SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Warsaxafaadeed ku saabsan Xeerka Saxaafada ee Xakamaynta Xoriyatul Qawlka ee Xukuumadu soo hordhigtay Baarlamanka

(SDWO 12th Jan 04)Somaliland Democracy Watch Organisation – Waxa mid aad looga xumaado ah xakamaynta badheedhka ah ee xukuumada Somaliland ku damacsantahay inay ku sharciyaysato cabudhinta saxaafada iyo xoriyatul qawlka. 

Waxa isweeydiin mudan maxaa keenay wakhtigan in ay xukuumadu ku adkaysato in xeerkan saxaafada ay u soo gudbiso baarlamanka si loo ansixiyo oo deedna uu dhaqangal u noqdo si ay ugu cabudhiso saxaafada madaxbanaan. 

Haddaba dadka intooda badani way la socdaan cabudhinta iyo dhibaatada uu ku keeni koro saxaafada xorta ah oo la wada ogsoonyahay inay qayb libaax ka qaateen dibu dhiska iyo nabadaynta Somaliland,  hadii aan tusaale u soo qaadano xukuumadu weli ma isweydiisay yaa shacabka gaadhsiiya wixii wara ama amara ee ay soo saaraan  meel kaste oo ay joogan guda iyo dibadba ha ahaatee. Maadama aan wadankeenu lahayn telefishan weyn oo dalka oo dhan wada gaadha isla markaasna inta uu madaxweyanahu soo istaago telefishanka  uu halkaas kala hadlo dadweyanaha isagoo gurigiisa iska jooga. 

Saxaafadu waa muraayada guud ee dalka laga daawado,  Saxaafada la,aanteedna waxa yar ee waxqabadka ah ee xukuumadu qabtaana may jirteen ee nin waliba sida masuuliyiinta qaarkood ayay xoolaha qaranka iskaga tagrifalilahaayeen hadii anay ka baqayn saxaafada ayaa idin daba gelidoonta oo dadka idinku soo jeedindoonta,  Hadaba waxa cad in loo heshiiyay sidii la iskaga aamusiin lahaa saxaafada tani oo dhabarjab weyn ku noqondoonta horumarka dalka iyo guud ahaanba waxqabadka masuuliyiinta dowlada, saxaafadu waxay ahayd habaka qudha ee shacabku kula xisaabtamo ama kula xidhiidho xukuumada iyo waxqabadkeeda. 

Waxaanu aaminsanahay inaanay jirin baahi loo sameeyo xeerka saxaafada sababta oo ah xeerka saxaafada waxa qeexaya oo lagu xusay Dastuurka dalka u yaala oo madaxbanaani siiyay, hadii saxaafadu ku xadgudubtan dastuurkana markaa waa in la mariyaa ciqaabta dastuurku dhigayo. Mudo dhawr iyo toban sano ah ayaan sheeganayn dimoqraadiyad iyo xoriyatul qaawl aduunkuna aad inoogu amaanaa, waana wax lala yaabo in imika dib loo noqdo oo xeerar iyo xakamynta dowladaha keligii taliska ah ee aan dimoqraadiga marna ahayn oo kale aan samaysano, waa arin ka fiirsashadeeda leh dhamaan qodobada is huwan ee ay xukuumadu ugu yeedhay xeerka saxaafada, kuwa aad looga yaabayna ay ka mid yahiin, inaan waxba laga qorin wixii wax u dhimaya cilaaqaadka aan la leenahay dowladaha aduunka gaar ahaan  kuwa jaarka , bal maxaa xukuumada ka saran maadama aan saxaafadu ku hadlayn afka xukuumada ee ay tahay saxaafad madax banana oo aduunka oo dhan wax ka qori karta. (Tani oo ay ka muuqato cadhadii uu Madaxweyne Riyaale ka muujiyay qoraaladii ku saabsanaa socdaalkii uu ku tegay Jabuuti) dhawr jeerna aad ugu dhaleeceeyay saxaafada markii u danbaysayna ay ahayd shirkii jaraaid ee uu qabtay madaxweynahu qabsashadii Laascaanood ka dib. 

Gebogebadii Baarlamanka Somalilandna waxaan kulatalinlahayn inaanay ansaxin wixii dalka dibu dhaca ku keenaya isla markaasna cabudhin iyo cago jugleeyn gelinaya saxaafada iyo xoriyatul qawlka oo aan mar qudha boodhka lagu aasin wixii mudada dhawr iyo tobanka sano ah la soo dhisayey horumarka dalkana qaybta ugu weyn ka qaatay. Inkastoo shacabku ka welwel qabo in baarlamanku ansaxindoono xeerkana maadaama saxaafadu dhawr jeer wax ka qortay xildhibaano katirsan golaha wakiilada kuna hanjabay in xeerkii saxaafadu soo socodo oo dhowaan barlamanka la soo hordhigidoono.   Shacbigu yayna u arkin xeerkan mid saamayndoona saxaafada oo qudha ee cida saamaaynteedu taabandoontaa inay noqondoonto shacbiga oo waayidoona wararkii sida tooska ah ay ugala socon jireen siyaadada dalka guud ahaan iyo gaar ahaanba.  Markaa waxa shacbiga ku waajib ah in mudahaaraado nabadgelyo ah lagu muujiyo diidmada xakamaynta saxaafada oo lagu hormiijiyo baarlmanka hortiisa iyo madaxtooyadaba. 

Allaa Mahad Leh    -  Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Shaakhaash – Gudoomiyaha Ururka SDWO

Axmed Maxamed Yusuf -   Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha Guud ee SDWO

C/Qani Cismaan Xandule – Afhayeenka Ururka SDWO

Foosi Xuseen Rooble  -       Wakiilka SDWO ee Pakistan

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION