Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Guddoomiyaha UCID Oo Xarunta Xisbigiisa Ku Qaabilay Qalbi Dhagax

Published on September 27, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga ku qaabilay Col. C/kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsan jabhadda ONLF oo maalmahan socdaal ku jooga Hargaysa.

vlcsnap-1146-06-07-14h26m55s703

Waxaanu Qalbi Dhagax iyo xubnaha la socday uga mahad celiyay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay in ay ka ddanbaysay marti qaad uu isagu ugu balan qaaday mar dhawaan uu safar ku tegay magaaladda Nairobi.

Kulanka ka dib  Eng. Faysal oo ugu horayn ka dareen celinayay socdaalka Qalbi Dhagax ee Hargaysa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa C/kariin Sheekh Muuse iyo weftiga la socda oo ka soo jawaabay marti qaadkii aanu u samaynay. Tallaabadani waa tallaabo bilaw ah oo cusub  bog cusub ayaanan samaynaynaa”.

vlcsnap-6867-03-28-07h05m30s177

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa soo dhaweeyay guud ahaan isbedeladda siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika gaar ahaana kuwa degaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hormoodka ka yahay raysal wasaaraha Itoobiya.

Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland ay la gudboontahay sidii ay ula jaan qaadi lahayd isbedeladda siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, isla markaana loo baahan yahay in doorkii ay arrimaha Soomaalida ka qaadan jirtay ka qaadato.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa siyaasadda fur-furan ee uu la yimid raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Aad iyo aad ayaanan u taageerayaa, ee Geeska Afrikoo dhan ku saabsan.

Hadaba si aynu inaguna (Somaliland) Geeska ula jaan qaadno, oo 360 degree ayay isbedeshay siyaasadii Geeska Afrikee, waa in inaguna haddii aynu nahay Somaliland 360 degree aynu wareejinaa.

Waa in doorkii arrimaha Soomaalida aynu ka cayaari jirnay soo celinaa, oo maanta meesha ugu darani waa Soomaaliyee, waa in arrimaha Soomaaliya aynu gacan ka gaysanaa”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay C/kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ka tirsan jabhadda ONLF, waxaanu sheegay in imaatinkiisa Somaliland uu ka danbeeyay marti qaad uu ka helay guddoomiyaha xisbiga UCID mar ay dhawaan ku kulmeen dalka Kenya.

vlcsnap-3321-07-24-10h50m00s150

Waxaanu xukuumadda Somaliland iyo goleyaasha baarlamaankaba uga mahad naqay in ay ogolaadeen in isaga iyo xubnoo kaloo ka tirsan ONLF ay yimaadaan Hargaysa.

Waxaanu yidhi “Guddoomiye Faysal, oo hadda ka horna aanu mar isku aragnay Nairobi, marti qaadkii ugu horeeyayna ku dhawaaqay in aan imaado Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa.

Sidoo kale dawladda Somaliland  iyo goleyaasha oo la qaatay in aanu nimaadno Hargaysa aad iyo aad ayay u ahayd arrin munaasib ah”.

Qalbi Dhagax waxa uu faah-faahin ka bixiyay kulamadii uu la yeeshay shir-gudoonka golaha Wakiiladda Somaliland iyo guddoomiyaha UCID kuwaasoo uu sheegay in ay diiradda ku saareen masaalixda geyiga Soomaalida iyo sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka mudadda u dhexeeyay.

vlcsnap-3321-07-24-10h50m00s150

“Waxaan ka wadahadlaynay inta badan masaalixda  guud ahaan geyiga ay Soomaalidu degan tahay ayuu ahaa.

Waxaanan runtii aad culayska u saaraynay is-dhexgalka bulshadda iyo meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinku sidii loo wada xalin lahaa iyo sidii loo soo celin lahaa walaalnimadii oo dhawr iyo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay is jiid-jiidad iyo colaado ay kala gooyeen”ayuu yidhi Qalbi Dhagax.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...