Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Odayaasha iyo Haldoorka Bariga Magaaladda London Oo Soo Dhawayn iyo Martiqaad U Sameeyay Xildhibaan Mubaarig Bidhi+(sawirro)

Published on September 23, 2018 by   ·   No Comments

London (SDWO): Waxaa shalay oo ya taariikhdu kubeegnay 22/09/2018 . Ka Qabsoomay Xaafada White-Chapel Ee Bariga Magaalada London Kullan Casho Sharaf Oo Isugu Jirta Soo Dhaweyn Iyo Xog-Waraysi, Taas Oo Ay Soo Agaasimeen Xubno Ka Midda Odayaasha Iyo Madaxda Kulmiye Uk Ee Magaalada London.

2

Kullankaasi Waxaa Lagu Furay Duco Iyo Xusida Illaahay. Intaas Kadib, Waxaa Hadallo Isugu Jira Soo Dhaweyn Iyo Guud-marid Waxa uu Kullanku Ku Saabsanyahay Halkaasi Ka Soo Jeediyey xubno isugu jiray Odayaal, Aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye UK oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guddida Horseed dalka UK Maxamed Cali Bilaal, Oday Faarax Xasan Jagax, Xoghayaha Guddida Mus-danbedka Xisbiga Kulmiye Uk Md. Salebaan Carablow.

42437761_363719851115348_2704454031987703808_n

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye East London Siicid X Xasan, Afhayenka Kulmiye East London Cabdixakin Cawil. Xidhiidhiyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Uk Jaamac Cali Muuse ., Afhayeenka Guddida Horseed Cali Cabdi..Madaxa Qabanqabada Kulanka Siyaasi: Cabdiqadir Maxamuud Guudcade, Aqoonyahan Dahir Cabdi Jamac  iyo Xubna Badan

Waxaa Isaguna halkaasi Hadalo Kooban Goobta Ka Sheegay Gudoomiye Ku Xigeenka Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Uk md. axmed  Cabdilaahi (Axda) Oo Dhowaan Ka soo Noqday Wadanka, isagoo gudoomiyihu warbixin kooban ka bixiyey xaaladda dalka iyo waxa xisbi ahaan uga qorshaysan doorashooyinka barlamaanka iyo degaanka ee soo socota iyo doorka qurba-jooga.

Xildhibaan Bidhi oo halkaasi ka hadlay  ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay xubnaha odayaasha Iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye magaalada London ee martiqaadka iyo soo dhawaynta ay u sameeyeen. Isagoo xog-waran dheer goobta ka soo jeediyey oo Ku Saabsan guud ahaan Xaalada wadankii.

1

Xildhibaan Bidhi oo isagu dhawaan ka yimi wadankii, isla-markaana Sheegay in uu ku farxansanyahay in ay qurba-jooga iyo xisbul xaakimka Kulmiye-ba yeeshaan, kulamo ay ku kala warqaataan iskuna dhafsadaan wixii xog iyo tallo si looga dhabeeyo himiladda xisbul xaakimka Kulmiye ee doorashooyinka soo socota.

Suldaan Ibrahin Daldal Ayaa geba-gebadii kulanka soo afmeeray isagoo aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Horseed Uk iyo madaxda Xisbiga , Wuxuu suldaanku hadalkiisii ku soo gunaanaday mahad gaara u naqay Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi) iyo soo dhaweynta balaadhan ee loogu sameeyey magaalada London.

42536997_324317211457851_408935166375886848_n

Ugu danbeyn waxaa shirka fadhiyay qaar badan ka mid ah Odayaasha iyo haldoorka Bariga Magaalada London, oo ay ka mid ahaayeen  Ciise Idigaa, Cabdirashiid Maxamed Baaxeer, Xasan Cismaan, Aqoonyahan Xasan Fadhi yare iyo Mustafe Cabdi Wadad.

Siyaasi Yuusuf Googooye  iyo Cheif Caaqil Saleebaan Nugaal iyo  Abwaan Sadiiq Aw Faarax,  iyadoo halkaasi mahad naq  balaadhan looga soo jeediyay xubnihii qiimaha badnaa ee suurta-geliyay kulankaasi.

1 2

Waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay Md. Saleebaan Carablow,   Md. Cabdiqaadir Maxamuud Guudcade iyo Md. Cabdixakiin Cawil.

Isku soo wada duuboo kulanka ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad iyo farxad lagu kala hooyday, waxaana halkaa Lagu soo gunaanaday duco aad u qiimo badnayd.

42334832_697497807264531_1847516165610405888_n (1) 42437761_363719851115348_2704454031987703808_n 42536997_324317211457851_408935166375886848_n

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...