Max,ed A/lahi Abdi waa wiil yar oo da,diisu tahay hal sanno waxaanu aad uula dhibban yahay xanuun aan la garaneyn waxaa uu yahay kaas oo guud ahaanba muuqaalkiisi badalay isla markaana kadeed iyo dhibaato badan ku haya xaaladiisa caafimaad, sidaan ku arkeyno sawirradan Maxamed Yare waxaa madaxiisa ka soo baxay nabarro waaweyn ku waas oo aad moodo micno fiix oo kale ah laakiin dhakhaatiirta loo geeyey sheegeen in wax lagaga qaban karo oo kaliya dalka dibadiisa.

Hooyo Aamina Maxamed Jaamac ayaa waxaanu waydiiney fariinta iyo qeyla dhaanta ay u dirayso wallaalaha somalida ah ee naxariista badan waxaaney tidhi: waxaan aad iyo aad uugu codsanayaa dhamaan dadka islaamka ah iney i soo gargaaraan igana soo caawiyaan dhibaatada wiilkaygan yar ku dhacday si aan dhakhtar u geeyo waayo dhaqaale aan dhakhtar ku geeyo ma haysto waxaanan Alle idinka baryayaa inuu dhibtan oo kale idinka hayo anigana iga dulqaado wallaalayaal Alle dartii igu soo kaalmeeyo kurbo iyo kadeed aad u weyn ayaa na haysta Allena dhamaantiin ha idiin wada naxaristo.

Haddaba akhriste waxaad wixii caawimo ah ee qoyskan aad ku caawin karto uugu hagaajineysaa Telfoonka gacanta ee ah: 4083333/ 4332950 Hargeisa oo ah wakiilka samafalka ee Shabakada

adigoo uugu qoraya wixii sadaqo ah ee aad ku saacideyso wiilka yar, magaciisa oo ah Max,ed A/lahi Abdi



Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com