|
|
Qaadka
oo dalka Sweden ka taagan heerka Xashiishada oo kale
SDWO - Finland 22nd August 2002- Mar aan dhowaan socdaal gaaban ku tegay dalka sweden ayaa
waxa aad iiga yaabisay heerka uu qaadku ka marayo ama uu ka taagan yahay
dalkaasi.
Qaadka ayaa waxa aad odhan kartaa waxa uu u dhigmaa ama uu marayaa heerka
daraaga khatarta ah oo kale sida xashiishada. Hadana iyadii oo ay sidaas tahay
ayaa hadana waxa suurta gal ah in uu qaadku yimaado maalin walba, hase yeeshee
iibkiisu uu adag yahay aadna looga baqo in lagugu qabto.
Waxa jirta in booliska dalka swedena uu aad ugu kuur galo sidii loo qaqaban
lahaa dadka jaadka ka ganacsada ama cunayaba, waxaanu imika booliska dalkaasi
bilaabay olole balaadhan oo somalida lagu dabo gelayo si qaadka loo xayiro, waxa
la ii sheegay in dhowaan boolisku uu qabqabtay dad badan ka dib markii
kamaradaha fiidyoowga lagu dul rakibay makhayda somalida oo daayr weeyn oo lagu
qayli jiray ama qaadka lagula kala wareegi jiray leh, ka dibna markii mudo
filmkaas la duubayey maalintii danbe iyagoo iska fadhfadhiya oo la iska
shaahaynayo oo xataa aan qaadba la cunaynin ayaa boolis badani soo weraray
goobtaas dad badan oo kamaradaasi qabatayna halkaas lagu qabqabtay. Ilaa hada booliku isagoo baabuur wata ayuu saacad walba makhaayadaas car
park geega uu soo gelayaa, oo xataa aroor anagoo halkaas ku shaahaynayna ayuu
soo dhexgalay boolisku deedna intay baabuurkii na ag joojiyeen ayay afkayaga
eegayeen in ay cidina afka waxa ku hayso.
Sidaas darteed qaadku wuxuu noqday mid baabuur uu la wareego oo aanad goob
gaara ka heli karin, mararka qaarkoodan aad u safrayso ilaa nususaace. Inkastoo
hada baabuurta ku dul iibkooda laga baqo, oo laga baqayo in qof somali ahi u soo
sheego booliska sida horey u dhacday deedna baabuurkaas la daba galo deedna la
qabto. Maalintii iila yaabka badnayd waxa ay ahayd markii ay ii suurto gashay in aan
raaco niman dhalinyaro ah oo qaad raadinayay, ka dibna meel walba waan ka
weeynay qaadba. Mudo yar ka dib ayaa mobile number nala siiyay oo la yiri
ninkaas baa hayee la hadla, mucjiso waxa ay ka dhacday markii aan numberkii
dirnay ee uu ninkii noo sheegay in uu qaadka ku hayo buur dheer oo kayn jiqi ku
dhextaalo oo doogii dhulka ka baxay iyo dhirtii is gaadheen, oo u dhow xaafad ka mid ah xaafadaha somalidu aadka u degto, ka dib
markii aan halkii soo gaadhnay ayaan buurtii fuulnay se wax adkatay in aan helo
halka ay kayntaas jiqda ah uu kaga dhex jiro, mudo yar ka dib waanu halnay
halkaas oo aanu ugu tagnay dad badan oo sidii mafrishka halkaas ku qayilaya oo
kayntaas dhexfadhiya oo xataa kookahoodiina haysta.
Qiimaha qaadka lagu iibsado ayaa ah mid aad uga sareeya qiimaha London oo
Mijintu waxa ay ka taagnayd wakhtigaas aan ku sugnaa 20 Doolar, iyadoo weliba
inta badan aan qaadku ahayn mid cusub.
Dalkan Finland ayaa isagu ka yara duwan sidaas oo aan cabsi sidaas u badan ka
jiran oo maalin walba lagu qayilaa inkastoo qaadka Finland lagu cunaa mararka
qaarkood uu yahay mid baarixi ah oo yaaley 3 - 4 cisho, hase yeeshee sida Sweden
looma baqo marka baabuurta lagu sito ee aad guriga ku sii socotid.
Guled Cabdi SDWO - Finland
|