Hargeysa (SDWO
26/12/08) Tan iyo bishii November ee sanadkan 2008 ee baaqa
qaylo-dhaanta ah SDWO qaybteeda samafalku (SDWO Relief Projects) ay
dadweynaha reer Somaliland u soo bandhigtay qoys ka kooban 8 qof oo
dhammaantood naafo ah marka laga reebo aabaha carruurtaas oo isaguna da'
ah, si loo caawiyo, ayaa mar labaadkii shabakadda SDWO dad qurbo-joog
reer Somaliland ahi u soo mariyeen caawimo lacageed, inkasta oo ay
jiraan caawimooyin kale oo qoyskan loogu soo deeqay.

Shiine
oo gudoonsiinaya $746 Aabo Yusuf Jaamac Cismaan
Deeq
lacageedkan oo ka timi Jaaliyadda reer Somaliland ee degan magaalada
Manchester ee dalka Ingiriiska iyo weliba dad reer soomaaliya ah, taas
oo qiimaheedu dhan yahay $746 (dollarka Maraykanka), ayaa maanta
aabaha qoyskan Yuusuf Jaamac Cismaan uu guddoonsiiyey Wakiilka Hargeysa
ee SDWO Mr. Shiine Cilmi Kaahin, waxaana lacagtaas na soo gaadhsiiyey
Mr. Cabdi Sulaymaan Mingiste oo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee ku
dhaqan magaaladaas.
Maaha
markii u horeysay ee SDWO ay kaalmo gaadhsiiyaan qoyska dhibaataysan ee
wada curyaamiinta ah, reerkan ayaan hore u gudoonsiinay bishii la soo
dhaafay ee November lacag dhan $1230 doolar oo naga soo kala
gaadhay jaaliyadaha Somaliland ee Waqooyiga London, Hay,ada African
Development Trust ee Manchester, France, Holland iyo Finland. Click
garee halkan warbixintaas hore - Wakiilka
SDWO ee Hargeysa oo $1230 Dollar Gudoonsiiyey Reerkii Ka Koobnaa 8 Da
Qof Ee Curyaamiinta Wada Ahaa + Sawiro
Aabaha
qoyska Yuusuf Jaamac Cismaan ayaa si weyn ugu mahadnaqay cid kasta oo ka
qaybqaadatay taakulaynta qoyskiisa dhiban, waxaannu sheegay in ay hadda
aad uga wanaagsan yihiin sidii hore.

Aabe
Yusuf oo dhex fadhiya caruurtiisa wada dhibaataysan
Isaga oo
mahadnaqiisa iyo duco u diray dadkii soo caawiyey iyo cid kasta oo ka
qaybqaadatay waxa uu yidhi; "Marka hore Ilaahay baa mahad leh,
waxaan u mahad-naqayaa dadka Islaamka ah ee sideedda qof ee iga laxaad
la' ee aan aniguna aanan waxba tari Karin oo aan da' ahay. Rabbiga
Carshiga iyo Kursiga sameeyay ee Rasuulkii Muxammed ahaa xaq ku soo
diray, wax san iyo khayr in uu ugu bedelo oo uu Naarta kaga xoreeyo,
Jannada ugu mannaysto ayaan u baryayaa oo aan u waydiinayaa. Waa sahay
ay sii hor-marsadeen oo ay sii qaateen, anigana Dhibaato ayay iga
fujiyeen iyo baahi wayn oo na haysay. Waxaan mar kale idiin
mahad-naqayaa damqashada Islaamnimo ee aad iigu soo naxariisateen,
Ilaahay naxariistii Janno ha idin siiyo. Ilaahay ha idinka abaal-mariyo
oo labada Daarood ee adduunyo iyo Aakhiraba ha idiin wanaajiyo, Ilaahay
Ubadka idinkama xumeeyo, Ilaahay Qoysaska idinkama xumeeyo, adduunyada
Nimco ha idinku mannaysto, aakhirana Janno ha idin siiyo." Sida
waxa yidhi Aabbaha Qoyska oo markii aan lacagta Gudoonsiyay farax iyo
Mahad naq nagala horyimid.
Aabe Yusuf
Jaamac Cismaan waxa uu noo sheegay in uu caruurtan keli ku yahay oo aanu
haysan cidkale oo la gacanqabta iyadoo hooyadoodna ay dhimatay ilaahay
ha u naxariistee.

Gudoomiyaha SDWO Guuleed Cabdi
Sheekhaash ayaa sheegay in tan iyo intii SDWO Relief Projects ay
bilaabantay bishii Septmeber ee sanadkan 2008 ay isugeynta deeqaha
qurbajoogu ku soo hagaajiyeen SDWO ay tahay $3216. Dhinaca
kalana wuxuu ilaahay uga beryey dhamaan dadkii ka qaybqaatay
taakulaynta dadkaas deeqahaasi gaadheen inuu if iyo aakhiraba ugu
naxariisto, intaan weli ka qaybqaadan qalbigooga naxariis uu geliyo
kana qaybqaataan sadaqooyinka aakhiro la sii hor marsanayo.
Isagoo dadka muslinka ah ee dhibaataysana meel kasto oo ay joogaanba
ilahay uga beryey inuu dhibta ka dulqaado, maadama gacan binu aadmi
aanay waxba ka tarikarin.
Hadii aad rabtid inaad ka
qaybqaadatid deeqaha la soo mariyo SDWO, please email noo soo dir
Guled@SDWO.COM
Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Hargeysa