Hargaysa
(SDWO)- Markii ugu horeysay ee aan ka soo degay Cigaal International Airport
ee magaalada Hargeysa waxay ahayd Aroor hore, 28kii July 2003, Marka u
horeeysa ee ay diyaaradu soo degayso ee aad sheeda ka dheehato muqaalka guud
ee hargeysa waxa aad arkaysaa inay tahay magaalo aad u fiday oo aad u weyn,
qurux iyo bilic badanina ka muuqato.
Markii aan diyaarada ka soo degnay waxyaabaha aadka iigu yaabka badnaa waxa
ka mid ahaa maamul xumada iyo isdhexyaaca ka muuqda airportka dhexdiisa oo
aanad kala garanayn masuuliyiinta meesha ka shaqaysa iyo dadka kale ee
dhextaagan, iyo nidaam xumida halkaas ka muuqata oo ay ka mid tahay iyadii oo
nin dad badan dhextaagan oo wax ala wuxuu yahay aanad garanayn banaanka
airportka ee diyaarada u dhow uu dadka kaga ururinayo baasaaboorada oo xataa
aad ka shakiyaysidba inaad u dhiibto nin meel cidla ah iska taagan, arintan
waxaan u arkaa arin wax laga qaban karo oo ah in masuulku xafiis fadhiisto oo
dadka diyaarada ka soo degayaa ay xafiiskaas tagaan oo baasaaboorka dhigaan.
Markii aan u kuurgalay sababta baasaaboorada dadka looga qaadayo waxa la ii
sheegay in la rabo in qofku uu bixiyo cashuurta soo gelida dalka oo ah $10.00
oo doolar ahaan lagu bixiyo, iyo $30 Doolar oo ah inaad qasab kaga sarifatid
Baanka Airportka oo aad u dayac la una ekeyn meel meteli karta muuqaalka guud
ee dalka marka ugu horeeyasa ee dalka aad soo gasho
Hadaba waxa cajiib noqay iyadii oo qiimaha lagag sarifayao $30 Doolar ee
qasabka ah uu yahay mid aad uga hooseeya ama aan kuba dhowaan karin qiimaha
doolarku ka taagan yahay suuqa, oo uu laguugu sarifayo 3000 halka uu suuqa ka
taagan yahay 7800 oo Somaliland ah.
Xafiiska lacagta laga sarifto iyo xafiiska cashuurta lagu qaado ee
baasaaboorka laga qaato oo ah laba daaqadood oo isku xiga ayaa ah meel beranda
ah oo anaan habayaraatee dhismahii qurxoonaan jiray ee airportka ahyn isla
markaasna anaan gelinba halkaas ee berandaha aan dibada uga sii baxanay.
Hadaba iyadii oo cashuurtaas intaas leeg soo gelayso madaarka dheertahayna
khidmada laga qaado diyaaradaha sida xad dhaafka ah ugu soo degaya madaarka
ayaa hadan waxa kaa yaabinaysay dayactir la,aanta weyn ee ka muuqda madaarka
iyo wadada weyn ee ka timaada ee soo aada magaalada.
Gaar ahaan wadadan oo ah wadada ay soo maraan weftiyada heerka sare ah ee
ka yimaada duninda dacaladeed waxa ay ku dhalinaysaa figrad ka duwan tay ka
haysteen somaliland, sababtoo ah madaarku waa muraayada dalka oo dhan. Sidoo
kale waa madaarka uu madaxweyanahu ka dhoofo kana soo dego, markaa waxa
haboonayd in wadaadaasi ka dhex muuqato somaliland. Guud ahaan bilicda
magaalada Hargeysa aad ayay u quruxoon tahay waxaad arkaysaa dhismayaal casri
ah, tukaano casri ah oo wax walba haya aadna uga jaban duninda kale, waxaad
arkaysaa baabuur aad u tiro badan oo nooc walaba leh, hase yeeshee waxa intaas
oo dhanba isku fuuqsaday oo bilicdii magaalada la hadhay wado xumida iyo
burburkii wadooyinka gaadhay 88kii oo halkoodii ah wax badana laga qaban,
boodhka ka dhex kacayna aan ku tilmaamay Kaabul(afgaanistaan).
Magaaladu aad ayay u camiran tahay wakhtigan xaadirka ah oo ay ku sugan
yahiin dadkii somaliland ee qurbo jooga ahaa.
Waxyaabaha kale ee iga yaabiyey waxa ka mid ah wakhtiga qadada iyo Baar
Xaraf oo aad moodo in duco lagu samayno wax halkaas dad iyo baabuur is
weeydaaranay oo cuntadu markiiba ay ka dhamaato, markii aan u guur galay waxan
oo dadi maxay ahaayeen gaar ahaan odayaal waxa la ii sheegay in ay u badan
yahiin masuuliyiinta dowlada iyo inta shaxaadaysa.
Hadal iyo dhamaan waxaan ku soo gunaanadayaa shacbigu way dadaaleen wax
badana way qabteen se waxa gaabis ah Xukuumad oo loo baahan yahay in ay xil
weyn iska saarto sidii loo dhisi lahaa wadooyinka magaalada dhex mara bal
qiyaasoo waxaas oo baabuura intooda badani waxa ay bixiyaan lacagta loo yaqaan
wado marida, Waxaan dhowaan idiin soo gudbin doonaa warbixino ku saabsan
dhakhtarka Hargeysa, Jeelka iyo Booliska oo ii qorshaysan inaan soo booqdo.
Guled Cabdi - Sdwo Hargeysa