Wasaaradda Waxbarashada
- Qaybtii Labaad
HORUMARKA
WASAARADDU GAADHAY WAXA INTA BADAN U SABAB AH WASIIRKA OO AGAASIMAHA GUUD UGA
QAADAY FARAHA HAWSHIISII
Waxaan
doonayaa in aad wax ka ogaataan bal qaabka iyo sida loo qaado imtixaanaadka guud
ee dalka ma mid cid kastaaba qaadaa, ma mid Wasaaradda oo dhami wada qaadaa, ma
mid macalimiintu wada samaysaa xafiiska imtixaanaadku waxa uu leeyahay 12 qof oo
shaqaale ah oo reer Somaliland ah oo isugu jira maamul, aqoonyahano, shaqaale
hoose iyo nin khabiir ah oo ajnabi ah.
Haddaba, maadaama ay
daraasadaha aynu ka samaymayna Wasaaraddaha dalka ay ahayd intii u dhaxaysay
2001 – 2005 bal aan eegno tirada ardayda ee imtixaanaadka u fadhiisatay 2001
– 2002.
Sanadkii 2001 – 2002
§
Hargeisa tirada gashay 305 arday, tirada gudubtay 196 arday,
tirada dhacday 95 arday, tirada aan gelin 14 arday.
§
Awdal tirada gashay 145 arday, tirada gudubtay 103 arday,
tirada dhacday 30 arday, tirada aan galin 12 arday.
§
Togdheer tirada gashay waa 10 arday, tirada gudubtay 9 arday,
tirada dhacday 1 arday, ma jirto cid aan galin.
Sanadkii 2002 – 2003
§
Hargeisa tirada gashay 684 arday, tirada gudubtay 402 arday,
tirada dhacday 175 arday, tirada aan galin 107.
§
Awdal tirada gashay 177 arday, tirada gudubtay 144 arday,
tirada dhacday 20 arday, tirada aan galin 13 arday.
§
Saaxil tirada gashay 36 arday, tirada gudub 33 arday, tirada
dhacday 2 arday, tirada aan galin 1 arday.
§
Togdheer tirada gashay 53 arday, tirada gudubtay 40 arday,
tirada dhacday 11 arday, tirada aan galin 2 arday.
§
Sanaag tirada gashay 39 arday, tirada gudubtay 32 arday, tirada
dhacday 6 arday, tirada aan galin 1 arday.
Haddaan
soo koobno ardayda u fadhiisatay imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka sanad
dugsiyeedyadii 2001 – 2004:
§
Hargeisa tirada gashay 1641 arday, tirada gudubtay 1175 arday
§
Awdal tirada gashay 532 arday, tirada gudubtay 450 arday
§
Saaxil tirada gashay 101 arday, tirada gudubtay 79 arday
§
Togdheer tirada gashay 120 arday, tirada gudubtay 106 arday
§
Sanaag tirada gashay 103 arday, tirada gudubtay 94 arday
§
Isu gaynta guud waxa galay 2497 arday waxa gudbay 1874 arday
Deeq
Waxbarasho oo Wasaaraddu bixisay
2001
– 2002
25 arday waxay tageen Masar
2002 – 2003 10 arday
waxay tageen
Ethiopia
waxaanay soo baranayaan engineering
2002
– 2003 3 arday waxay tageen
Ethiopia
waxaanay soo baranayaan reserve
2003
– 2004 12 arday waxay tageen
Sudan
waxaanay soo baranyaan different faculties
2003
– 2004 15 arday waxay tageen
Kenya
waxaanay soo baranayaan different faculties
2004
– 2005 50 arday waxay tageen
Ethiopia
waxaanay soo baranayaan different faculties
isugaynta
guud ee Wasaaradda Waxbarashadu deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah waxay
dhan tahay 115 arday oo aanay ku jirin 30 arday ee inooga soo baxaya dugsiga
Sheekh ee Xanaanada Xoolaha.
Haddaba
iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxa baryihii hore Wasaaraddu mid in badan lagu
canaanan jiray fadhiidnimo, tahli waa, manhaj la’aan, macalimiinta oo gaabis
ah, dugsiyo la’aan waxase ilaahay mahadii ah maanta inta badan dalkeena
Somaliland gobol, Degmo, Tuulo kasta waxa ku yaala dugsi haba yaraadee, mudadan
danbe oo ay Wasaaraddu aad u shaqaysay waxa aad ugu amaanan oo shaqadii
Wasaaradda ee ay hayaduhu hayeen ka soo wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Waxbarashada oo ah nin runtii fur-furan mutacalin ah ku qancinaya waayo mudadii
aan ku jiray baadhitaankan waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ii fududeeyay inaan
helo xogtaa intaa leeg waxa kale oon ku xusayaa Gudoomiyaha Gudiga Imtixaanaadka
Daa’uud Axmed Faarax.
Khaladaadka
Wasaaradda Waxbarashada:
Aan u soo noqono dhinaca kale iyo
dhaliisha Wasaaradda
1.
Waxa xaaraan ah iyada oo ay xukuumaddu bixiso mushaharo siisana
macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee Wasaaradda in la yidhaahdo ama dib wax loo
waydiiyo waalidiinta ardayda iyaga oo bixiya cashuurta ku waajibtay iyo iyada oo
xukuumaddu awoodi karta inay u kordhiso mushaharka macalimiinta.
2.
Tayo xumada ardayda ka soo baxda iskuuulaadka dawliga ah waxa u
sabab ah macalinkooda oo aanay kala xishoon haddii aad booqato iskuulaadka
qaarkood waxaad arkaysaa arday iyo macalimiinta oo meel sigaarka ku wada cabaya.
3.
C/casiis Maxamed waa wiil dhigta dugsi ka mid ah dugsiyada sare ee
magaalada Hargeisa waxaan waydiiyay goor ay tahay tobankii subaxnimo waxa uu ka
qabanayo banaanka wadada dheer ee magaalada Hargeisa wuxuu ku labisan yahay
surwaal madow iyo shaadh caar-caar leh balse anigu waxaan ogahay inuu yahay
arday dhigta iskuulka dawliga ah wuxuu igu yidhi ma lihin cid na kaantaroosha
waxaan ku jiraa fasalkii saddexdaad maalintiina waxaanu qaadanaa laba xiisadood
haddiiba ay noo suuro gasho waxa dhacda in la iskugu kaaya yeedho oo saddexda
kalaas ee uu ka kooban yahay galaasyada saddexaad ay buuxin waayaan hal fasal
isagoo ardaygu hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu igu yidhi ma jirto wax ciqaab ah
oo nala saaro haddaanu habsaano haddaanu maqnaano, haddaanu dagaalano iyo haddii
waxkastaaba dhacaan. Ma rumaysanin wiilka balse waxaan tagay iskuulkii uu ka
tirsanaa oo markaa wax yar ii jiray ardayda iskuulka joogta afar marka loo
qaybiyo saddex waa bilaa dirays waxay timaha u goosteen nin waliba sidii uu
doono habluhuna waxay u labisan yihiin midiba sidii ay jeclaatay ma jirto cid
layaabaysaa mana jirto qof ku qasbi kara meeyay dirayskaagii taasoo markaan u
sii fiirsaday ay tahay sababtu macalimiinta oo aan ahayn qaar tayo wanaagsan ama
ka baqanahayn oon ka habranayn maamulkooda ka danbeeya.
4.
Mid ka mida macalimiinta oo aan wax waydiiyay isagoo aan igaranayn
iina arkayay wiil dhalinyaro ah oo ka shaahanaya maqaaxida dugsiga ku hortaala
ayaanu iska sheekaysanay waxaanuu igu yidhi waar meesha 15.000 (shan iyo tobanka
kun) ayuunbaanu ku qaadanaa cid na daba gashaan ma jirto kormeeraha yimaadaana
isagaaba ka wahsanaya intuu iman lahaa Dugsiga markaa ma jirto cid nagu daba
gasha iyaga dugsiyada hoose iyo dhexe waa baaba’ ma fahamto caruurtu waxa loo
dhigo macalimiintuna iskuma taxaluujiyaan ardaydaasi waxay intooda badan haddana
ku baasaan heerar aad u sareeya waxa halkaa kaaga muuqata in Waxbarashada
ardaydu ee dugsiyada hoose dhexe sare ay tahay mid aan gaadhin halkii la rabay.
Haddaba
sidaasoy
tahay haddana sanad walba ardayda gasha kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad,
afraad, shanaad waxay ka soo baxaan dugsiyada ay Xukuumaddu gacanta ku hayso ma
jirto dhibaato kale ee waxay u baahan tahay in macalimiinta loo kordhiyo
mushaharada in la adkeeyo, tayeeyo, la dhaqan galiyo Siyaasada Waxbarasho ee ku
aadan dugsiyada hoose dhexe sare ee dalka.
Talo
soo jeedin
§
Wasiirka: Wasiir waxaad moodaa in maamuleyaasha iskuulada
qaarkood isku qaateen ama isu haystaan inay iyagu leeyihin dugsiga oo siday
doonaan ka yeelaan,
§
Wasiir, waxaad arkaysaa ama tagaysaa tuulo uu ka dhisan yahay
dugsi aad u quruxbadan balse macalimiintii aanay joogin markaad u kuur gashana
waxa la leeyahay waxaan ku filnayn mushahaarada ay Wasaaraddu bixiso markaa ma
waxaynu u sahalnaa dalka in ay abuurmaan dabaqado Waxbarasho oo kala sareeya oo
inanka tuulada joogaa aanu waligiiba waxba baran waxaan talo ku soo jeedinayaa
in aad magacawdo marka hore Gudoomiyeyaasha Gobolada ee waxbarashada oo intooda
badani ku raageen meesha una baahan yihiin cid cusub isla markaana qolada cusub
waa in la faraa sidii loo gayn lahaa macalimiin tayo leh tuulooyinka dalka.
§
Wasiir waxa dalka ka furan iskuulo aanad war u haynin manhajka
lagu baro ardayda yar-yar ee soo koraysa taasoo ah masuuliyada ugu balaadhan ee
ku saaran adiga iyo maamulkaaga xaafad kasta waxa ku yaala dugsi sare, mid dhexe
iyo madarasad waxaa laga yaabaa intaba nin kaliya ayaa wada leh kasii darane
macalimiinta wax ka dhigaa waa macalimiintii iskuulaadka dawliga ah wax ka dhigi
lahayd oo helay lacag ka badan ta ay xukuumaddu siiso waxaan kuu soo jeedinayaa
adiga iyo maamulkaagaba iskuulaadka gaarka ah in kor loo qaado lasoo dhaweeyo,
wax la taro laakiin qolyaha aan kor ku xusay oo kolay idinkuba aad ogtihiin waa
inaad sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabataa.
guunyare@hotmail.com