Thursday, September 16th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Munaasibad Aas Ka Sheegay In Tacadiyada RRU-du Aanay Soo Noq-noqdeen Haddaanu Madaxwayne Siilaanyo Raali Ka Ahayn

Published on August 25, 2015 by   ·   No Comments

Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa dad ka hadlay munaasibad shalay lagu qabtay deegaanka Biyo-Shiinaha oo dib loogu aasayey lafihii dad ay dawladii Siyaad Barre ku xasuuqday Waqooyiga magaaladda Hargeysa sanadkii 1988-kii, ayaa waxa uu sheegay in tacadiyada iyo dilalka sharci-darada ah ee ay ciidamadda RRU-du u gaysanayaan dadka rayidka ah een hubaysnayn aanay soo noqnoqdeen haddii aanu Madaxwayne Siilaanyo ciidankaas raali kaga ahayn falalkaasi.

rru3

Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Dadkii reer Somaliland ee xasuuqa aynu ogayn soo maray ma gayaan maanta in iyagoon hubaysnayn askari qori sitaa aayar madaxa ka toogto. Bilayska aynu maanta haysanaa maaha kii aynu u dhisanay inuu xafido nabad-galyadeena iyo kala danbaynteena ee waa mid u shaqeeya cida xukanka haysa. Xad-gudubyada ay RRU-du u gaysato shicibka may soo noqnoqdeen haddii aanu Madaxwayne Siilaanyo raali ka ahayn. Waayo waxaynu arki lahayn isagoo mar uun ka dhiidhiyey muwaadin ay sharci-daro ku dileen oo dalbaday in cidii falkaasi gaysatay maxkamad sharci ah lasoo taago. Ilaa intaynu yeelanayno sharci inaga dabra tacadiyada Bilayska ee aynu samaysanayno  Bilays u hogaansama sharciga (law), isla markaana lagu tababaray in sharcigu amarka ka sareeyo, dilalka RRU-du way soo noqnoqon doonaan taasina waxay keeni kartaa in iyaga iyo shacbiga isku dhacaan, haddii aan la gaadhin talo degdeg ah oo inaga baajinkarta”.

 RRU3

Dhinaca kale Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu ku tilmaamay xasuuqii ay dawladdii Siyaad Barre kula kacday dadkii rayidka ahaa ee reer Somaliland sanadkii 1988-kii mid ay kaga aar-goosanaysay guul-darooyinkii ay ciidamadeedii kala kulmeen dagaalyahanadii SNM ee dalka gudihiisa soo galay dabayaaqadii bishii 1988-kii, xiligaas oo uu Yuusuf xusay in isaga iyo Axmed Jabaan ay ka mid ahaayeen mujaahidiintii ka dhex-dagaalamayey magaaladda Hargeysa.  Mujaahid Gaboobe waxa uu sheegay in dadkii lagu xasuuqay deegaanka u dhexeeya Biyo-Shiinaha ilaa Annayo ee waqooyiga Hargeysa ay ka mid ahayd Sahra Daahir Dhidar oo ahayd xaaskii mujaahid Axmed Jabaan, kaas oo bishan 9-keediina wiil uu dhalay oo 11 jir ah ay ciidamadda RRU-du ku dileen xaafadda Jigjiga yar oo xaaskiisan danbe degan tahay.

RRU

Mujaahid Yuusuf Gaboobe waxa  uu sheegay in oori-dii hore ee Axmed Jabaan ay diyaaradi dishay iyada oo dhabta ku haysa caruurtii ay la qaxday ilmihii ugu yaraa, isla markaana xiligaas ayuu Axmed Jabaan ku mashquulsanaa dagaalkii gudaha Hargeysa ka socday. “Maanta oo ay 27 sanadood kasoo wareegeena isagoo xaqdaro ku xidhan ayaa waxa uu ku war-helay in ciidamadda RRU-du ay qoyskiisii weerareen, wiilkiisii 11 jirka ahaan ay xaq-daro ku dileen, mid kale oo uu dhalayna dhaawac culus ay gaadhsiiyeen. Tacadiyada noocan ah ee dadka rayidka ah kibirka loogu laynayaa inkastoo aynu dal ahaan iyo shicib ahaanba aynu ku ceebaysanahay hadana sharaf-dhaca iyo masuuliyad-darada ugu wayni waxay gaar u tahay ninka Madaxwaynaha ka ah dawladan maatidda looga taag-laayahay”.

 

Source: Haatuf

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...