Thursday, September 16th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga: By Maxamad Cumar Maygaag – Taag

Published on July 18, 2016 by   ·   No Comments

Inqilaabkii Turkiga ee fashilmay wuxuu sababay dhimashada 200 oo qof, 109 ay askar yihiin, inta kalena shacab iyo dhaawaca in ku dhaw 1500 qof . Ilaa 200 askarta inqilaabka waday baa isdhiibay, in ku dhaw 1500 askarina waa la xidhay.  Bilihii iyo  sannadihii ugu danbeeyey dalka Turkiga oo ka mid ahaa wadamada ugu xasiloonida wanaagsan ee caalamka ee loo dalxiis tago ayaa galay xaalado aan hore u soo marin.

Mohamed O Maigag

Waxa aad ugu batay dhacdooyin argagaxis ah oo miinooyin lagu qarxiyey magaalooyin ay ka mid yihiin  Ankara – caasimadda dalka. Falalkaa argagaxis dad badan baa ku geeriyooday.  Inkastoo dawladda Turkigu ayna filayn inqilaabkii xalay, waxyaabo badan baa u sabab u ah oo dhiiri galiyey askartii ku kacday.  Madaxwaynihii ugu horeeyey ee dalkan Turkiga xukumi jiray kadib markii ay dhacday madaxtooyadii boqortooyadii Cusmaaniyaddu waxa la odhan jiray Mustafa Kamal  Ataturk.

Waa Madaxweynaha qudha ee ummadda Turkigu u aqoonsanyihiin in uu yahay aabaha qaranka Turkiga.  Ataturk horumar wayn buu dalkiisa u horseeday wuxuuna kala saraay in dawladda iyo diintu shaqo isku yeeshaan lana isku xidho. Taas oo ummadda Turkiga diinta Islaamka ka fogaysay una horseeday in ay dhaqanka galbeedka qaataan.   Recep Tayiip Erdogan, Madaxwaynaha imika dalka Turkiga xukuma ee xalay sigtay in xilka lagala wareego wuxuu xukunka qabsatay 2014.

Intaa ka hor Ra’iisul Wasaaraha dalka ayuu ahaa . Waa nin diinta Islaamka ku dhaqma oo xaafidul Quraan ah. Dagaalka ka socda wadanka Suuriya,  Madaxwayne Recep Erdogan iyo dawladdiisu si cad bay uga soo horjeedsadeen Madaxwayne – Bashar Al-Asad waxayna ku eedeeyeen in uu sababay dilka boqolaal kun oo ka tirsan shacabkiisa.  Sidaa darteed dawladda Turkiga waxa lagu eedeeyaa in ay maalgaliso mucaaradka Dawladda Suuriya dagaalka kula jira.

Dagaalka ka socda Suuriya wuxuu rajo siiyey Ururada dhaqdhaqaaga ee Kurdishka ee ay ka mid yihiin PKK. PKK ilaa  70kii  ayey wadanka Turkiga dagaal kula jiray si ay Turkiga uga xoreeyaan degaanka ay deganyihiin dadka Kurdishku ee Bariga Turkiga. Dadka Kurdishku mandaqada way ku baahsanyihiin oo waxa kale oy degan yihiin  qaybo ka mid ah Suuriya, Ciraaq iyo Eeraan. Xasilooni darrada Turkiga ka jirta ayaamahan, Turkigu wuxuu ku eedaynayaa  PKK iyo ISIS laakiin kacdoonkii militariga ee xalay wuxuu ahaa mid muujinaya in cadowga dawladda Turkigu ahayn PKK iyo ISIS oo qudhee, Madaxweynaha Turkiga iyo dawladdiisa laftooda fartu ku godantahay. Recep Tayiip Erdogan waxa lagu eedeeyaa in uu kaligii taliye cabudhiya saxaafadda iyo dimiqraadinimada yahay. Waxa kaloo lagu eedeeyaa in uu  qorshaynayo in uu dastuurka wadanka wax ka bedalo si uu awoodiisa u sii xoojiyo. Waxaan u malaynayaa wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee uu Madaxwayne Erdogan iyo dawladdiisu hormoodka ka ahaayeen in xaggaa lagu iloobi doono inta ay Turkigu aqalkooga hagaajinayaan.

Illaahay ummadda Turkiga ha u gargaaro. Aamiin.

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...