SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

“Waa in loo hawlgalaa sidii looga dhaadhicin lahaa Qadiyadda Somaliland dalalka Midowga Yurub” Phil Batson

London (Jam)- Phil Batson oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu soo casuumay xafladi xuska 18ka May ee East London ahna u qaabilsanaha arrimaha debedda dowladda Ingiriiska ee Geeska Afrika ayaa waxa uu ka soo jeediyay halkaas qudbad dheer oo uu ku muujiyay mowqifka dowladda Ingiriiska ee ku wajahan Somaliland.


Mr  Phil Batson waxa uu ugu horeyntii ka waramay xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay dalka Somaliland, isagoo sheegay in uu sannad iyo badhkii ugu danbeeyay laba jeer booqday Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu xusay ka dib markii uu dhagaystay warbixintii Dr. C/llaahi Guuleed ee ku wajahnayd sida dowladda Ingiriisku uga sii jeedo arrimaha Somaliland, halka xukuumadda Talyaanigu uga hanweyn tahay arrimaha Soomaaliya. Mr Batson waxa uu caddeeyay in cabashooyinkan dowladda Ingiriisku ka warqabto isla markaana uu gaadhsiin doono wasaarada arrimaha debedda ee boqortooyada Ingiriiska (White Hall). Isagoo arrinataas ka hadlayana waxa uu yidhi “White Hallka dhexdiisa ayaa lagaga hadlaa warbixinada aan meelahan oo kale ka  gudbiyo. Aniguna waxaan ahay masuulka u qaabilsan in aan uga qaybgalo shirarka lagaga hadlayo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan had iyo jeer u soo bandhigaa in la tixgaliyo waxayaabaha u qabsoomay  Somaliland iyo kuwa loo baahan yahay in wax lagala qabtaba”. Intaas waxa uu ku daray in waddamo ka tirsan Midowga Yurub (EU) qaarkood aanay hayn qaddiyada dhabta ah iyo taariikhda runta ah ee Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii ugu danbeeyay ee lagaga hadlayay arrimaha Soomaalida ee Brussels (Belgium), kaasi oo dhacay bishan May dhexdeedii, waxaanu intaas ku ladhay in dalal ka mid ah Midowga Yurub aanay aaminsanayn qaddiyada Somaliland sababtoo ah buu yidhi wax sidaas ah kama oga arrimaha Somaliland.


Mr Batson waxa uu carrabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay in loogu ololleeyo ka dhaadhicinta qaddiyada Somaliland, gaar ahaan waddamada Midowga Yurubta dhexdooda, ururka IGAD iyo guud ahaanba Midowga Afrika.


Ugu danbeyntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday in dowladda Ingiriisku og tahay waxyaabaha faraha badan ee ay dowladda iyo dadka reer Somaliland qabsadeen balse ay adag tahay in ay wax sidaas ah ka yidhaahdaan inta dowladdo Midowga Yurub ka tirsani ka dhago xidhan yihiin xaqiiqada iyo taariikhda dhabta ah ee Somaliland.


Haddaba waxa haboon in si wada jir ah loogu hawlgalo ka dhaadhicinta qadiyadda Somaliland, gaar ahaan xukuumadda Somaliland iyo jaalliyadaha debeddu waa in ay iska kaashadaan ololahan la rabo in lagaga midhi dhaliyo qaddiyadda Somaliland, taasi oo horseedi doonta aqoonsi caalami ah oo ay hesho Jamhuuriyadda Somaliland.


Khadar Xasan Cali
Jamhuuriya London
Emaila: jamhuuriya@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE