SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

                    BAAQ – TARTANKA  HANAANKA XISBIYADA BADAN

 (Press Realese - Somaliland Democracy Watch Organisation – SDWO -  8th August 2001) Waxa mid aad loogu farxo ah Illaahayna loogu mahad noqo ah in aynu guda galnay xiligii hanaanka xisbiyada badan ay ku tartami lahaayeen hogaanka dalka.

Hadaba ururkaygan Somaliland Democracy Watch wuxuu aad us oo dhoweeynayaa dhamaan xisibiyada siyaasiga ah ee ku dhisan habka dimoqraadiyada iyo hurmarinta dalka ee aanay ka dhex muuqan kuna dhisnayn qabyaalad ama gobolaysi.

Sida la wada ogsoonyahayna xisbiyadaas lagu dhawaaqay qaar ka mid ah ayaa bilaabay abaabulkoodii siyaasadeed si aay u hantaan shacbi weeynaha kala degan gobolada dalka taageeradoodana u kasbadaan.

Hadaba xisbiyadaa abaabulka iyo wacyigelinta bilaabay waxa ugu cadcad oo ugu horeeya Xisbiga UDUB oo aad moodo inuu xaawli aad u sareeya ku socdo sababtoo ah xisbigan oo haba yaraatee wax dhibaato ahi aanay ka haysan haday noqoto kharash ama gadiidba,  inkastoo xisbigan uu had iyo jeer si toos ah uu u beeniyo haddana waxaan muran ku jirin in xisibigani uu si dadban iyo si toos ahaba uu hantida qaranka ugu maareeyo haawl maalmeedka la soo dersa hanaan socodka uruka.

Hadaba waxa loo baahan yahay in dimoqraadiyada la dhaawro oo muwaadiniinta Somaliland u sinaadaan tartanka dooroshooyinka fooda inugu soo haya, haddii uu yahay mid xukuumada ka tirsan amaba shacbiyaba.

Hadaba si sinaanta muwaadiniintu  u suurto gasho waxa loo baahan yahay maadama uu xisbigii xukuumaduba ku tartan gelayo hawshiisana ku fushanayo hantidii qaranka ee loo sinaa in xisbiyada kalana wax laga siiyo oo loo qoondeeyo loona cayimo xisbi walba kharash uu kaga qaayb galo tartanka iyo abaabulka dooroshooyinka.

Haddii ay tani dhici weeydana  waxa cad in wax isbedel ahi aanu soo bixi doonin amaba la waayo xisbi kale oo la tartama kolab xisbiga talada dalka qabta, sababtoo ah xisbiyada kale iyagu wax dakhliya ma haaystaan oo waxa aay helaan wuxuu noqon doonaa caawiymooyin ay ka helaan taageerayaashooda taasi oo aan u dhigmi karin hantida uu ku tartan gelayo Xisbiga Udub ee hantida qaranka,  tani oo aan shaki ku jirin in uu si walba uga horeyn doono xisbiyada kale,  dalkuna ku danbaayn dono wadan xisbi qudh leh.

Marka uu Udub leeyahay diyaarbaanu u nahay tartanka hogaanka dalka, waxa ay u dhigantaa, laba ciidan oo is horfadhiya oo uu midina hubaaysan yahay midina aanu hubaaysnayn deedna siidhiga loo afuufo in aay isku bilaabaan, waxaan filaynaa in qof waliba garan karo cida guushu raacayso labadaa ciidan. Laguna durdurin doono ka aan wax huba haaysan.  Arintani waxay ka turjumaysaa marka Udub oo dakhli isku hubaa leeyahay tartankii dooroshooyinku waay bilaabmeen.

Maqaalkaygan waxaan ku soo gunaanadaynaa si ay wadanka dooroshooyin xor ah oo loo simanyahay uga dhacaan waxa loo baahan yahay in hantida qarankana loo sinaado ee aanu adeegsan xisbi qudhi,  Maadama xukuumada hadda jirtaa ay isku rogtay Xisbi siyaasi ah waxa haboon in barlamaanku dhex ahaado oo uu dhiiri gelyo xisbiyada kale sidii aay loolanka uga qaayb qaadan lahaayeen dakhligaa uu Udub isticmaalyo mid la mid ahna aay u qoondeeyaan xisbi wal oo buuxiya shuruudaha looga baahan yahay xisbi siyaasi ah

Waxanuna dhamaan xisbiyada siyaasiyiinta ah u soo jeedinaynaa  in aay arimahan ka midoobaan oo ay ku muujiyaan cabashooyinkooda  hab siyaasadeed oo dimoqraadiyada waafaqsan iyo dastuurka dalka.

 Guled Cabdi   - Gudoomiye - London

 Mukhtar Axmed(Teysa)  -  Gudoomiye xigeen - London 

Axmed Maxamed - Afhayeen - Hargeysa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE