiirarka nolosha waana qalabka loo adeegsado marka la rabo in la bineeyo maamul loo siman yahay oo deeqa inta hoos timaada oo ay ka mid yihiin  dad , duunyo , duurjoog iyo deegaanka marka lagu daro biyo ku noosha baddaha iyo harooyinka guntooda ku nool.
 
Caddaaladu waa hoy , hadh iyo hanti lagu soo hirto lana soo haybiyo oo halka lagu tilmaamo ay cid waliba baadi doonto ,caddaaladu waa saadka iyo sahayda nolosha , dhinac kasta oo laga eego caddaaladu waa wax aan la'aanteed la noolaan karin hadii la waayana waxaa la waayayaa dhamaan aasaaska nolosha oo ay ugu horayso Nabadgelyadu.
 
Hadaba si aynu u helo caddaalad iyo sinaan ayaa waxaynu u soo marnay wado dheer iyo jid aynu kula soo kulanay inta dhibaato aduun jirta oo dhan , waxaynu inaga oo raadinayna caddaalad aynu soo marnay dil , dhac, kufsi , jidh dil , xabsi ,  waxaa u dhintay baadi goobka caddaalada kumanyaal geesi waxaa u goblamay kumanyaal hooyo oo maanta aan cid iyo ciirsi toona haysan noloshoodiina ku dambaysay dewarsi iyo in ay gidaarada seexdaan oo qalbiga iyo indhahaba ka ooyaya habeen iyo maalinba, waxaa u agoomoobay boqolaal kun oo caruur ah oo maanta aan haysan aabe daryeela noloshoodiina ay soo wajahday dayac , gaajo , haraad , arad , cagaag iyo waxbarasho la'aan oo mustaqbalkoodii madow yahay , raadcada iyo baadi goobka Caddaalada waxaynu u hurnay malaayin iyo malaayin lacag ah , waxaynu u hurnay wax ala wixii aynu hanti iyo aduun haysanay ee dhex yaalay S/land ee lahaa Dahab , Dheeman , Gawaadhi , Maraakiib , iyo Khasnado ay lacag nooc kastaaba dhex jiiftay , waxaanaynu ka door bidnay waxaas oo hanti iyo maal aynu haysanay oo aynu weliba u hurnay nafteenii oo aynu geeri u soo xidhnay sidii aynu heli lahayn Caddaalad.
 
Inaga oo soo marnay waxaynu ogayn oo aan qalin iyo warqad lagu soo koobi karin oo qalin iyo warqad iska dhaafe aan lagu soo koobi karayn wixii ina qabsaday malaayin iyo lag xaashadood oo ay ina qoyan yihiin nabaradii inagu dhacay oo aynu maalin walba arkayno xabaalo lagu aasay dad la xabaal nololeeyey ayaa maantana waxaa ina soo wajahay maalmo madow oo u eg kuwii aynu ka dagaalanay oo ay sababtay Caddaalad darradu oo kale .
 
Waxaynu galay doorasho xor ah waxaanay u dhacday si aad iyo aad u qurux badan waxaana ku amaanan shacabkeena qaaliga ah ee sharafta iyo karaamada ilaahay ku manaystay waxaanay si xilkasnimo leh u guteen waajibkoodii iyadoo aad arkayso sida wararku nagu soo gaadhayaan laba walaalo ah oo guri kasoo wada toosay oo mid waliba xisbi gaar ah u codeeyey , waxaad arkaysaa hooyo iyo aabe nolol wadaagay oo u kala codeeyey laba xisbi oo kala jaad ah , waxaad halkaa ka daalacanaysaa sida ay u bislaadeen shacabkeena qaaliga ahi ee sida sharafta iyo wanaagu ku jirto ugu codeeyey xisbiyadeena qaranka oo dhamaantood ah xisbiyo ka dhex abuurmay mujtamaca reer S/land mid kastaana xaq u leeyahay inuu hogaamiyo shacabkiisa iyaga oo kala jiidanaya codka shacabkooda waana mid ku waajib ah axsaabtu inay shacabka tusaan soona bandhigaan istiraatijida uu mid kastaaba doonayo inuu ku hogaamiyo dalka iyo dadka .
 
Hadaba waxay ayaan darradii ugu weyneyd dhacday ka dib markii Shir gudoonka labada gole ay faro gelin ku sameeyeen Gudidii komishanka , waa sida warku nagu soo gaadhayo'e waxay shir gudoonka labada gole u kala dab qaadeen madaxtooyada iyo xarunta gudida doorashooyinka , iyagoo faro gelin caddaan ah ku sameeyey gudidii komishan xilkiina kala wareegay ayay shirgudoonka labada gole maroorsadeen taladii oo markii ugu horaysayba waxay bedeleen wakhtigii loo cayimay ku dhawaaqista doorashada oo ku beegnayd 18 April 2003 oo ahayd maalin jimce ah iyagoo shirgudoonka laba gole amar ku siiyey Gudida komishanka inay dib u dhigaan ku dhawaaqista natiijada iyagoo ku andacoonaya waxaa jirta cabashooyin ka imanaya dhinaca Udub sidaa aawadeed waa in aad dib u dhigtaan ku dhawaaqista natiijada oo ka dhigtaan maalinta sabtida oo ay u qabteen sagaalka subaxnimo , Waxay hadana isla sabtidii dib ugu riixeen gelinka danbe ee isla maalintaas , waxay fara gelinta shirgudoonka labada gole ay dib u dhigeen ku dhawaaqista natiijada laba jeer oo kala danbeeya , waxay arintaasi yaab ku noqotay dhamaan shacabka reer S/land oo dareemay inay jiraan waxaan markaa la saadaalin karayn laakiin waxaa cadaatay inay jiraan sababo dib u dhigaya ku dhawaaqista natiijada doorashada waxaana soo baxay shaki fara badan iyo dareemo shiiqiyey niyad samidii shacabka gudo iyo debedba oo diyaar u ahaa dabaal deg loo dabaal dego kolba xisbaga guushu raacdo waxaana dadkii ku dhacay jahawareer iyo amankaag.
 
Waxaa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxaana la iclaamiyey in uu guulaystay xisbiga Udub waxaase isla markiiba gaashaanka ku dhuftay xisbiga Kulmiye oo diiday natiijadii doorashada kuna tilmaamay inaanay ahayn natiijadii rasmiga ahayd ee la isla ogaa , waxaa markaa sii xoogaystay shakigii ay shacabku qabeen muxaafid iyo mucaariba , waxay ahayd hadaba arinta shakigii rumaysay ka dib markii ay shir gudoonka labada gole qirteen inay cabasho uga timi dhinaca dawlada oo uu u yeedhay madaxweyne Dahir Riyaale , waxaa yaab iyo afkala qaad noqotay markii ay qirteen weliba inay ajiibeen baaqii madaxweynaha oo ay shirgudoonka labada gole sheegeen inay ergo ahaan ugu tageen gudida komishanka iyaga oo sida dhanbaalkii cabashada ahaa una socdaan dhexdhexaadin.
 
Hadaba halkaa waxaa ka muuqda faro gelin ay shirgudoonku ku sameeyeen arimihii doorashada , waxaa kale oo layaab ku noqotay shacabka reer S/land sida ay uga jawaabeen gudida doorashooyinku cabashadii ka soo yeedhay xisbiga kulmiye ka dib markii uu sheegay in uu hayo cadaymo oo qayb cadaymahaas ka mid ah ay ku soo bandhigeen shir jaraa'id oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo ay ka mid yihiin goobjoogayaashii ajaanib ka ahaa , culimaa'udiin , Saxaafadda xorta ah iyo weliba gudoomiyhii gudida komishanka oo isaguna ka hadlay goobtaas qirayna in bani'aadamku khaldami karo loona baahan yahay in hadii khalad dhaco la saxo , ayaa waxaa hadana cajiib noqotay jawaabta C/laahi Jawaan ee ku wajahan xisbiga kulmiye isaga oo tilmaamay inay dhaleeceeyeen gudida komishanka isaga oo weliba C/laahi ku hanjabay inay si toos ah uga hortegi doonaan waxa uu ku tilmaamay cambaaraynta iyo dhaleecaynta kulmiye ku wado gudida doorashooyinka , waxaa la yaab ah sida erayada C/laahi Jawaan ay uga maqan yihiin caddaaladii iyo garsoornimadii uu qaaday iyo weliba dulqaadkii ku waajibka ahaa cid kasta oo qaada xil garsoornimo , waxyaabaha yaabka ah waxaa ka mid ah baaqa C/laahi Jawaan ugu baaqay maxkamadda sare ee uu ku leeyahay Waxaanu ka codsanaynaa inay maxkamdda sare ansixiso natiijada saxda ah oo uu uga gol leeyahay natiijada ay komishanku ku dhawaaqeen oo C/laahi caddeeyey inaanay sinaba uga noqonayn inkasta oo aanu marna afkiisa soo marin C/laahi bal in lagu noqdo hubin iyo in la qanciyo xisbiga cabanaya.
 
Hadaba waxaa muuqda khaladaad badan oo ay masuul ka yihiin Shirgudoonka labada gole iyo gudida komishanku sidaa aawaadeed waxaanu doonaynaa inaanu ogaysiino inay xasuustaan cawaaqib xumada ay leedahay caddaalad daradu , waxaanu xusuusinaynaa inuu dulmigu yahay wixii ilaahay naftiisa ka xarimay adoomihiisana ku amray inay ka dheeradaan , waxaanu xusuusinaynaa inay ogaadaan in ay caddaalad darradu ahayd wixii aynu ka dagaalanay ee aynu naf iyo maalba u hurnay oo cidina aanay qaayibin qaadana karin , waxaanu xasuusinaynaa in hadii ay naqaan gar eexo wax kasta oo ka yimaada ama ay sababto dulmiga ay naqaan uu dumadooda saaran yahay , waxaanu xasuusinaynaa inaanay aduunyada maanta oo qudha ahayn ee ay taariikhdu qori doonto ficil kasta oo ay ku kacaan mid xun iyo mid wanaagsanba , waxaanu xasuusinaynaa in ay labada gole , Gudida komishanka iyo hay'adda garsoorku(maxkamdda Sare) masuul ka yihiin wax alaale iyo wixii ku dhaca xaq darro iyo caddaalad xumo oo ay iyagu dalka iyo dadkaba masuul ka yihiin wixii soo gaadha.
 
Anaguna hadaanu nahay muwaadiniinta qurba joogga ah ee u soo hayaansan dalkooda waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkayga iyo dadkayagaba belaayo ka hayo waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu masuuliyiinta shacabkayaga xaqa waafajiyo kana dhawro caddaalad darro , dulmi iyo gar eexo oo badheedha inay u naqaan si badheedh ah.
 
Alaahuma Fash-had.
Saeed Suleiman Mire
Minnesota , USA         saeedsuleiman@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE