|
|
DADAAL,
ADKAYSI BADAN IYO WADNINIMO AYAY MUUJIYEEN WEFTIGII MUDADA DHEER
KU MAQNAA GOBOLKA SOOL Somaliland Democracy Watch - London – SDWO
22/11/02. Waxan halkan hanbalyo iyo
bogaadin aan la soo koobi Karin uga diraynaa dhamaan salaadiintii iyo cuqaashii
mudada dheer ugu maqnaa sidii gobolka sool nabad loogu soo dabaali lahaa isla
markaana dadka wada dhashay ee colaada dheeri dhextaalay ee dagaalka iskula
jiray nabad waarta looga dhex abuuri lahaa. Waxa aan leenahay Illaahay waa idinku garab
galay in arintaasi aad ku soo dhamaayseen si quruxbadan oo dadka Somaliland meel
walba oo ay joogaana ay u riyaaqeen, dadaal,
wadaninimo iyo adkaysi badan ayaad muujiseen intii aad
arintaas ku jirteen. Waxa iyagan aan halkan hanbalyo diiran uga
diraynaa dhamaan salaadiinta, garaadada, cuqaasha iyo dhamaan dadka reer sool
sida quruxda badnayd ee ay uga aqbaleen haawshii uu
weftigu ula tegay, iyagoo isla markaas si wanaagsan hawsha ula guntaday
sidii ay weftigaasi uu ugu guulaysan lahaa in ay walaalahoodaas is dilayey
wanaag iyo nabad ku wada noolaansho ka dhex abuuraan, waana waxa ilaahay loogu
mahadnaqaa arintaasi sida ay ku dhamaatay. Isla markaas sida ku cad bayaankii sida wada
jirka ah ay weftigii iyo odayaasha sool soo wada saareen, xukuumada Somalilandna
waxa ku waajib ah in maamulka dalka ay si degdeg oo buuxda u gaadhsiiso gobalka
soolna isla markaasna uu u hawl
galo sida gobolada Somaliland maamulada ka dhisan oo kale, lana gaadhsiiyo wixii mashaariic
horumar ah ee ka socoda dalka ugulana sinaadan gobolada dalka ee kale. Xukumada Madaxweyne Riyaalana waxaan
leenahay wakhti waangsan ayuu ilaahay idin garansiiyay in aad arintan ku
talaabsataan oo aad wefti heer sare ah oo dhamaan Somaliland ka kooban aad u
aabaabusheen in ay tagaan goboalka Sool. Hawlahii
aad ka filayseena si fiican ayay u soo dhameeyeen, markaa xukuumadana waxaan
leenahay hanbalyo, talaabo wax ku ool ah baad qaadeen. Waxaan ku soo gunaanadnay Gacmo wada jir bay
wax ku gooyn karaan shacabka somalilandna waxa ku waajib ah in gacmaha la is
qabsado oo ilaalinta nabadgelyda iyo hurmarka dalka loo wad hawl galo. Long Live Somaliland Guled Cabdi Sheekhash – Gudoomiyaha Ururka SDWO Mukhtar Axmed Sh. Adan – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Axmed Maxamed Yusuf
– Afhayeenka Ururka SDWO |