Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Somaliland: Xukuumadda iyo Culimadda Oo Isla Qaatay in Shareecada La Waafajiyo Xeerka Kufsiga

Published on September 27, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, golaha wakiilladda iyo culimo aw diinka dalka, oo kulan ka yeeshay xeerka kufsia, ayaa isla qaatay in xeerkaasi la waafajiyo shareecadda diinta Islaamka, isla markaana laga saaro qodobo ka hor imanaya diinta.

Xukuumada-iyo-golaha-wakiiladda-310x207

Kulankani oo ka qabsoomay xarunta golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay xubnihii kulankaasi ka qayb galay.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono qodobadda shareecadda Islaamka ka hor imanaya ee ku jira xeerka kufsiga.

Waxaanu  yidhi “Xeerkani waxaa uu maray golaha wakiiladda, golaha guurtidda, waxaanu ku danbeeyay aqalka madaxtooyadda Somaliland, xeerkaasi waa uu dhaqangaley, waxaana ka soo baxay qodobo ay culimadu sheegeen in ay shareecadda diinta islaamka ka hor imanayaan.

Dad islaam ah ayaynu nahay, wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanayana dastuurkeena ayaa xaaraantinimeeyay, culimaddana waxaanu ku heshiiney wixii qodobo ah ee ka hor imanaya shareecaadda diinta Islaamka ee xeerkani ku jira in ay soo qoraan, leysla eego oo wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanaya laga saaro.”

Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in arrintan ay dib u eegis ku samaynayaan guddi ka kooban golaha wakiillada, culimo aw diinka, xafiiska garyaqaanka guud iyo wasiirka diinta iyo aw qaafta, waxaanu yidhi “Guddi ka kooban golaha wakiiladda Somaliland, culimo aw diinka, garyaqaanka guud, wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta iyo guddida shuruucda ee golaha.

Waxay  isla eegayaan qodobada ka hor imanaya shareecadda diinta islaamka, wixii shareecadda ka hor imanayaana waa waxba kama jiraan. Markaa waxaanu ku heshiiney culimadda inaanu isla eegno wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanaya”.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda ka go’an tahay in ay wixii sixitaan u baahan ay tixgalineyso waxaanu yidhi “Waxaa aynu goobtan isugu nimid in aynu is fahan iyo is afgarad ka yeelano murankii ka dhashay xeerka kufsiga.

Culimadda dalka waanu uga mahad naqeynaa sida naxariista leh ee ay arrinkaasin noola soo dhaweeyeen. Xukuumaddana sidii ballanqaadka madaxweynuhuba ahaa waxaa ka go’an in ay mar walba sixitaanka iyo toosinta iyo wada tashiga ummadda ay tixgeliso, golahana waa kii aynu u igmanay inuu arrimaheena guud iyo kuwa kaleba inoo habeeyo.

Hadii ay tahay xeerar leynagu dhaqo oo dhan walba ah, xaq ayay u leeyihiin wixii ay mihiim u arkaan inay inoo soo gudbiyaan. Hadda waxaa leysla qaatay culimadu in ay noqdaan kuwo mar walba la socda golaha wakiiiladda, golaha wakiiladduna ay ku xidhnaadaan culimo aw diinka dalka.”

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) ayaa isaga oo ku hadlayay afka culimo aw diinkii ka qayb galay kulankaasi waxa uu yidhi “Xeerarka la dejiyaa waa laba nooc, kuwo shareecadda ka hor yimaada iyo kuwa waafaqa. Xeerka shareecadda ka hor yimaada, Allaha ina abuuray ayaan inoo ogoleyn.

Dad muslimiin ah oo Illaahey rumeysan, una hoggaansan ayaynu nahay, waxaana wax Illaahey loogu mahadiyo ah in madaxdeeni iyo culimaddeeni dhammaan aynu isku wada waafaqney in wixii shareecadda islaamka ka hor imanaya ee xeerkaasi ku jira in laga saaro. Isla markaana shareecadda diinta islaamka la waafajiyo.”

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...