Thursday, September 16th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Gudida Ilaalinta Hatida qaranka ee Golaha Wakiilada oo ka biyodiiday in la wareejiyo haamaha shidaallka Berbera

Published on August 29, 2015 by   ·   No Comments

Gudihoosaadka ilaalinta hantida qaraka  iyo dabagalka musmaasaqa ee golaha wakiilada oo saaka ka hor akhriyey golaha warbixin ay ka diyaariyeen kulamo ay la yeesheen maamulka haamaha shidaalka oo ku saabsan dhaqaalaha ka soo baxa haama shidaalka ee Berbera ayaa sheegay in dhaqaale aad u badan oo gaadhaya 24 million oo dollar ay sanadkii xukuumadu ka hesho haamaha shidaalka ee Berberaa.

xil obama

Gudooomiyaha gudidan Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi – Obama oo ah nin had iyo jeer dabagala meelaha muhiimka ah ee hantida qaranku ku lumi karto oo warbixintaasi akhriyey ayaa sheegay inaanay fahansanayn sababta ay xukuumadu rabto inay dad gaar ah si naas nuujin ah ay uGu wareejiso haamashidaalka ee aynu ognahay dhaqalaaha intaas leeg uu ka soo baxo ee 24ka million ee dollar ah.

Xildhibaan Obama ayaa golaha u soo jeediyey in go,aan laga gaadho hantida qaranka ee muhiimka ah ee la rabo in shirkado gaar ah lagu naas nuujiyo oo dhaqalahaas 24ka million ah iyaga gacanta loo geliyo waxaanu soo jeediyey in isla maantaba cod loo qaado.

Sidiii cadada ahay waxa golaha ka dhex bilaabmay markiiba buuq ay samaynayeen xildhibaano iyagu taageerayey warjeeinta hamaha shidaalka iyagoo eegaya dantooda gaarka ah ee ay ka helikaraan inay taageeraan la dhaxal wareejiyo dakhliga intaas leeg oo uu dalku u baahanyahay.

Buuq badan ka dib wax la isku afgartay in cod la geliyo in la wareejiyo haamaha shidaalka iyo in lagu daayo hanti qaran oo ay xukumada dhexe maamusho.    Hase yeeshee waxa nasiib daro ahayd in gudoomiyahii golaha wakiiladu uu diiday in manta codka loo qaado iskagoo sheegay in beri loo codeyndoono, taasi oo lala yaabanyahay sababta uu beri uGu riixay isagoo og in caawa dhaqaale badan lagu bixindoono si looga hortago codeyntaasi.    Dadkuna waxay had iyo jeer shaki ka muujiyaan sida uu dhamaan waxay xukuumadu doonayso uu si orod ah uu baarlamanka uga ansaxiyo.

Dadka siyaasada ka faalooda ayaa sheegay in uu guuldaraysandoonto codkaasi beri loo balamay oo ay xildhibaanadu u codeyndoonaan intooda badani in hantidii qaranka shaqiyaad gaar ah la siiyo oo lagu naas nuujiyo.

 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...