SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Warbixin dheer oo ku saabsan Magaalada Hargeysa 

Somaliland Democracy Watch (SDWO) -  Guud ahaan Magaalada Hargeysa waxa ka muuqata fiditaan iyo horumar aad u weyn, hadii ay noqon lahayd dhismayaasha casriga ah, Huteelo kuwo hurdo iyo cuntaba, Tukaano, Iskuulada gaarka loo leeyahay iyo Baabuurta oo nooc walba iskugu jirta. 

Horumarka intaas leeg waxa wadanka gaadhsiiyay dadka shacbiga ah oo wadankooda aaminay maalgelina ku samaystay dalkooda hooyo, mobile, internet iyo telephonada caadiga ah ayaa dadku ka haqab baxeen, waxa mid aan la iloobi Karin ah guryaha quruxda badan ee magaalada daafaheega hadheeyay, taasi oo aad odhan karto Hargeysa waxa ku biiray intii ay ahayd sedex laabkeed. 

Xaga Horumarka laga filayey xukuumada waxa ka muuqda gaabis aad u weyn ama dibu dhac balaadhan oo ka jira xaga tayada maamulka guud. 

Wadooyinka Magaalada:  Runtii lama  odhan karo wadooyin baa jira magaalada gudaheega, waxa laga qabtayna aad ayay u yartahay, hadii laga qabtana sida ta airportka oo aad arkayso meelo la yara nababay marka uu roobku da,ana sidoodii hore ku noqonaya,  tani waxa ay dadku u arkaan in dhaqaale la,aan ay tahay, se runtii hadii xukuumadu iska xil saarto wax weyn bay ka qaban kari lahayd, se waxa ay u egtahay in la sugayo caawimo dibada ka timaada, baabuurta  80% waxa laga qaada lacagta wado marida (Road Tax), Markaa dakhliga halkaas ka soo hoydaa inuu ku dhexmilmo khasnada dowlada dhexe may ahayn ee wuxuu ah in dib loogu soo celiyo wadooyinka oo lagu dayactiro, lacagta wado marida macnaheedu waa kiro ay dowladu ka qaado baabuurta si ay u maraan wadooyinka, markaa hadii aan wadaba jirin waa maxay sababta baabuurta looga qaado wado marida waa su,aal u baahan in la is waydiiyo. Dad badan oo baabuur ku dhexwata Hargeysa ayaan weeydiiyay qof ka jawaabi kara maan arag sababta loo bixiyo wada marida, markaad u sharaxdo ee aad ku tidhaa dhulkan aad marayso ayay dowladu kaa kiraysay wadana ma jirtee sidey u dhacday ayaad dareemaysaa fahan la,aanta ka taagan. Waxa wax lalayaabo ah xataa miyaa la samayn kari waayey inta yar ee madaxtooyada horteeda si aanay baabuurtu ugu hakan, halka imika inta ay wadada ka degaan ay madaxtooyada ku dhowaanayaan isla markaasna boodhka iyo siigadu ka kacayso, waxay ilatahay tamar lagu sameeyo lama waayine talo lagu sameeyo ayaa la waayey. Hadii loo soo jeesto waa arin si fudud wax looga qaban karo. 

Biyaha: Waxa ay dadku aad uga cawdaan biyo yarida ka taagan magaalada oo had iyo jeerna maamulka biyahuna eeda saaro qalab yarida wakaalada biyaha haysta, hase yeeshee markii aan u kuur galay ama aan xaafado dhawr ah waraystay waxa la ii sheegay in biyo la,aanta magaalada ka taagan ay sabab u tahay maamul xumi ka dhex jirta wakaalada biyaha, waxaana la ii sheegay in biyahu ka xidhan yahiin meelaha magaalada dhexdooda ah ee biyaha laga kontoroolo oo la ii sheegay in niman wakaalada ka shaqeeya ay xaafadaha hoos ahaan ula heshiiyaan oo lacag ay ka qaadaan deedna biyaha habeenkii loo soo furo, waxaan arkay xaafado uu maareeyaha waakalada biyahu amar ku bixiyey in biyaha loo soo furo, hadana saacad ka dibana markuu meeshii ka tegay niman kale yimaadeen oo biyahii laga xidhay.   Qalab yaraan wakaalada biyaha haysataa ha jirtee hadana waxa dhex socda oo culayska biyo la,aanta sii kordhinaya musuqmaasaqaas shaqaalaha qaar ka mid ahi ku adeeganayaan in wax laga qabtana u baahan, waxaana dhacday in aan la kulmay mudaharaad lagaga cabanayey biyo la,aanta laguna eedeeynayey wakaalada biyaha  oo lagu horsameeyay wakaalada biyaha bishii August bilowgeedii. 

Airport ka: Waxaad aad ula yaabaysayaa waxa shaqo ka socota madaarka Hargeysa iyo waxa diyaarad soo fadhiisanaysa ama sii kacaysa iyo waxa halkaas dad ka sii dhoofaya ama ka soo degaya.  Airportka waxa ka soo baxa dakhli aad u badan hadii si fiican loo maamulana buuxin lahaa baahiyo badan oo dalka ka jira ha ugu horeeyo airportkuye oo aanay jirin kuraas ay dadku ku sugaan intay diyaaradadoodu kacayso, ilaa 20 kursi oo qudha  ayaa  hotelka sharaabka laga cabo yaala, waxaana halkaas halmar ku kulma ugu yaraan 500 oo qof oo sii dhoofaya iyo 200 boqol oo sii dhoofinaya, labaatan kursi inteey ka gaadhi,  waxa mid aad aan ula yaabay ahayd markii aan halkaas ka degay ee aan bixinayey $10 doolar ee cashuurta soo gelida dalka oo aan idhi risiid ama cadayn in aan bixiyey lacagtan ha la i siiyo,  markiiba waxa soo booday laba askari oo ilaalad ahaa oo daaqada lacagta lagu bixinayo taagnaa oo yidhi hadii aanad lacagta bixin waanu ku xidhi, wax rasiid ah oo lagu siinayaana ma jirto, waxaad la yaabaysaa iyadii oo dadka oo kayuu ku jira $10 doolar sidii baska oo kale looga ururinayo oo qofkii tobankaas dhiiba uun baasaaboorkiisa la siinayo.   Waxa kale oo jirta $30 doolar oo ilaa aad sarifato iyana aan baasaaboorka lagu siinayn qiimaha lagu sarifayaana u dhiganta inta lagugu sarifayo suuqa $11.50 oo ah 90 kun oo Somaliland ah, halkaasna waxa iyana khasnada dowlada u soo hoyanaya $18.50 doolar,  markaad ka sii baxaysana waxaad bixinaysaa $10.00 doolar oo kale iyo 6500 oo Somaliland ah.  Marka la isku geeyo lacagta laga qaado qofka sita baasaaboor ajaanib ah sida dadku u badan yahiin waa $38.50 doolar qofkiiba, bal qiyaas inta qof ee dibadaha ka tegay bilihii June ilaa August hadii ay u yaraadaan waa 25 kun oo qof, ka soo qaad in 20 kun oo qof bixiyeen $38.50 qofkiiba ,  waa lacag gaadhaysa $770,000  oo doolar, waa sedexdaas bilood oo keliya,  intaas waxa kuu dheer khidmadaha laga qaado diyaarad wal oo soo fadhiista garoonka. 

Nabadgelyada: Magaalada nabadgelyadeedu aad ayuu u fiicanyahay, run ahaantiina nabadgelyada waxaa doortay oo dhaqangeliyay shacabka oo dareensan macaanka nabadu leeahay,  Boolisku si fiican ayuu u shaqaynayaa wixii tamartiisa ah, inkastoo aan xukuumadu u qalabayn sidii loo baahnaa oo ay aad ugu yaryahiin gadiidka gurmadku, dhawrka ay haystaana waa baabuur duug ah isla markaana aan la dhaqaalayn, taasina waxa ay keentay in aan boolisku awood u helin in ay dhexwareegaan magaalada si ay ula kulmaan hadii wax dhibi dhacdo, meesha ay hada tahay in ay ka soo gurmadaan xarunta boliska ee ugu dhow,  Waxa tusaale kuu noqon kara in hadii uu qof u badheedho wuxuu doono samayn karo sidii nimankii lagu dilay horaantii bishii August xuduntii xukuumada ee dhinac walaba ay kaga soo jeedeen wasaaradahii iyo madaxdooyadiiba, sida wasaarada maaliyada, wasaarada Arimaha gudaha, Madaxtooyada iyo wasaaradahii kale oo dhan. 

Anshaxa Ciidanka Booliska Hargeysa: Ciidanka booliska waxa ka muuqda hab dhaqankooda in ay aad ugu yartahay ama tababar aan laga siin anshaxa guud ee looga baahan yahay inuu la yimaado qofka booliska ahi, hadii aan tusaale u soo qaadno arin aad u fool xun oo ay sameeyeen niman ciidanka booliks ka tirsan oo ahaa 12 nin bishii August 12 keedii,  Waxa ay ahayd wakhti Barqo ah 11kii subaxnimo meel aan kaba dheereen saldhiga booliska weyn, batroolahii la odhan jiray cajab hortiisa, waxa wada socday laba nin oo dhaliyaro ah oo dibada ka yimid, iyagoo wata gaadhi yar,  gaadhiga  waxa ka xumaa kileeshka oo aan saani u soconayn, deedna gaadhiga booliska oo meesha marayey ayaa istaagay oo yidhi waar maxaa idinku dhacay iyo gaadhigaa naga yara xumaaday, mid ka mid ahaa ciidankii booliska ayaa intuu cayay inamadii ku yidhi waar wadada hooyadiin ma lehee saani u socda, taas oo miidhanbaa dibada ka imanaysa inteey hareeraha soo xiirxiirtaan isagoo candhuufna wejiga kaga tufay, deedna way dhaqaaqeen, ka dibna inamadii oo  yaaban ayaa iyaguna ka daba dhaqaaqay, waxay ku gaadheen traffic light ka u dhexeeya madaxtooyada iyo dhakhtarka, iyagoo weeydiinaya waar niman masuula baad tahiina maxaad noo sheegateen ood noo caaydeen candhuuftana noogu tufteen, jawaaba muu soo celine  kii markii horana caytamay ayaa hadana candhuuf indhaha inamadii kaga tufay, , se waxa nasiib daro noqotay iyagoo ciidnka intiisa kale arkayey gardarada saaxiibkood in dhamaantoodba 12 koodiiba  ay hal mar soo degeen oo qoriga dabadiisa la boobeen kuna garaaceen inankii dhulkana ugu tureen, oo weliba kii fidmada dhigay uu inankii oo dhulka jiifa quriga cabaystay oo caloosha kaga qabtay, ka dibna inankii darawelka ahaa ayay gaadhigooda saarteen lana dhaqaaqeen, inankii kale ayaa isna baabuurkii ka daba kaxaystay ilaa la isla galay xeradii taliska guud ee booliksa, isagoo inankii darawelka ahaa isla markiiba la xidhay una sheegeen sarkaalkii halkaas fadhiyey in kii kalana soo socdo, isla markaasna sarkaalku amar ku bixiyey in isna la xidho, Markii uu sidaas u soo galay ee la is yidhi qabta ayaa nasiib wanaag waxay isgarteen nin sarkaal ahaa oo ay isla ahaan jireen ciidamadii SNM, halkaas oo uu isna markiiba u sheegay sarkaalka faluxmadii ay kula kaceen ciidankiisu iyo ku xadgubka muwaadiniinta, taas oo ay raali geliyeen una sheegeen in aan la garaynaynin markii hore, taas oo ka sii xanaajisay inankii dhibanaha ahaa oo yidhi oo qofka miskiinka ah ee aan la garanayn ama aan dacwoon karin ma sidaas baa loo gelyaa loona garaacayaa oo xaquuqdiisa loogu xadgudbayaa, ilaa talayahii ciidanka iyo niman kale oo masuuliyiin ah oo ka tirsan golaha guurtida oo meesha joogay ay noqotay  in ay arinkii dhexgalaan oo ay  raaligelina siiyaan inamadii, waxa se la yaab ahayd markii uu ogaaday nimanka waxan sameeyay in ay ka yimaadeen Berbera oo ay sideen mushahaaradii ciidanka kuna andacoodeen anagoo mushahaaradii sidana ayay nimankani na qashqasheen iyagoo wajalaya kiisna islahaa ku buuxiya ah way na dhacayeen.  Waxa halkaas ka muuqata hadidaada uu boolisku ku hayo shacbiga iyo sida looga baqo oo dadka oo dhami ula yaabanaayeen markii uu ninkaas baabuurka ka daba kaxaystay ee uu ka daba tegayay oo ay lahaayeen waar way ku toogane ha kadaba tegin, waxaana cad in aan dadku u arag booliska saaxiibka dadka sida ku cad astaantooda ee ku qoron booliska hortiisa. 

Xafladaha Aroosyada:  Habeenwalaba waxaad arkaysaa baabuur isdaba socota oo aroos sida, aroosyadu inta badan waxay ka dhacaan Ming sing, Ponarama iyo Ambassador Hotel, Hadaba mida kale ee iga yaabisay waxay noqotay iyadii oo aan Ming sing loo ogoleyn 11 habeenimo wixii kadanbeeya halka xafladii aan ka qayb galay ee lagu qabtay Ambassador ay dhamaatay 1.30 habeenimo, halka xaflad kale oo aan ka qayb galay oo lagu qabtay Mins Sing ay markii ay dhaaftay xiligii loogu talo galay ayaa markii ay sacadu ahayd 11.30 ay ciidanka gurmadka ee boolisku iyagoo xawaare ku socda yimaadeen goobtaas deedna xoog ku soo galeen hoolkii uu aroosku ku socday iyagoo siidhiyo aad u qaylo dheer afuufaya dadkana leh ka baxa meesha, deedna sidaas xafladii orod iyo is dhexyaac lagaga soo dareeray. Halkaas dadbadan ayaa ku soo xoomay ninkii heeganka habeenkaas laahaa oo gaadhiga saarnaa, dadkaas oo  isugu jiray dad ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibadiisaba,  iyagoo weeydiinaya sababta labada hotel midna hore loo xidhayo ka kalana isagu iskii u dhamaanyo ee loogu kala eexanayo. Ninkaas masuulka ah ani laftaydu waa isku dayey bal sababta inuu noo sheego, laakiin wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su,aalahaas badan ee dadkaas xanaaqsanaa ay ku  asqeeyeen. 

Dhaqdhaqaaqa magaalada ee habeenkii. Habeenkii magaalada xiliga aad doonto ayaad socon kartaa hadii aad lugaynaysid, laakiin baabuurta ayaa la joojiyaa laga bilaabo 11ka habeenimo, ilaa hadana qofwal oo aad weeydiisaa xataa askarta ku joojinaysa cid sharaxaad ka bixin karta maan arag sababta loo joojiyo baabuurta, dhawr jeer baan weeydiiyay ciidanka waa maxay waxan horta aad raadisaan, waxay iigu jawaabeen wax dhibi ma jirto, magaalada aad ayaan ugu dhexwareegay baabuur ilaa iyo labada habeenimo, waxaad arkaysaa ama ay ku xasuusinaysaa maamulkii hore ee siyaad bare, oo ah markaad ku soo dhowaato halka ay ciidanku fadhiyaan inaad laydhka hore bakhtiisid ka gudahana daartid, hadii aanad intaa samayn si cadho ah ayay kuu odhanay waar ma magaaladaad ku cusubtahay laydhka hore waa la danshaa ka gudahana waa la daaraaye, deedna intay ay eegaan dadk gudaha saraan marka ay kuu gartaan inaad dibada ka timid, baabuurka kaa dhigi maayaane waxay ku odhanayaan soco laakiin mardanbe ha nagu soo noqone ka seexo magaalada, Ta kale ee dadku hadal hayaan isla markaana  aan arkay ee yaabka leh waxay tahay iyadii oo aanad daanta kale ee magalaada Hargeysa (dunbuluq) aanad ku arkayn wax ciidan ah oo fadhiya goobaha isgosyada jidadka, anagoo ka so dhaqaaqnay ambassador Hotel  oo Airport ka u dhow 2dii habeenimo askarigii noogu horeeyay ee aan argnay waxuu taagnaa Saldhiga weyn ee booliska hortiisa.  Hadaba waxa isweydiin leh nabadgelyo xumida habeenkii jirta ee ay xukuumadu ka baqayso ee aan dadku ilaa hada arag, sidaan u arkayey wax nabadgelyo xumo ah oo baabuurta loo xayiro 11 habeenimo maan arag. 

Hadal iyo dhamaantii dalkan cidna uma maqna ceelna uma qodna.(Dowladna uma maqna)  (Dowlad marka la leeyahay waxa ugu horeeya ee ay tahay inay xil iska saarto waxa ugu muhiimsan, Ilaha bulshada sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, garsoorka iyo  wadooyinka). Isla markaasna aanay kaalmo dibadeed uun sugine ee cashuurta dalka soo gasha wax lagu qabto. 

Waxaan ku soo gebogebeeynayaa waxa loo baahanyahay in dadka dalka gudahiisa ku sugani ay hurdada ka toosaan una soo jeestaan horumarinta dalka iyo waxqabadkiisa lana xisaabtamaan dowlada ee anaay arag oo dhaaf uun kaga gudbin marxaladaha adag ee ay ku suganyahiin,  laguna dhaafin musuqmaasaq baa la hadhay dalka ee waa in ay dadku ka gilgishaan, hanti lungsiga guud ee dalka ka taagan. Lana is weeydiiyaa maxaa qabsoomay, maxaan qabsan karnaa, sideen u qabsan karnaa, maxaa qabsoomi waayey, maxay se u qabsoomi waayeen. 

Somaliland Democracy Watch Organisation  SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE