SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

SDWO - Socdaalkaaygii Hargeysa iyo waxyaabahii aan ku arkay

 

Hargaysa (SDWO)- Markii ugu horeysay ee aan ka soo degay Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa waxay ahayd Aroor hore, 28kii July 2003, Marka u horeeysa ee ay diyaaradu soo degayso ee aad sheeda ka dheehato muqaalka guud ee hargeysa waxa aad arkaysaa inay tahay magaalo aad u fiday oo aad u weyn, qurux iyo bilic badanina ka muuqato.

Markii aan diyaarada ka soo degnay waxyaabaha aadka iigu yaabka badnaa waxa ka mid ahaa maamul xumada iyo isdhexyaaca ka muuqda airportka dhexdiisa oo aanad kala garanayn masuuliyiinta meesha ka shaqaysa iyo dadka kale ee dhextaagan, iyo nidaam xumida halkaas ka muuqata oo ay ka mid tahay iyadii oo nin dad badan dhextaagan oo wax ala wuxuu yahay aanad garanayn banaanka airportka ee diyaarada u dhow uu dadka kaga ururinayo baasaaboorada oo xataa aad ka shakiyaysidba inaad u dhiibto nin meel cidla ah iska taagan, arintan waxaan u arkaa arin wax laga qaban karo oo ah in masuulku xafiis fadhiisto oo dadka diyaarada ka soo degayaa ay xafiiskaas tagaan oo baasaaboorka dhigaan.

Markii aan u kuurgalay sababta baasaaboorada dadka looga qaadayo waxa la ii sheegay in la rabo in qofku uu bixiyo cashuurta soo gelida dalka oo ah $10.00 oo doolar ahaan lagu bixiyo, iyo $30 Doolar oo ah inaad qasab kaga sarifatid Baanka Airportka oo aad u dayac la una ekeyn meel meteli karta muuqaalka guud ee dalka marka ugu horeeyasa ee dalka aad soo gasho

Hadaba waxa cajiib noqay iyadii oo qiimaha lagag sarifayao $30 Doolar ee qasabka ah uu yahay mid aad uga hooseeya ama aan kuba dhowaan karin qiimaha doolarku ka taagan yahay suuqa, oo uu laguugu sarifayo 3000 halka uu suuqa ka taagan yahay 7800 oo Somaliland ah.

Xafiiska lacagta laga sarifto iyo xafiiska cashuurta lagu qaado ee baasaaboorka laga qaato oo ah laba daaqadood oo isku xiga ayaa ah meel beranda ah oo anaan habayaraatee dhismahii qurxoonaan jiray ee airportka ahyn isla markaasna anaan gelinba halkaas ee berandaha aan dibada uga sii baxanay. Hadaba iyadii oo cashuurtaas intaas leeg soo gelayso madaarka dheertahayna khidmada laga qaado diyaaradaha sida xad dhaafka ah ugu soo degaya madaarka ayaa hadan waxa kaa yaabinaysay dayactir la,aanta weyn ee ka muuqda madaarka iyo wadada weyn ee ka timaada ee soo aada magaalada.

Gaar ahaan wadadan oo ah wadada ay soo maraan weftiyada heerka sare ah ee ka yimaada duninda dacaladeed waxa ay ku dhalinaysaa figrad ka duwan tay ka haysteen somaliland, sababtoo ah madaarku waa muraayada dalka oo dhan. Sidoo kale waa madaarka uu madaxweyanahu ka dhoofo kana soo dego, markaa waxa haboonayd in wadaadaasi ka dhex muuqato somaliland. Guud ahaan bilicda magaalada Hargeysa aad ayay u quruxoon tahay waxaad arkaysaa dhismayaal casri ah, tukaano casri ah oo wax walba haya aadna uga jaban duninda kale, waxaad arkaysaa baabuur aad u tiro badan oo nooc walaba leh, hase yeeshee waxa intaas oo dhanba isku fuuqsaday oo bilicdii magaalada la hadhay wado xumida iyo burburkii wadooyinka gaadhay 88kii oo halkoodii ah wax badana laga qaban, boodhka ka dhex kacayna aan ku tilmaamay Kaabul(afgaanistaan).

Magaaladu aad ayay u camiran tahay wakhtigan xaadirka ah oo ay ku sugan yahiin dadkii somaliland ee qurbo jooga ahaa.

Waxyaabaha kale ee iga yaabiyey waxa ka mid ah wakhtiga qadada iyo Baar Xaraf oo aad moodo in duco lagu samayno wax halkaas dad iyo baabuur is weeydaaranay oo cuntadu markiiba ay ka dhamaato, markii aan u guur galay waxan oo dadi maxay ahaayeen gaar ahaan odayaal waxa la ii sheegay in ay u badan yahiin masuuliyiinta dowlada iyo inta shaxaadaysa.

Hadal iyo dhamaan waxaan ku soo gunaanadayaa shacbigu way dadaaleen wax badana way qabteen se waxa gaabis ah Xukuumad oo loo baahan yahay in ay xil weyn iska saarto sidii loo dhisi lahaa wadooyinka magaalada dhex mara bal qiyaasoo waxaas oo baabuura intooda badani waxa ay bixiyaan lacagta loo yaqaan wado marida, Waxaan dhowaan idiin soo gudbin doonaa warbixino ku saabsan dhakhtarka Hargeysa, Jeelka iyo Booliska oo ii qorshaysan inaan soo booqdo.

Guled Cabdi - Sdwo Hargeysa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE