SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Warbixinahii Taxanaha ahaa ee Wasaaradaha Dalka

Wasaarada Arimaha Qoyska

 

Madaxweyne waa inaad u amartaa hayadaha dalka jooga sidii ay u gacan siin lahaayeen Wasaaradda Qoyska  

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

USEFUL LINKS  World Cup 2006    Daily Health Advice  Khat Report  Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime             The Mad Mullah who shamed us in Somaliland  

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

24/04/06

2004: 447,556,000 oo u dhigmaysay 0.30% Miisaaniyaddii guud ee dalka
 
Wasaaraddani oo ah Wasaaraddii ugu danbaysay ee lagu daro wasaaraddaha waxa lagu yagleelay dhismaha cusbitaalka Edna waxaanay ahayd wasiirkii ugu horeeyay ee qabtay jagadan muddo aad u dheer, dood iyo falanqayn xoog ah, gor-gortan iyo dood kulul dabadeed waxay dumarku soo bandhigeen sidii ay u heli lahaayeen Wasaarad ama uga qayb gali lahaayeen maamulka wakhtigan jira, Wasaaraddani may ahayn mid hore u jirtay ama aynu naqaanay balse waa mid ay leeyihiin inta badan wadamada caalamku, wasaaraddu waxay leedahay Wasiir, Agaasime Guud, Saddex Agaasime Waaxeed oo kala ah:
 
1.     Agaasimaha Waaxda Qoyska
2.     Agaasimaha Waaxda Bulshada
3.     Agaasimaha Waaxda Maamulka
 
Tirada guud ee shaqaaluhu waa 16 qof waxay xafiisyo uga furan yihiin magaalada Hargeisa iyo magaalada Ceerigaabo afarta gobol ee kale uma joogo shaqaale sidaasoy tahay hawshan ay qabato Wasaaraddani ayaa ah mid ay meelo badan iska soo galaan wasaaraddo kale sida Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada, Macdanta & Biyaha, kuwaasoy isugu yimaadaan hawlaha adeeg ee Wasaaraddugu wada qabanayaan, Wasaaraddani hawsha ugu weyn ee ay qabato waxaa ka mid ah, maadaama ay tahay Wasaaradda qoyska in ay tixgelin gaar ah siiso hooyada tusaale ahaan waxay dhiiri gelisaa ururada haweenka, waxa kale oo ay la qabataa sidii ay u samaysan lahaayeen dalad, waxa kale oo ay wasaaraddani aad ula shaqaysaa curyaamiinta ama dadka naafada ah, waxa kale oo ay qabataa ama hadeer ku talo jirtaa inay u qabato looyaro (Qareeno) u dooda hooyooyinka dulman, waxa ay ku dabo jiraan ama ay joogteeyaan, taakuleeyaan, ilaaliyaan xuquuqda guud ee haweenka & caruurta tusaale ahaan waxay soo samaysay daraasad ay ka soo qaadeen maxkamada degmada Hargeysa xog ururin ay ka Heleen Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Sh. Ismaaciil Maxamed Ibraahin oo u sheegay in sannadkii dhamaaday ee 2004ta tirada guud ee is guursatay ay ahayd 340 qoys tirada guud ee furniinka oo iyadna dhamayd 220 qoys, halka sannadkii 2005ta tirada guud ee qoysaska is guursaday ay ahaayeen 285 qoys furniinkuna uu ahaa 117 qoys. Daraasada wasaaraddani samaysay oo inta badan ay dhaliisha ku saarayeen dhawr arrimood oo kala ah:-
 
1.     Masuuliyad darro ka timid raga oon daryeelin qoyska sida Illaahay xilka ugu dhiibay, kadib marka hooyada iyo caruurtuba dayacmaan qoyskii halkaa ku burburo.
2.     Dhaqaale darro aad u daran oo haysata dadkeena oo iyaduna runtii qayb wayn ka qaadatay burburka qoyska
3.     Shaqo la’aan ka jirta wadanka oo saamayn ku yeelatay burburka qoyska kadib marka aabihii waayo meel uu ka soo helo quutal daruurigii.
4.     Iyo arrinta ugu daran oo ah marka la kala tago oo dhibaatadu kaga sii balaadhato hooyada iyo caruurta, waayo dhaqaalaha lagu xukumo aabaha oon dabooli karin nolol maalmoodkooga taasina waxa ay sababtaa in caruurtu dhaqaale darro dartood iskuulkii dhigan kari waayaan waayo hooyadu ma awoodo inay u iibiso buugii, qalinkii, dirayskii amaba inay siiso oo ay ka bixiso lacagtii uu ku dhiganayay iskuulka, xaga kale waxay iyaduna asiibta xaalad caafimaad darro oo caruurta aabahood iyo hooyadood kala tagaan, waxa u joogto ah ama ku soo noqda xanuuno qayrkood ka mid ah kala taga hooyada iyo aabaha oo inta badan ay dhibaato ka soo gaadho ubadka ayaa iyadu ah ta ugu mushkilada badan, caruurtaasi waxay intooda badani noqdaan qaar si habqan ah isaga soo gala suuqa dabadeetana isticmaalah cabitaanka xabagta, baalashka, tuugonimada iyo dhaca taasoo qoyska ku keenta haddaba waxa dalka jooga hayado faro badan oo ku shaqo leh daryeelka hooyada iyo caruurta sida hayada UNICEF iyo SCF ALIENS kuwaasoo runtii aad moodo in aanay wax badan ka qabanin xaalada foosha xun leh ee ka timaada qoysaska burbura inta badan hayadahaasi dalka joogaa waxay ku hawlan yihiin ama ay kharashka ku lumiyaan waxyaabo yar-yar oo haddii xaga kale loo bedeli lahaa wax weyn u tari lahaa hooyada iyo ilmahaba.
 
 
Wasaaraddu waxay inta badan kala shaqaysaaa hayada UNICEF maalinta 8 March oo ahayd ololihii kor u qaadista naas nuujinta xaga kalena waxay la xidhiidhaa hayda UNESCO oo ay wada fuliyeen manhaj loogu talo galay caruurta aan nasiibka u helin inay waxbarasho toos ah helaan, waxa waxaas oo dhan suuro geliyay xidhiidh wanaagsan oo dhex maray Wasaaradda Waxbarashada oo uu joogo Wasiir aad u wanaagsan ahna nin waxgarad ah ayaa u fududeeyay in Wasaaradda qosku qabato hawlo badan oo Wasaaradda Waxbarashadu qaba jirtay, waxa Wasiirka Waxbarashadu uu u amray dhamaan saraakiisha Wasaaraddiisa inay ku gacan siiyaan waxqabadka Wasaaradda Qoyska ee dhinaca waxbarashada tooska ah iyo ta dadbanba si kor loogu qaado tayada haweenka ka soo baxay iskuulaadka kala duwan dalka.
 
Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka waxay kala dhaqaysaa ka hortaga aafada HIV/AIDS-ka.
 
Haddaba, Wasaaraddani kuma koobna oo kali ah Waxbarashada balse waxay ku dedaashaa sidii ay haweenka u gaadhsiin lahayd ama ula tartansiin lahayd raga tusaale ahaan waxay bishii May ee sanadkii 2005ta ku qabteen doodo aqoon is weydaarsi magaalo madaxyada Gobolada Togdheer, Sool, Sanaag halka ay isla bishaa May wixii ka danbeeyay ku qabteen Gobolada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa.
 
Wasaaradda qoysku waxay la shaqaysaa Dawlada Hoose ee Hargeysa oo waxay ka mid tahay gudi qaybiya guryo loogu talo galay dad kasoo noqday qoxoontiyada kuwaasoo dhan 340 Guri oo ay ugu deeqday Dawlada Japan.
 
Xaga kale Wasaaraddani waxay si tabarucaad ah u waydiisay Hayada NRC (Norwegien Refugee Council) barnaamij aad u balaadhan oo tiro koobid ah laguna diiwaan geliyay 3295 qoys oo ka kooban 21960 ruux oo u badan caruur dan yar ah isla markaa NRC waxay bilawday in ay dhisto 20 guri oo tijaabo ah kadibna 130 guro ay dhamaystirto inta ka hadhay sannadka.
 
Waxa kale oo ay Wasaaraddani ula tagtay Hayada UNICEF mashruuc fayodhawrka iyo nabaadguurka kaasoy ka sameeyeen meelaha ay ka midka yihiin Laase dacawo, Madheera, Idhanka iyo Ceel-la-helay.
 
Haddaba, iyadoo ay sidaa tahay hayadaha wadanka jooga ee ay ugu horeyso UNICEF ayaa iyagu ah qaar aan marnaba sida wax looga rabo u fuliyo waxa dhacda in daawada caruurteenu u baahan tahay ay ku dhacaan bakhaarada UNICEF arrintaas oon dhawr jeer oo horena uga hadlay maan garan sababta ay ilaa iyo hada Xukuumadu wax uga qaban la’dahay.
 
Talo soo jeedin
 
Baarlamaanka: Wasaaraddani waa Wasaarad runtii dedaalaysa qaabka ay u shaqaysaana ka duwan tahay qaabka ay u shaqeeyaan Wasaaraddaha dalkeena waxa ka shaqeeya dhalinyaro aqoonyahano ah waxayna u baahan yihiin dhirigelin Maaliyadeed, aqooneed iyo in aad Xukuumada ku qasabtaan in loo kordhiyo Miisaaniyadda sidoo kalena Gudiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiiladdu waa in ay u yeedhaan hayadaha ku shaqada leh Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha waayo maanta marka sanadku dhamaado ayuunbaa dhawr siminaar la qabtaa cid la xisaabtantaana ma jirto.
Madaxweynaha: Mudane waad ku mahadsan tahay in aad Wasaaraddan ku soo kordhiso Wasaaraddaha Dalka waana fikrad adiga kaa timid xaqiiqdiina lagugu aamanayo nasiib darro Miisaaniyadda aad siisaa ma goyso shiidaalka gaadhigooda waxa kale oo iyana jirta way fiican tahay in dumarka la siiyo xilal laakiin waxaan kugula talinayaa inaad kala bedesho Agaasimaha Guud iyo Wasiirka oo labaduba haween ah taasi waxay sahli doontaa in ay si haboon u gutaan waajibaadkooda qaran may jirin markii hore shaqo u gooni ah oo qaranka uga banaanayd haddana imika waxaad moodaa inay cidhiidhsadeen oo ay wax la soo baxeen waxaanan kugu dhiiri gelinayaa inaad ku taageerto wixii hawl ah ee ay kuula yimaadaan, inaad u kordhiso shaqaalaha inaanay noqon Wasaaraddu meel haweenka u gaar ah balse ay ka wada shaqeeyaan rag iyo haweenba.
 

Qalinkii Cabdiraxmaan Guun

guunyare@hotmail.com

 Usefull link: short sleepers are in risk for Diabetes  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE