Xukuumada
waxaan kula talinaynaa in ay aqoonsato qodobka 43aad ee dastuurka ee xaquuqda
muwaadinka xoriyada laga qaaday.
(Somaliland Democracy
Watch - SDWO – London) Press Release 16th July 2003:
Maanta Somaliland waxa ay maraysaa meel aad loogu farxo oo indhaha
caalamka oo dhan soo jiidatay sida dimoqraadiyada ah ee ay
labadii doorasho iyo
codayntii dastuurkuba uga dhaceen dalka, inkastoo cabashooyin badani jireen
hadana waa wax Illaahay loogu mahadnaqaa.
Hadaba waxa haboon in
laga digtoonado xukuumada Somaliland na aan xasuusinaynaa in sidaas aan
aduunka u sheegayno ee dimoqraadiyada ah aan dalka gudahiisana kaga dhaqano,
sida xaquuqda muwaadinka oo dhacda in inta badan aad moodo in meel la iska
dhigay ama dastuurka ay ugu jirto sawir ahaan ee aan xukuumadu haba yaraatee
qodobkaas tixgelinin, in badana dhacda in si badheedh ah xukuumadu ugu
xadgudubto xuquuqda muwaadinka.
Dastuurka Somaliland
ayaa dhigaya qodobkiisa
43 aad ee xuquuqda qofka xoriyada laga qaaday, xubintiisa 2 aad oo odhanaysa (Qofka
xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u
leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood; laga
bilaabo marka la qabtay). Hadaba
waxa isweydiin leh qodobkan maxaa dastuurka loogu daray hadii aan lagu
dhaqmayn.
Hadii
aan tusaale u soo qaadano waxa jirta dad badan oo mudo gaaban iyo mudo dheerba
xidhnaada iyadii oo aan maxkamad la horgeyn.
Sida hada tii ugu danbaysay ee dhalinyaradii
loo xidh-xidhay rabshadii galbeedka Hargeysa ka dhacday 19ka May
ilaa hadana intooda badani
ay weli xidhanyahiin iyadii oo aan wax maxkamada la horgeyn,
SDWO marwalba wuu ka soo horjeedaa cid alla cidii nabadgelyada iyo
hurmarka dalka khalkhal geninaysa isla markaasna
waan ka soo horjeednaa in lagu xadgudbo xaquuqda muwaadinka iyo
dastuurkii loo codeeyayba. Waxa
xukuumada ku waajiba in si
degdega nimankaas dhalinyarada ah ee mudada aan
dastuurku ogeleyn xidhnaa maxkamad la horkeeno denbiga lagu
eedeeynayaana noqdo laba mid uun, mid
ku cadaada deedna si sharciya loo xukumo ama noqda mid aan ku cadaan oo
xoriyadoodii si degdeg ah loogu soo celiyo.
Labadaas qodob wixii dhaafsiisani waa xadgudb badheedha ah kana soo
horjeeda dastuurka Somaliland iyo xaquuqal iinsaankaba.
Xukuumada
waxaan xasuusinaynaa in ay u dhisantahay Ilaalinta Dastuurka dalka ku
dhaqankiisna hirgeliso iyada lafteeduna iskaga biloowdo ku dhaqankiisa.
Dastuurka sidii loogu codeeyay waa in loogu wada dhaqmaa ee aan
qodobadiisa badhna la qaadan badhna laga tegin. Dastuurku waa hagaha u
dhaxeeya Xukuumada iyo shacbiga, la,aantiisna bulsho waxba uma hagaagaan.
Guled
Cabdi – Gudoomiyaha ururka SDWO
Mukhtar
Axmed – Gudoomiye ku xigeenka SDWO
Axmed
Maxmed – Afhayeenka SDWO
Long
Live Somaliland