SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Somaliland Democracy Watch Organisation

 

PRESS RELEASES  BY SDWO(CLICK BELOW)

bulletSDWO: Press Release – Go,aanka Xil  kordhinta Golaha Guurtidu wuxuu ka Turjumyaa kalsooni la,aanta xukuumadu ay ka qabto codbixiyiyaasha
bulletSDWO - Press Release: Arinta shaqo ka Fadhiisinta Mujaahidad Marwo Amina Weris waxay Tijaabo weyn u tahay Rajadii laga qabay Baarlamanka Cusub
bulletSDWO:- Press Release - Doorashadii shirgudoonka muxuu ka qabaa dastuurka Somaliland
bulletSDWO: Press Release SDWO: Dimoqraadiyadii aan sedexda jeer u codeynay ma waxay ina dhaxalsiisay in ardaydii Gebiley iyo waalidkood habeen madoow la xukumo – Waa Ayaan darro -
bulletSDWO:Goormaa la sameeyay sharciga xaaraantimaynaya inuu qof idaacad dalka dibadiisa ku taala aanu u shaqayn karin
bulletSDWO: Ciidanka Qaranka iyo Hubka culus looguma talo galin mudaharaad 
bulletSDWO -Press Release - Dimoqraadiyadii Somaliland Waagiibaa ku Guduutay
bulletSDWO Warsaxaafadeed ku saabsan waxbarashada dalka - Aqoon la,aani waa iftiin La,aan
bulletSDWO- Press Release -  Doodaha siyaasadu waxay ka turjumayaan horumarka somaliland
bulletSDWO - Warsaxaafadeed ku saabsan doodii la magacbaxday Caawa Caqli Keen ee ka dhacday Hargeysa
bulletSDWO:  Jamhuuriya Online waa iney ka waantoowdo u adeega Cadowga Somaliland
bulletSDWO Press Release - Waxaanu si buuxda u taageeraynaa go,aanka labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ee lidka ku ah jiritaanka xukunka degdega ah
bulletSDWO Press Release: Waxa wax aad looga xumaado ah una xanuun badan in 13 sano ka dib aan aragno isla markaana ay soo noqoto in dhalin aad u yaryar igyoon maxkamad la soo taagin habeen madoow si qarsoodi ah loo xukumo
bulletSDWO - Press Release - Shacbiga Somaliland Waxbaa u kordhay - Waa Tabtii loo baahnaa
bulletSDWO -Warsaxafaadeed ku saabsan Xeerka Saxaafada ee Xakamaynta Xoriyatul Qawlka ee Xukuumadu soo hordhigtay Baarlamanka
bulletSDWO -Press Released - Xukuumadu way ku guuldaraysatay sugida amaanka dadka ajaanibka aha
bulletSDWO-Press Release - Xukuumada waxaan kula talinaynaa in ay aqoonsato qodobka 43aad ee dastuurka ee xaquuqda muwaadinka xoriyada laga qaaday
bulletSDWOPuntland ha ogaato in Somaliland awood culus u leedahay ka jawaabida
bullet

SDWO-Dadaal,Adkaysi iyo Wadaninimo ayay muujiyeen weftigii tegay Sool

bullet

SDWO   Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Riyaale

bullet

SDWO   Press Released - Codka Muwaadinka

bullet

SDWO Ka dhoofida Madaarka Hargeysa oo noqotay mid aan

bullet

SDWO   Press Released - Garsoorku waa baahida ugu weeyn

bullet

SDWO   Press Released - Ninka ugu il dheerbaa dadka ugu ayaan daran

bullet

SDWO - Press Release - BBC du Waxay Noqotay Reedyoow Muqdisho

bullet

SDWO-  Warqad furan - BBC Monitoring Service and Financial Times

bullet

SDWO   Moqdisho Times oo dagaal saxaafada ah kula jirta Somaliland

bullet

SDWO - Press Release: Gudida la dagaalanka Musuqmaasaqa

bullet

SDWO - Baaq - Xaalada siyaasadeed ee soo wajahday Somaliland

bullet

SDWO  Dastuurku waa inuu noqdaa ilaaliyaha xuquuqda muwadiniinta

bullet

SDWO   Warqad furan oo ku socota madaxweyhaha, Maxkamada sare

bullet

SDWO   Dimoraadiyadii Xagey Martay

bullet

SDWO   Baaq ku wajahan rabshadii Hargeysa

bullet

SDWO   Baaq - Tartanka Hanaanka Xisbiyada Badan ee S/Land

bullet

SDWO   Baaq  Taagero iyo Hanbalyo ah        

bullet

SDWO  Xukuumadda iyo Xisbiyadda Somaliland ba waa in aay dhawraan Nidaamka dimoqraadiyada

 

 

 

  PRESS RELEASE  - July  2001    (URUR CUSUB)  

 Urur cusub oo lagaga dhawaaqay magaaladan London Magaciisana la yidhaah Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO)  Ururka Ilaalinta dimoqraadiyada  Somaliland.      Marka hore ururkani maah urur siyaasi ah ama u xaglin doona dhinac.   Waa urur la abuuray ka dib markii daraasad dheer laga sameeyay baahiyaha kala duwan ee dalka ka jirta  xag shacbi iyo xag maamulba marka la eego xaga dimoqraadiyada.

 Ujeedooyinka loo aasaasay waxa ka mid ah in umaddeena la dareensiiyo waxa ay tahay dimoqraadiyadu iyo habka loo adeegsadaba  iyadii oo aan meel ku dhac lugu samayneeyn diinteena muqadiska ah.  Waxyaabaha ugu waaweeyn ee uu ururkani rabo in uu wax ka qabto waxa ka mid ah sidii loo dareensiin lahaa  loona tusi lahaa shacbiga wax aay wadanka xaq ugu leeyahiin iyo wax uu wadanku xaq ugu leeyahay taasi oo lugu gaadhi  karo wacyi gelin balaadhan.  In la baro lana  gaadhsiiyo shacbiga ku dhaqanka tasuurka dalka u yaal iyo ka gilgilashada haddii aay dhacdo in cid ka tirsan shacbiga ama dowladu  ku xadgudubto qodob ka mid ah qodobada tastuurka,  iyadii oo wacyi gelin iyo daraasadaba laga siin doono sidii iyo habkii aay u soo bandhigi lahaayeen wixii dareen ah ee aay qabaan iyadoo  waafaqsan tastuurka dalka iyo habka dimoqraadiyadaba.   

 Waa in la dareensiiyo umada in tastuurku yahay  hagaha koowaad ee kala haga  dhamaan laamaha dawlada, shacbiga iyo ururada madaxa banaanba, ku xadgudubkiisuna waa reeban yahay, hase yeeshee waxa dhacda in marar badan ay xukuumadu si badheedh ah ugu xad gudbto iyo shacbiga oo iygun had iyo jeer ku xad gudba, tan shacbiga oo aad odhan karto ma badana inta si badheedh ah ugu xadgudubta tastuurka  ee intooda badan waxay ka tahay aqoon, waana waxyaabaha ururkani ahmiyada gaarka ah  saarayo.

 Ujeedooyinka kale ee loo aasaasay waxa ka mid ah in uu ururkani u ololeeyo sidii Somaliland ictiraaf buuxa luugu heli lahaa, xidhiidho is dabo joog ahna la sameeyo dhamaan dawladah iyo haayadaha qaabilsan arimaha  Somaliland tani oo uu urku durba jawaabo ka helay xidhiidho kala duwan oo uu sameeyay.

 Ururkan SDWO wuxuu si toos ah ugu ololeeyn doonaa sidii afti buuxda looga qaadi lahaa shacbiga reer Somaliland iyadii oo la marayo sharicyada aduunka u yaal, tani oo noqotay waxyaabaha ugu weeyn ee caqabada ku noqotay aqoonsiaga Somaliland aduunkuna ingu xidhay.

 Ururukan SDWO waxa ka reeban si toos ahna uu uga soo horjeeda wax alla wixii khalkhal iyo deganaansho la,aan ku keeni kara jirtitaanka, sumcada iyo nabad gelyada Somaliland,  waxa kale oo uu ka soo horjeeda qabyaalada iyo wixii la hal maala isagoo si toos ahna u taageersan hanaanka xisbiyo badan oo siyaasi ah.  Ururku wuxuu aaminsan yahay saxaafada xorta ah iyo xoriytul qaawlka in la sii balaadhiyo.  Si uu ururku haawlahiisa u fusho wuxuu xidhiidho is daba joog ah iyo wada shaqaynba la yeelan doonaa ururada  caalamiga ah ee ku haawlan hirgelinta dimoqraadiyada iyo xoriyatul qaawlka.

 Ujeedooyika loo aasaasay urukan SDWO aad ayay u badan yihiin waxaanad ku arki doontaan tastuurkiisa.

 Ururkan waxa xubin ka noqon kara qof kaste oo aaminsan Jiritaanka Somaliland iyo sharciyada u yaal Urukan Somaliland Democracy Watch Organisation.

 Ururkani waxa uu leeyahay Tastuur iyo nidaam, dhowaana si toosa ayaa loo faafin doonaa.  Wuxuuna ururkani dhowaan yeelan doonaa World Wide Wabe Page iyo Emailba.

    Allaa Mahad leh:   Gudoomiyaha SDWO:  Mr Guled Cabdi Sheekhaash.