Friday, June 25th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Bangiga Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Oo Casho Ku Maamuusay Macaamiishiisa

Published on November 30, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International ayaa munaasibad casho sharaf ah ku maamuusay macaamiishiisa oo ay ku jiraan haldoorka ganacsatada Soomaalida.

C25t

Munaasibadda oo lagu qabtay xarunta Baniga ee Hargeysa waxa lagu soo bandhigay todobaadka daryeelka macaamiisha waxaana goobjoog ahaa maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil), guddoomiyaha Bangiga Cumar Sheekh, masuuliyiin sarsare oo Dahabshiil Group ah, ganacsato iyo macaamiil.

Guddoomiyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Dahabshiil ayaa sheegay in u jeedada Todobaadka Daryeelka Macaamiishu ahaa sidii loo horumarin lahaa isku xidhnaanta Bangiga iyo macaamiisha loona dhegaysan lahaa fikradaha macaamiisha.

“Waxaanu u aragnay in aanu macaamiisha mar walba soo dhawaysano, taladooda aanu maqalno, horumarka aanu samaynayno mar walba aanu qayb ka siino, waayo marka aad idinku guulaysataan ayaanu anaguna sii guulaysanayna, marka xafladdan aasaaskeedu waa taas,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Dahabshiil.

Guddoomiyaha Dahabshiil waxa uu sheegay in todobaadkan la dhegaystey talooyinka macaamiisha haddii ay horumar tahay iyo haddii ay dhalliil tahay, islamarkaana la dhiiri galin doono shaqaalaha u adeegga macaamiisha “Madax badan oo Dahabshiil Bank ah ayaa jooga oo ay ka mid yihiin madaxdii East Africa Bank ee Jabuuti. Dhammaan waxay u yimaaddeen oo aanu ayaamahan oo dhan u joognay una sii joogayaan sidii adeegga macmiisha loo sii kordhin lahaa.

C DHH

Waxaan filaya in ay markii u horaysay tahay in usbuuc dhan macaamiisha la siiyo oo afkaartooda la dhegaysto, maalgalinta lafteeda meelaha ay macaamiishu jecel yihiin culayska la saaro anaga oo eegayna rag iyo dumar ba, dhallinyaro, waayeel, cid baayac mushtariga ku cusub iyo mid muddo dheer Baayac mushtari ahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo si balaadhan ugu mahadceliyay ganacsatada kala duwan ee Soomaalida ee xafladda ka soo qayb galay iyo guud ahaan macaamiisha shirkadda ku xidhan waxaanu ammaanay doorka ganacsatada ee shaqo abuurka iyo horumarka.

Guddoomiyaha Dahabshiil Group waxa uu ganacsatada u ballanqaaday in ay dardar galin doonan taageeradooda ganacsiga “Waxaanu doonayna in aad ogaatan in aanu garabkiina taaggan nahay, in aanu maalgalinta aanu Waddanka galinayno sii badinayno, in aanu dhallinyarada iyo cid Alla ciddii doonaysa in ay shaqo abuuraan ba aanu gacmo furan ku soo dhawaynayno, in dadka qurbejoogga ah ee dalka ku soo noqday ama ku soo noqonaya Dahabshiil Bank u furan yahay oo adeegga ay u baahan yihiin ka heli doonan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid oo macaamiisha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Dahabshiil Bank Cumar Sheekh.

Waxaanu  u mahadceliyay maamulihii hore Siciid Maxamed Cali oo hawlgab ka noqday shaqada laakiin, la sii shaqayn doona Bangiga.

3

Guddoomiyaha cusub ee Dahabshiil Bank Cumar Sheekh oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in hoggaamintiisu isbedello waaweyn ku soo kordhin doonto Bangiga oo ay ka mid tahay isku xidhka macaamiisha iyo bangiga.

“Xidhiidhinta, tixgelinta iyo daryeelka macaamiisha aad baan u jeclahay waanu idinla shaqaynayna, waxaanu idin leenahay bangiga lacag soo dhigta, ciddii dayn lagu leeyahay noo soo celiya maxaa yeelay? Waa in marka mashruuc lagu siiyo lacagta aad soo celisa si dad kale uga faa’iidaystaan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Dahabshiil Bank.

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ka mid ah macaamiisha Dahabshiil ayaa soo dhaweeyay fikradda cusub ee lagu daryeelayo macaamiisha waxaanu u mahadceliyay madaxda Dahabshiil.

Xaaji Aadan Baradho waxa uu masuuliyiinta Bangiga ku booriyay in ay sameeyaan nidaam ganacsatada u sahlaya in ay lacagahooda ka qaatan dibadda “Talooyinka aan idiin soo jeedinayo waxa ka mid ah oo baahida baan loo qabana ugu badan tahay oo ugu mudan tahay in aad xidhiidh dibadeed inoo samaysaan oo baanka laga furan karo LC-yada si looga raysto lacagahan tuurta lagu qaadanayo ee dibadaha lala qabanayo ee China lala qabanayo ee Turkiga lala qabanayo ee meesha aynu wax ka keenaba lala qabanyo ee halista ah si looga nasto in aad inoo samaysaan ‘correspondent’ Banks caalamiya oo inaga oo halkan joogna aan LC-yadii ka furan karno oo xataa xoolaheena uga furan karno iyo badeecadda kale ee aynu dhoofino oo hadda ah biyo yaa shubana,” Sidaas ayuu yidhi ganacsade Aadan Baradho.

Caasha Ibraahin (Caasha Sugan) oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa Bangiga Dahabshiil ku boorisay in uu dardar galiyo taageerida ganacsatada “Anigu barigii hore ganacsato ayaan ahaa markii dambena qaxoonti ayaan noqday waxaan garoonka Berbera ka soo degay aniga oo 60 doollar sita maantana warshado iyo ‘Campany-yo ayaan leeyahay, Illaahay iyo Dahabshiil ayaa mahadda iska leh.

Dahabshiil wuu ina wada dhiiri geliyay dumarkuna ha u badnaadan dadka uu dhiiri geliyo ama uu wax u qabto,” Sidaas ayay tidhi Caasha oo si weyn ugu mahadcelisay Dahabshiil.

Maamulaha dugsiyada Nuura Diin Mahad Ibraahim oo munaasibadda hadal ka jeediyay waxa uu sheegay in Nuura Diin yahay macmiilka u horeeyay ee bangigu maalgaliyay. Waxa uu sheegay in dugsiga hablaha ee Nuuradiin oo ku yaalla Shacabka uu dhulka siiyay madaxweynihii hore Daahir Riyaale, islamarkaana lacagta lagu dhisay oo Malyuun dollar ah bixiyay Dahabshiil Bank.

“Markii fikirka dhismaha dugsigu igu soo dhacay waxaan la hadlay Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo Ingiriiska joogay waxaanan ku idhi ‘waxaan doonaya dugsigaas oo dhismaha iyo qalabka ay ku baxayso lacag malyuun doollar iyo siyaado ah’ waxa uu igu yidhi ‘aynu isu nimaadno’ markii aanu isku nimid sidii nidaamka baanku ahaa waxa la igu yidhi ‘damiinul maal ayaa laga raba’ inta aan u imid Xaajiga ayaan idhi ma hayo cid iga damiinata Malyuun doollar iyo siyaado ee waxaad yeelayso yeel.

Xaaji Maxamed Siciid isaga ayaa iga noqday Damiinul maal warqaddii nootayada ee uu ii qorayna waan haya. Isaga laftiisu isma lahayn lacagta inta leeg way soo noqonaysaye illaahay ayaa naga bixiyay,” Sidaas ayuu yidhi Maamule Mahad Ibraahim.

Maamulaha Star Group Deeq Cabdi ayaa isna masuuliyiinta Bangiga Dahabshiil kula taliyay in ay dib u eegis ku sameeyaan Khidmadda Bangigu saaro maalgalinta si cid walba u awoodi karto waxaanu si weyn uga mahadceliyay qorshaha cusub ee lagu daryeelayo macaamiisha isaga oo ballan qaaday in uu barbar taaggan yahay Dahabshiil Bank.

Agaasimaha telefishanka Horn Cable Maxamed Cabdi Ilig ayaa isna madaxda Dahabshiil Bank ku boorriyay in dhallinyarada qorshe maalgalineed oo ka fudud ganacsatada loo sameeyo maaddaama aanay dhaqaale buuran hayn una baahan yihiin ganacsi abuur, in ay guryo dhistaan iyo in ay nolosha ku soo biiraan. Fikraddaas ayay ganacsatada waaweyn iyo dadka madasha ka hadlay si weyn u soo dhaweeyeen.

 

SDWO.com/Hargeisa

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...