Thursday, September 16th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Muwaadiniin Reer Somaliland ah Oo ka Mid Noqday 100 Qof Ee Ugu Dedaalka Badan Afrikaanka Ku Nool Wales

Published on September 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Laba nin oo reer Somaliland ah ayaa ka mid noqday 100 qof oo Afrikaan Welish ah  oo lagu qiimeeyey inay fikrado la yimaadeen isla markaana ay hormuud u yihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee u shaqeeyey Waddanka Wales ee Boqortooyada Ingiriiska.

Iid iyo Cali

Dalka Wales  waxa lagu qabanayaa  bisha  fooda innagu soo haysa ee October,  sannad guuradda 70aad ee ka soo wareegtay xiligii  dadka Afrikaanka ah ay tageen  dalkaas, sidaasna waxa shalay daabacday shabakadda Wales  Online.

Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xalay   ka soo xigatay Shabakadda Wales  Online,  in   Iid Cali Axmed iyo Cali Cabdi oo u dhashay Somaliland  ay ka mid noqdeen boqolka qof ee ugu dedaalka badan Afrikaanka ku nool Wales.

Iid Axmed Cali oo 68 jir ah  waxay Wales Online xaqiijisay  inuu ahaa halgamaa iyo hawlwadeen  hore oo ka soo shaqeeyey Baan caalamiya. Waxaanu  Wales  ku galay qaxoontinimo sannadkii 1987kii, isagoo noqday    Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Qaxoontiga Wales (WRC) sannadkii 2011kii.

Warku wuxuu intaas ku daray in Iid Axmed Cali uu ka tirsanaan jiray  ururkii SNM ee riday taliskii kaligii taliyihii Siyaad Barre oo ka soo barokaciyey dalkiisii.

Iid Axmed Cali wxa kaloo uu noqday Guddoomiyihii hore ee bulshada reer Somaliland ee Yurub iyo Ingiriiska.waxaanu si joogto ah u booqdaa Somaliland oo ah waddankiisa  hooyo oo ah mid xasiloon  oo dimuqraadi ah oo xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Cali Cabdi  uu isna xubin firfircoon ka ahaa bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Cardiff, waxaanu door ku lahaa olole ku wajahnaa toosinta iyo dhiirigelinta dhallinyarada,si ay ula macaamilaan bulshada ay la nool yihiin.

Cali Cabdi wuxuu  ka qaybqaatay mashruuc la xidhiidhay shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfadaha shaqo  oo looga gol lahaa in  lagu yareeyo  saboolnimada.

Iid iyo Cali

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...